Sidee baan isaga tallaali karaa COVID-19 markaan Giriiga joogo oo waa maxay tallaabooyinka la rabo xilligan?

Boggan waxa si joogto ah loogu soo gudbin doonaa ogeysiisyada cusub ee Qaranka ee ku saabsan tallaabooyinka Dawladda Giriiggu qaaday si ay uga hortagto ugan jawaabto karoona fayraska. Wararka cusub ee joogtada aha waxa sidoo kale laga tixraaci karaa websaydyada haayada Qaranka ee ka masuulka ah ee hoos ku xusan:

Wixii macluumaad dheeraada ah booqo sidoo kale Websaydka Macluumaadka qaxoontiga ee www.refugee.info


COVID-19 Vaccination

Olalaha Tallaalka Qaran ee COVID-19 ayaa bilaabmay. Waxa badqabkiisa, tayadiisa iyo waxtarkiisaba ansixiyaya ururo caalami ah iyo kuwa waddani ah oo awood iyo karti u leh ansixinta, sida Haayadda Caafimaadka Adduunka, EMA (Wakaaladda Daawooyinka Yurub) iyo FDA (Maamulka Cuntada iyo Daawada ee Maraynkanka)

Tallaalka, oo bilaasha ah dhammaan dadka, waxa lagu bilaabaya dadka safka hore khatarta caafimaad ku jira, kooxaha nugul, kuwa ku jira dhismayaal xiran / meelo daryeel oo xiran iyo kuwa haya adeegyo qaran oo muhiim ah.

Talaalku waa ikhtiyaari, laakiin wuxu lagama maarmaan u yahay ilaalinta nafteena iyo nafaha aadamaheena kale.

Haddii aad xilligan u qalanto, isticmaal Aqoonsigaa TaxisNet si aad ballanta tallaalka Covid-19 uga qabsato linkiga hoose:

https://emvolio.gov.gr/en

Sidoo kale waxaad soo saari kartaa AMKA ku meel gaar ah si aad u hesho tallaalka.

– Foomaka ka buuxi halkan: https://emvolio.gov.gr/en/pamka 

Magangalyo-doonku waxay ballantooda u qabsan karaan elektaroonika ahaan. Adeegga Magangalyadu wuxu dadwaynaha u adeegaa ka dib marka ballan elektarooni ah la qabsado oo keliya.
Hawlaha hoose waxa haddaba lagu qabtaa keliya marka ballan la qabsado ka dib:
• Weraysiyada qorsheysan
• Diiwaangelimaha qorsheysan
• Soo gudbinta dukumiintiyada taageerada ee la xidhiidha kiisaska dib ula midowga qoyska (kiisaska Dublin)
Xaalad gaara ahaan, racfaanka waxa la soo gudbin karaa iyada oo aan ballan la qabsan, waxa sabab u ah waqtiyada kama dambeysta ah ee loo qabtay.
Adeegyada kale ee looga shaqeeyo elektaroonik ahaan, ee aan loo baahnayn in toos qofku u yimaado, waa:
• Isbedelka ku yimaada macluumaadka xiriirka
• Isbedelka ku yimaada xogta shaqsiga ah
• Codsiga Dib Udhiga/Dedejinta Taariikhda Wareysiga
• Shahaadada xaaladda codsiga
• Shahaadada kala-soocida faylalka
• Shahaadada gudbinta dukumiintiyada
• Shahaadada bixinta nuqullada
• Codsashada Gargaar Sharci
• Qoondaynta PAAYPA (Lambarka Bixinta Amniga Bulshada iyo Daryeelka Caafimaadka)
Wixii khuseeya hawlaha lala hortagayo Haayadda Racfaanka, qariinada loo idmay inay ka wakiil noqdaan codsadayaasha waxay codsigooda ku soo gudbin karaan elektarooni ahaan, waxayna u soo dirayaan cinwaanka iimaylka soo socda:
[email protected]

How can I get vaccinated against COVID-19 in Greece and what are the current measures?


Talooyin ku saabsan ka hortagga faafitaanka COVID

In gacmaha jeermiska lagaga dilo dareere alkahoolka ku jiraa uu ka badan yahay boqolkiiba todobaatan (70%).

In dhismayaasha hawo ku filan oo dabiici ah ama dadsamee ah helaan.


Adeegyada dadweynaha

Hawlgalada buuxa ee dhammaan shaqaalaha laga rabo inay qof ahaan u soo xaadiraan ee ay ku jiraan shaqaalaha ka tirsan kooxaha khatarta dheeraadka ah ku jira iyo shaqaalaha dadwaynaha ee ka tirsan kooxaha khatarta dheeraadka ah ku jira waxay shaqadooda u qabsanayaan si toos ah, waxaana la doorbidaayaa inay yihiin boosas shaqo oo aan xiriir la lahayn dadwaynaha.


Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay

Ilaalinta shaqaalaha ka tirsan kooxaha khatarta-sare ku jira iyadoo laga shaqeysiinayo goobo aanay dadwaynaha xiriir la lahayn, markay suurtogal tahay.


Isbitaalada, goobaha caafimaadka, xafiisyada dhakhtarada, xarumaha baadhitaanada caafimaadaka iyo xarumaha dib u dejinta

Waxa waajib ah in shaqaalaha, bukaanada, iyo booqdayaashu xirtaan afxir (maaskaro). Bukaanada xarun caafimaad dadwayne ama mid gaar loo leeyahay u yimi in la baaro lagama rabo inay maraan baaritaanka caafimaad ee karoonafayraska COvID-19. Bukaanada xarun caafimaad dadwayne ama mid gaar loo leeyahay u yimaada baaritaan qoto dheer ama baaritaan sababi kara inuu hawada ku sii daayo dhibco-biyood waxa laga rabaa inay maraan shaybaar (PCR ama baaritaanka degdeg ah).


Dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada

Waxa waajib ah in la xirto maaskaro/waji-xir marka la wado hawlaha waxbarasho ee qaybaha Waxbarashada Dugsiyada Hoose iyo Sare, Waxbarashada iyo Tabararka Khaaska ah, xarumaha shaybaarka iyo shaybaarada dugsiga, Dugsiyada Fursadda Labaad, Machadyada Farsamada Gacanta, Sannadka Dugsiga sare ka Dib, xarumaha muraajacada, xarumaha luuqadaha qalaad, bixiyayaasha tababaradda iyo shahaado-siinta xirfadaha, macaahida barashada luuqadaha qalaad iyo dhammaan noocyada kala duwan ee la xiriira dhisme(tusaale ahaan, fasalada taarabuunada), meel dadwayne ama mid gaar loo leeyahay ha noqotee, meelaha lagu qaado imtixaanada (tusaale ahaan, imtixaanada dugsiyada loogu kala gudbo iyo kuwa qalinjabinta, imtixaanada luuqadaha qaalada, imitixaanada shahaado-siinta fahamka luuqadaha, imtixaanada shahaado-siinta IT) ee dhammaan iyadoo laga reebayn qofka gelaya (ardeyda, tababartayaasha, shaqo ku tababartayaasha, macalimiinta, tartamayaasha, ardedya, tababarayaasha, kormeerayaasha iyo shaqaalaha kale).

Isticmaalka maaskarada caafimaadku kuma waajib ah darawalada basaska dugsiyada, kaaliyayaashooda, macalimiinta iyo ardayda soo fuula.

Xirashada maaskarada caafimaad ayaa ku waajib ah dhammaan dadka (ardayda, tartamayaasha, xubnaha kuliyada, kormeerayaasha, iyo shaqaalaha kale) gelaya aaggaga kale ee AEI/Maktabadaha (qolaalka bandhigyada, taarabuunada) kuwaas oo lagu qaado dhammaan noocyada imtixaanada iyadoon qofna laga reebayn.


Gaadiidka

Isticmaalka maaskarada ilaalinta neefmareenka sare (FFP2 ama N95) ama taas beddelkeed laba maaskaro (ka qalliinka iyo mid maro ah) ayaa waajib ah.


Dukaamada cuntada (dukaamada waaweyn, suuqyada yaryar, moofooyinka, hilibleyda, farmasiyada, kaalmaha shidaalka, dukaamada xayawaanka rabbaayadda ah, nadiifiyeyaasha qalalan, dukaamada iibiya tubaakada/alaabta la qiijyo)

Khaasatan marka farmeeshiyada la joogo, isticmaalka maaskarada ilaalintaa neefmareenka sare (FFP2 ama N95) ama taas beddelkeed laba maaskaro (ka qalliinka iyo mid maro ah) ayaa waajib ku ah dhammaan shaqaalaha iyo macaamiisha.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo linkiga hoose (Kaliya lagu heli karo luuqadda Giriiga):

https://www.e-nomothesia.gr/kat-ygeia/astheneies/koine-upourgike-apophase-dia-gp-oik-43107-2022.html


Taxadarka Nadaafadda Guud

Ha illoobin!

Ku Qufac ama ku hindhis suxulkaaga ama softi/fayn oo isla markiiba ku tuur qashinka. Gacmahaaga ka ilaali wejigaaga. Gacmahaaga si joogto ah u dhaq ugu yaraan 20 ilbiriqsi adoo isticmaalaya saabuun iyo biyo, gaar ahaan ka hor intaadan wax cunin iyo ka dib markaad musqusha gasho.

Ardayda: Ha la wadaagin alaabada (sida qalin, qalin rasaas, iskiisadaha, taleefanka gacanta, lacagta waraaqaha ah, lacagta birta ah, iwm.) ardeyda fasalkaaga. Qof kasta u jirso 1.5m, dugsiga gudihiisa iyo dibadiisaba. Haddii aad xanuun dareentid, ogeysii waalidkaa / cidda kaa masuulka ah ama macalinkaaga isla markiiba oo guriga joog intaad ka fiicnaanayso.


Xayiraadaha safarka

Ka hor inta aanad u safrin Giriigga, sii ogoow xayiraadaha laga yaabo inay jiraan xilliga aad safrayso, adiga oo tegaya boggaga internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda (https://www.mfa.gr/en/current-affairs/statements-speeches/welcome-to-greece.html),  Haayadda Duulista Rayidka ah (http://www.ypa.gr/el/news) iyo Wasaaradda Arrimaha Badda iyo Siyaasadda Jasiiradaha (https://www.ynanp.gr/el/gr-epikoinwnias-enhmerwshs/prostasia-apo-neo-koronoio-nomothesia/).

Talo loogu talo galay Dadka Safraya: 

  • Khatarta safarrada waxaa loo tixgeliyaa inay tahay mid dhexdhexaad ah. Waxa lagula talinayaa dadka safraya inay iska daayaan safarada aan muhiimka ahayn ee ay u aadayaan meelaha laga filayo in COVID-19 ku faafay Linki.
  •  Haddii aad yeelato qando iyo/ama astaamaha xanuunada neefmareenka sida naqaska oo ku qabta ama qufac 14 beri ka dib markaad soo laabato, waxa lagula talinayaa inaad guriga joogtid oo aad isla markiiba raadsato daryeel caafimaad adiga oo sheegaya safarkaagii dhowaa, ama la xiriir Ururka Caafimaadka Dadwaynaha ee Heer Qaran (1135, 210-5212054).
  • Dhammaan dadka soo galaya Giriigga (oo ay ku jiraan caruurta jirta 5 sannadood) waxay u baahan yihiin Shahaado COVID oo dhijitaal ah oo laga soo saaray Midowga Yurub, Waddamada Schengen iyo waddamada (dhulalka) kale ee aan Midowga Yurub ka tirsaneyn ee qaatay nidaamka Shahaadada COVID ee Dhijitaalka ah  (ama) shaybaar karoona fayras (PCR) oo COVID-19 laga waayay, kaas oo la sameeyay 72 saacadood ka hor intaanay soo gelin Giriigga, (ama) shaybaar degdeg ah oo la iska qaaday muddo illaa 24 saacadood ah. Wixii macluumaad dheeraada ah ka eeg Websaydka rasmiga ah dawladda ee loogu talagalay musaafiriinta ee halkan: https://travel.gov.gr/#/.
  • Booqdayaashu markay yimaadaan waxa laga qaadi karaa shaybaar karoone oo degdeg ah, oo ay tahay in laga waayo. Haddii shaybaarka cudurka laga helo, waa inay karantiil 5 beri ah galaan, oo ay ku galaan gurigooda ama meel dawladu u calaamadisay.
  • Wixii macluumaad ah ee ku saabsan duulimaadyada caalamiga ah, fadlan ogow in COVID-19 uu saameyn ku yeelan karo safaarada aad Giriiga ku imanayso/kaga baxayso. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorsheyaashaada safar ee aad ku imanayso / kaga baxayso Giriiga waxa laga heli karaa webseedka IATA ee halkan https://www.iatatravelcentre.com/world.php iyo halkan https://www.aia.gr/traveler/travellers-info/faq-for-covid19.