Xeerka Dublin III

Ujeedada Xeerka Dublin III waa in la dardargeliyo helitaanka nidaamka magangalyada iyo in codsiga uu qiimeeyo hal waddan oo Xubin ka Ah Yurub oo si waadaxa loo qeexay. Sharcigu wuxuu u dejiyaa Dawlad-Goboleedyada xubnaha ka ah ee masuulka ka ah baaritaanka codsiga magangelyo doonka.

Shuruudaha lagu dejinayo mas’uuliyaddu waxa loo kala habeynayaa siday u kala horreeyaan:

  • tixgelinyada qoyska,
  • haysashada fiise dhowaan ah ama rukhsad deganaansho oo laga haysto Waddan Xubin ah, iyo
  • haddii codsadaha uu soo galay Midowga Yurub hab aan caadi ahayn, ama si caadi ah.

Marka aad soo gudbiso codsiga ilaalinta caalamiga ah, farahaaga, iyo sidoo kale faraha xubin kasta oo qoyskaaga ka tirsan oo ka weyn afar iyo toban (14) sano jir, ayaa la qaadi doonaa. Faraha waxaa la galin doonaa EURODAC, Kaydka Xogta Dhexe ee Yurub, taas oo ujeedadeedu tahay hirgelinta Xeerka “Dublin III”.

Xeerka “Dublin III” wuxuu go’aamiyaa in Dalka Yurub ka tirsan ee ka masuul noqonaya qiimeynta codsigaaga.

Dawladaha hirgeliya Xeerka “Dublin III” waa: Oostariya, Biljam, Bulgaariya, Kuraweeshiya, Qubrus, Jamhuuriyadda Czech, Denmarik, Istooniya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Giriiga, Holland, Hangari, Ayslaan, Ireland, Talyaaniga, Laatfiya, Lijisteyn, Lisuwaaniya, Lugsambeeg, Malta, Norway, Boolan, Bortuqaal, Roomaaniya, Islofaakiya, Islofaaniya, Isbayn, Iswiisarlaan. (Hadda ka dib loogu yeedhi doono waddamada “Dublin III”).

Boqortooyada Ingiriiska ka dib BREXIT (ka Bixistii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub) waxaa kaliya oo ku waajib ah inay ka jawaabto Codsiyada Qaadashada, ee la soo gudbiyay illaa 31/12/2020. Suurtagal maaha in codsiyo cusub oo ku salaysan Xeerka Dublin III loo diro Boqortooyada Ingiriiska.

Haddii aad tahay qof yar oo aan lala socon oo xubin ka mid ah qoyskaaga (waalidka, walaalka/walaashaa, adeero/eedo, awoowo/ayeeyo) ay sifo sharci ah ku joogaan waddan “Dublin III” ah, markaa waddankan ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsigaaga, haddii sidaasi tahay dantaada ugu fiican.

Haddii aad tahay qof yar oo aan lala socon oo aysan jirin xubno ka tirsan qoyskaaga oo sifo sharci ah u jooga mid ka mid ah wadamada “Dublin III”, codsigaaga waxaa qiimeyn doona Giriiga.

Haddii aad tahay qof weyn oo xubin ka mid ah qoyskaaga, – iyadoon loo eegeyn in qoyska lagu sameeyay wadanka aad asal ahaan ka soo jeedo iyo in kale-, ay joogto mid ka mid ah waddamada “Dublin III” iyadoo ka faaiideysatay ilaalinta caalamiga ah, markaa waddankaas ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsigaaga, haddii xubnaha qoyskaaga ee waddankaas jooga rabitaankooda qoraal ku soo sheegaan. 

Haddii aad tahay qof weyn oo ay jirto xubin qoyskaaga ka mid ah oo dalka kale oo Dalalka Xubnaha ah joogta iyadoo codsatay ilaalin caalami ah, oo qoysnimadiinuna ka soo bilaabantay waddankii aad ka soo jeedeen, Dalkaas Xubinta ah ayaa ka masuul noqon doona qiimeynta codsigaaga, haddii xubinta qoyskaaga ahi rabitaankooda ku soo sheegto qoraal ahaan.

Xubnaha qoyska waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin: lamaane (seyga ama xaaska) ama lamaanaha nolosha (waddamada oo dhan maaha) iyo carruurta yaryar ee aan guursan , iyadoon loo eegeyn inay meher ku dhasheen iyo in kale ama in la korsaday, sida ku qeexan sharciyada caalamiga ah.

Haddii aad tahay qof weyn oo maadaama aad uur leedahay ama ilmo cusub haysato ama aad qabto xanuun halis ama aad naafo daran tahay ama aad duqowday oo aad u baahan tahay kaalmada gabartaada/wiilkaaga, walaalahaa, ama waalidkaa oo sifo sharci ah ku degan waddan ka mid Waddamada Xubinta ah, waxa laga yaabaa in qofkaas laguu geeyo haddii shuruudahan soo socda la helo: in xiriirka qoysnimo waddankaagii asalka ahaa ka soo bilaabmay; in qofk taageerada raba uu helayo dhammaan daryeelka loo baahan yahay dadka loo tegayona ay rabitaankooda ku muujiyaan qoraal ahaan. Isla taas ayaa ku dabbaqmaysa kiiska tan cagsigeeda ah, marka ilmahaaga ama walaalahaa ama waalid sifo sharci ah u deggan waddanka kale oo Xubin ah uu u baahan yahay kaalmadaada.

Waxa laga yaabaa in Giriigu, inta lagu jiro muddada go’aanka marka koobaad, ka dalbado waddan kale oo ka mid ah Waddamada Xubnaha ah inay kula mideeyaan qof aad xiriir qoys leedihiin, iyadoo lagu saleynayo sababo aadamnimo, oo waliba khaasatan dhaqan iyo qoys ahaan loo tixgelinayo, haddii dadka loo tegayo ay rabitaankooda qoraal ku soo sheegaan.

Hadii aad haysato rukhsad degenaansho, wadanka masuulka ka ah qiimeynta codsigaaga waa wadanka “Dublin III” ee ku siiyay rukhsadda degenaanshaha, xataa hadii deganaanshuhu dhacsanaa laba sannadood.

Haddii aad haysato fiiso, waddanka mas’uulka ka ah qiimeynta codsigaaga waa waddanka “Dublin III” ee ku siiyay fiisaha, xitaa haddii fiisuhu dhacsanaa lix (6) bilood.

Haddii aad haysato wax ka badan hal rukhsad deganaansho ama fiiso, waddanka “Dublin III” ee ka masuul ah qiimeynta codsigaaga waxay ku xiran tahy muddada iyo taariikhda dhicitaanka ee rukhsadaha degenaanshaha ama fiisayaasha.

Haddii, ka hor intaadan soo gelin Giriiga, aad si aan sharci ahayn u soo gashay waddan kale oo “Dublin III” ah, markaa waddankaas ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsigaaga. Mas’uuliyadani waxay ku dhacaysaa laba iyo toban (12) bilood ka dib soo gelitaanka aan ansaxa ahayn.

Haddii ay dhacdo in aad si aan sharci ahayn u joogtay waddan kale oo “Dublin III” ah ugu yaraan shan (5) bilood oo isku xigta ka hor intaadan codsigaaga ku dhex gudbin Giriiga, markaa waddankaas “Dublin III” ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsigaaga.

Haddii aad si sharci ah u soo gashay waddan “Dublin III”, kaas oo aan u baahnayn fiiso, markaa wadankaas ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsigaaga.

Haddii aad codsigaaga ku soo gudbisay goobaha wareejinta caalamiga ah ee garoon diyaaradeed ku yaal waddan “Dublin III”, markaas waddankaas ayaa ka masuul ah qiimeynta codsigaaga.

Haddii aad horey ugu soo gudbisay codsi waddan kale oo “Dublin III” ah, markaas waddankaas ayaa ka masuul ah qiimeynta codsigaaga, haddii la caddeeyo in aadan waddankaas ka tegin ugu yaraan 3 bilood ama aadan Waddanka Xubinta ah uga bixin go’aan celineed ama amar musaafurineed oo yimi ka dib la laabashada ama diidista codsiga.

Waddan “Dublin III” waxa uu ogolaan karaa inuu qiimeeyo codsigaaga sababo bini’aadanimo dartood.

Haddii shuruudaha kor ku xusan aanay midkoodna ku dabaqmeynin kiiskaaga, markaa waddanka mas’uulka ka ah qiimeynta codsigaaga waa Giriiga.

Haddii, iyada oo ku saleysan shuruudaha kor ku xusan, waddan kale oo “Dublin III” ah uu mas’uul ka yahay qiimeynta codsigaaga oo uu ogolaado inuu qiimeeyo, markaa codsigaaga dhanka Giriiga waxa looga diidi doonaa mid aan laga shaqeyn kareyn oo waxaa laguu wareejin doonaa waddankaas, sida caadiga ah lix (6) bilood gudahood oo ka bilaabmeysa taariikhda lagu heshiiyay in la qiimeeyo codsigaaga.

Waxaad xaq u leedahay inaad Hay’adda Racfaanka horteeda rafcaan kaga qaadato go’aankan, muddada waqtiga kama dambaysta ah ee go’aanka lagu dhex xusay gudaheeda. Waa inaad racfaankaaga u gudbisaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ama Unugga Magangalyada ee soo saaray go’aanka.

Si shuruudaha kor ku xusan si fiican loogu dhaqangeliyo, marka aad soo gudbineyso codsigaaga ilaalinta caalamiga ah, waa inaad Adeega Magangalyada ku wargelisa waxyaabaha soo socda:

1) haddii aad fiiso ka haysato waddan kale oo “Dublin III” ah,

2) haddii aad rukhsad degenaansho ka haysato waddan kale oo “Dublin III” ah,

3) haddii aad Giriiga sifo aan sharci ahayn ugu soo gashay waddan kale oo “Dublin III” ah,

4) haddii aad sifo aan sharci ahayn ugu joogtay waddan kale oo “Dublin III” ah ka hor intaadan imaanin Giriiga, iyo muddada aad joogtey,

5) haddii xubno ka mid ah qoyskaaga ay si sharci ah u joogaan waddan kale oo “Dublin III” ah, iyo haddii ay taasi jirto, macluumaad ku saabsan xaaladooda degenaansho ee waddankaas.

Waa inaad bixisaa dhammaan macluumaadka loo baahan yahay oo aad soo gudbiso caddayn kasta oo aad haysato (tusaale ahaan, kaarka codsadaha, rukhsadaha deganaanshaha, kuwaaga iyo kuwa xubnaha qoyskaaga, dukumiintiyada ku saabsan xaaladda qoyskaaga ama shahaadooyinka kale, fiisooyinka, dukumiintiyada caddeynaya joogitaankaaga Dal kale oo “Dublin III” ah — sida tikidhada safarka, risiidhada hoteelada, heshiisyada kirada, iwm). Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan mideynta qoyska sida waafaqsan Xeerka Dublin III tixraac linkiga website-ka rasmiga ah ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangelyada halkaas oo sidoo kale hagitaanada iyo habyaalada ugu fiican qiimeynta dadka aan qaangaarka ahayn laga helayo. Faahfaahin guud oo ku saabsan Adeega Magangalyada oo ku qoran 18 luqadood oo kala duwan ayaa laga heli karaa halkan oo ah websaydka Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada