Waa maxay magangelyo?

Macluumaad guud oo ku saabsan nidaamka magangelyada ee Giriigga

  • Haddii aad ka baqayso inaad ku noqoto wadankaagii aad ka soo jeeday, ama waddankii aad horey u degenayd haddii aadan waddanba lahayn, sababtoo ah waxaad halis ugu jirtaa inaad la kulanto dhibaatooyin khatar ah oo la xiriira diintaada, qawmiyadaada, waddanka aad ka soo jeedo, fikrad siyaasadeed, ama xubin ka ahaanshaha koox bulsheed oo gaar ah ama waxaad ka soo qaxday jirdil dagaal, ama dhaqan bini aadamnimada ka baxsan oo u bahdilaya, waad codsan kartaa magangelyada Giriigga.
  • Adeega Magangelyada Giriiga ayaa marka ugu horeysa, haddii rafcaan la qaatona, Guddida Rafcaanka Madaxa bannaan ee marka labaad ayaa baari doona codsigaaga oo go’aan uga gaari doona qaab waafaqsan shuruucda Giriiga iyo Yurub.
  • Qof magangelyo doon ah oo Giriigga jooga ahaan, waxa laga yaabaa inaad codsan karto in waddan kale oo Yurub ah laguugu keeno xubnaha qoyskaaga dhow, haddii shuruudaha aad buuxiso. Ka raadi macluumaad dheeraad ah “Dublin III” hoosteeda.
  • Waxaad sidoo kale magangelyo u codsan kartaa lamanaahaaga iyo caruurtaada ka yar 18 sannadood, ama caruurtaada ka weyn 18 sannadood ee maskaxda ama jirka ka naafo ah ee aan awoodeyn inay codsi iskood u soo gudbistaan, haddii ay sidoo kale Giriiga kula joogaan iyana.
  • Inta lagu jiro magangelyada la wado waa inaad joogtaa Giriiga. Haddii aad ogolaansho la’aan u tagto dal kale oo Yurub ah inta codsigaaga magangalyo weli laga sugayo dhanka Giriiga, masuuliyiinta dalkaasi waxay xaq u leeyihiin inay kugu soo celiyaan Giriiga.