Xuquuqdayda iyo Waajibkayga Qaxooti la aqoonsan yahay ahaan

Ka dib marka ilaalin caalami ah Giriigga lagugu siiyo (sida qaxooti ama ka-faa’iideyste ilaalin hoosaad) waxaa lagu siin doonaa Rukhsad Degenaansho oo shaqeynaysa saddex sannadood haddii aad qaxoonti tahay ama hal sano iyo laba sano oo dusha lagaga darayo hadaad heshay ilaalin hoosaad. Rukhsadda degenaanshahaaga dib ayaa loo cusbooneysiin karaa. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato dukumeentiyo safar.

Waxaad waxbarashada, shaqada iyo daryeelka bulshada iyo caafimaadka ku heli doontaa shuruudo la mid ah kuwa muwadiniinta Giriigu ku helaan. 

Haddii laguu siiyo sharciga qaxootiga, waxaad codsan kartaa in qoyskaaga laguu keeno iyadoo la raacayo shuruudo khaas ah. Ka-faa’iideystayaasha ilaalin hoosaadku ma laha xuquuqdan.

Wasaaradda Socdaalka iyo magangelyada waxay halkan ku bixisaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan ilaalinta caalamiga ah ee Giriiga.

Haddii Giriigga lagugu siiyo sharci qaxoonti ama ilaalin hoosaad:

  • Waxaad heli doontaa rukhsad degenaansho oo shaqeyn doonta muddo saddex sannadood ah haddii aad haysato sharci qaxoonti iyo hal sano oo lagu darayo laba sannadood haddii aad heshay ilaalin hoosaad. Adeegga Magangalyada ayaa ansixiya soo saarista rukhsadaha deganaanshaha, waxana daabaca Booliska Giriiga. 
  • Waxaad codsan kartaa dukumiinti safar oo kuu ogolaanaya inaad u booqato dalalka kale dalxiise ahaan. Ma joogi kartid dal kale oo Yurub ah in ka badan 90 maalmood gudahood muddo lix bilood ah.
  • Waxaad codsan kartaa ruqsadda deganaanshaha muddada dheer kadib marka aad 5 sano oo xidhiidh ah waddanka joogtid iyo haddii aad buuxiso dhammaan shuruudaha dheeraadka ah ee uu sharcigu dhigayo.
  • Waxaad adeegyada waxbarashada oo buuxa sida dugsiyada, jaamacadaha, iyo barnaamijyada xirfadaha tababarka ku heli doontaa shuruudo la mid ah kuwa muwadiniinta Giriigga.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad u shaqeyso xirfadle xora ahaan ama aad furto ganacsigaaga haddii aad buuxiso shuruudaha dheeraadka ah ee laga rabo qabashada xirfad kasta oo gaar ah.
  • Waxaad helaysa gunnada daryeelka haddii aad buuxiso dhammaan shuruudaha uu sharcigu dejiyay.
  • Haddii aad tahay qof qaxooti ah oo la aqoonsan yahay, waxaad xaq u leedahay inaad dib ula midoowdo xubnaha qoyskaaga ee ku sugan waddanka aad ka soo jeedo ama dal kale oo saddexaad. Haddii aad heshay ilaalin hoosaad, xuquuqdan ma lihid.
  • Haddii Giriiga ku siiyay ilaalin caalami ah, oo aad si joogto iyo sharci ah ugu noolayd dalka ugu yaraan 7 sannadood oo aad buuxiso shuruudaha isdhexgalka bulshada ee khuseeya sida uu sharcigu dhigayo, waxaad codsan kartaa jinsiyadda Giriigga ( habraaca jinsiyadda ). Haddii aad leedahay caruur ku dhalatay Giriiga oo waxbarashada dugsiga sare/hoose ku dhamaystay Giriiga, waxay u qalmi karaan jinsiyadda Giriigga iyadoo la raacayo shuruucda kale ee khuseeya.