Maxaa dhacaya ka dib marka aan codsado magangelyo

Tallaabada 1aad: Adeegga Magangelyada si buuxda isaga diiwaangeli

Waxaa lagugu martiqaadayaa inaad si buuxda uga diiwaangeliso codsigaaga mid ka mid ah Xafiisyada ama Unugyada Magangalyada ee Gobolka. Waxaad sidoo kale codsiyo u soo gudbin kartaa xubnaha qoyskaaga, haddii ay Giriiga kula joogaan oo ay sidoo kale rabaan inaad sidaas u sameyso.

Si aad u gudbiso codsigaaga ilaalinta caalamiga ah, waxaa kaa caawin doona turjumaan ay ku siin doonaan masuuliyiinta.

Markaad soo gudbinayso codsigaaga, waa inaad si daacad ah uga jawaabtaa dhammaan su’aalaha ay ku waydiinayaan shaqaalaha Adeega Magangalyada. Haddii aad bixiso caddaymo been abuur ah ama aad sheegto macluumaad been ah, tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa xukunka kiiskaaga.

Marka aad soo gudbiso codsigaaga ilaalinta caalamiga ah, adiga iyo xubnaha qoyskaagaba waa la idin sawiri doonaa. Adiga iyo qof kasta oo ka sarreeya da’da 14 oo qoyskaaga ka tirsan waxa sidoo kale laga qaadi doonaa faro. Xogta farahaaga waxa la gelin doonaa Kaydka Xogta Yurub ee Dhexe (EURODAC), oo haddii shuruudaha la buuxiyo, codsigaaga waxa eegi kara waddan kale oo Midowga Yurub xubin ka ah (eeg “Dublin III”).

Waa inaad adeega magangelyada u gudbisaa dukumiintiyadaada safarka (baasaboorka) iyo dukumiinti kale oo kasta oo aad haysato oo wax ka tari kara qiimeynta codsigaaga, xaqiijinta aqoonsigaaga iyo aqoonsiga qoyskaaga, waddanka aad ka soo jeedo, iyo sidoo kale xaaladdaada qoys.

Diiwaangelinta buuxda ee codsigaaga waxaa ka mid ah tafaasiisha aqoonsigaaga, waddanka aad ka soo jeedo, magaca aabahaa, magaca hooyadaa, magaca xaaskaaga/seygaaga, magacyada carruurtaada, cinwaanka iimaylkaaga (haddii aad leedahay), xogta aqoonsiga, liiska sababaha aad u codsanayso ilaalinta caalamiga ah oo dhamaystiran, cinwaanka meesha aad degen tahay ama joogto, luuqada aad rabto in codsigaaga lagu qiimeeyo, iyo haddii aad rabto, in wakiil idman laguu qabto.

Is-diiwaangelin buuxda haddii aanay kuu suurtagal ahayn sabab kasta ha keentee, waa in diiwaangelin asaasi ah oo la soo raacinayo xogta ugu yar ee loo baahan yahay, sida luuqadda aad rabto in codsigaaga lagu qiimeeyo, lagu soo gudbiyaa muddo saddex (3) beri ah ka dib marka aad codsiga soo gudbiso. Intaas ka dib, diiwaangelinta buuxda ee codsigaaga waxa lagu qaban doonaa taariikh cayiman oo lagu soo ogeysiin doono. Xaaladdaas, waxaa lagu siin doonaa dukumeenti aad ku arki doonto tafaasiishaada iyo sawirkaaga. Waxaad wareejin doontaa dukumeentigaas inta lagu jiro diiwaangelinta kama dambaysta ah waxaana laguugu bedeli doonaa Kaarka Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah.

Hadii macluumaadkaaga xidhiidhku uu isbedello iintaad ku jirto marxaladaha codsigaaga, waa inaad u sheegtaa Adeega Magangalyada. Wixii macluumaad dheeraada ah ka eeg halkan https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/allagi-stoicheion-epikoinonias/ (macluumaadka waxa lagu helayaa luuqadaha Ingiriisiga iyo Giriiga).

Haddii aad tahay ilmo aan lala socon, tusaale aad ka yar tahay 18 sano jir oo aanu kula socon qof weyn oo mas’uul ka ah daryeelkaaga, sida waafaqsan sharciga Giriiga, mas’uuliyiintu waa inay isla markiiba wargeliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee awoodda u leh Caruurta yaryar. Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa magacaabi doonaa wakiil kaa mas’uul ah oo difaaci doona danahaaga. Haddii aad ka yar tahay shan iyo toban (15) sano jir, waa in wakiilka laguu magacaabay soo gudbiyaa codsigaaga ilaalinta caalamiga ah. Haddii aad ka weyn tahay 15 sano jir, adiga ayaa codsigaaga soo gudbisan kara. Waa in masuulka laguu magacaabay ama wakiilka kugu soo wargeliyaa macluumaadka khuseeya wareysigaaga. Masuulkaaga ama wakiilkaaga ayaa lagu martiqaadi doonaa inay kuu soo raacaan waraysiga. Haddii ay jiraan wax shaki ah oo ku saabsan da’daada, masuuliyiintu waxay samayn karaan baaritaan caafimaad oo lagu go’aaminayo da’daada. Adiga iyo cidda kaa masuulka ah labadiinaba waa in la idin ogeysiiyaa nidaamkan oo adiga ama cidda kaa masuulka ahi waa inay ogolaansho bixisaa. Haddii aad tahay ilmo aan lala socon, waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah halkan https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/asynodeytoi-anilikoi/.   

Haddii aad ka soo jeedo ama aad hadda bilaa waddan tahay balse horey uga soo jeeday mid ka mid ah waddamada soo socda ee Suuriya, Afgaanistaan, Bakistaan, Bangladheesh, Soomaaliya fadlan la soco waxyaabahan soo socda:

  • Waxa Adeega Magangalyadu qabaa in Turkigu yahay waddan saddexaad oo ammaan kuu ah. Tusaale ahaan, waxaa la filaayaa in aadan Turkiga halis ugu jirin dhibaateyn, dib-u-celin (U saarista qof dhul ay khatar ugu jiraan in lagu dhibaateeyo (celin toos ah) ama in loo wareejiyo dhul kale oo ay ku wajahi karaan cadaadis (celin aan toos ahayn), ama dhib daran; in ay kuu suurtagal tahay inaad codsato xaalad qaxootinimo oo haddii qaxooti aad noqoto aad helayso ilaalin caalami ah; iyo inaad xiriir la leedahay Turkiga taas oo ka dhigeysa inay macquul tahay inaad ku laabato Turkiga.
  • Haddii ay jiraan sababo halis ah oo arrinkan ku lid ah, waa inaad sheegtaa oo caddeysaa.
  • Codsigaaga waxa lagu qiimeyn doonaa nidaamka ansaxnaanta (taas oo la macno ah marka la qiimeeyo in Turkigu kuu yahay waddan ammaan ah oo aad ku laabato ) iyo haddii aad inta waraysiga lagu jiro aad si cad, isku-toosan, oo mucayin ah u sheegi waydo sababta Turkigu aanu u ahayn waddan saddexaad oo ku magangeliya, codsigaaga waxa lagu diidi doonaa ansaxnaan la’aan.

Haddii aad dhulka Giriiga ka soo gashay soohdimaha Albeeniya adiga oo aan soo marin habkii sharciga ahaa ee waajibka ahaa, waxa loo qaadanaya in Albeeniya ay tahay waddanka saddexaad ee ammaan kuu ah. Haddii ay jiraan sababo halis ah oo arrinkan ku lid ah, waa inaad sheegtaa oo caddeysaa. Haddii kale, codsigaaga waxa loo diidi doonaa ansaxnaan la’aan.

Haddii aad dhulka Giriiga ka soo gashay soohdimaha Waqooyiga Mesedooniya adiga oo aan soo marin habkii sharciga ahaa ee waajibka ahaa, waxa loo qaadanaya in Waqooyiga Mesedooniya ay tahay waddanka saddexaad ee ammaan kuu ah. Haddii ay jiraan sababo halis ah oo arrinkan ku lid ah, waa inaad sheegtaa oo caddeysaa. Haddii kale, codsigaaga waxa loo diidi doonaa ansaxnaan la’aan.

Haddii aad ka soo jeedo ama aad hadda bilaa waddan tahay balse horey uga soo jeeday mid ka mid ah waddamada soo socda ee Gaana, Sinigaal, Toogo, Gaambiya, Marooko, Aljeeriya, Tuuniisiya, Yukrayn, Hindiya, Armiiniya, Bakistaan, Bangaaladhesh, Neebaal, Masar, iyo Biniin fadlan la soco waxyaabahan soo socda:

  • Waddankaagu wuxu ku jira liiska waddama u aaminka ah dadka u dhashay oo sidaas darteed waxa Adeegga Magangalyadu u qaadan doonaa inaadan khatar cadaadis ama dhibaato weyn wajahayn haddii aad laabato iyo in waddankaaga ilaalin dawladeed wax ku ool ahi ka jirto,
  • haddii ay jiraan sababo halis ah oo arrinkan ku lid ah, waa inaad sheegtaa oo caddeysaa waxana
  • codsigaaga lagu qiimeyn doonaa nidaamka la dedejiyey oo haddii aadan inta wareysiga lagu jiro hab waadaxa, isku-toosan, oo mucayana u sheegin xaaladaha salka u ah cabsida kaa haysa in cadaadis ama dhib weyni ku soo gaareyso marka aad ku laabato waddankaagii, codsigaaga waxa loo diidi doonaa  inaanu caddeymihiisu sal lahayn.

Haddii aad tahay dhibane jirdil, kufsi, ama fal kale oo tacaddi halisa ah, waa inaad si habboon ugu sheegtaa mas’uuliyiinta, si ay kaalmo kuu siiyaan.

Maamulka Adeegga Magangalyada ayaa go’aamin doona taariikhda waraysigaaga, waxaadna heli doontaa kaadhkaaga ilaalinta codsadaha caalamiga ah oo laga yaabo inuu shaqeeyo illaa hal (1) sano. Waa inaad kaadhkan sidato mar kasta.

Haddii aad tahay qof nugul[1]https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/i-aitisi-gia-asylo/ – _ftn1 oo wareysigaaguna qorsheysan yahay muddo shan iyo toban beri ah ka dib markaad soo gudbisay codsigaaga, waxa lagu siin karaa waqti dheeraad ah (aan ka badnaan karin saddex beri) si aad ugu soo diyaargarawdo wareysiga oo uu kuula soo taliyo qareen ama la taliye kale si laguu kaalmeeyo inta hawshu socoto.

Dhammaan macluumaadka aad codsigaaga ku dhex bixiso waa qarsoodi iyo sir. Dhammaan xubnaha shaqaalaha Adeegga Magangalyada waxa ku waajib ah ilaalinta sirta oo macluumaad kasta oo aad Adeegga siiso muddada qiimeynta codsigaaga lalama wadaagi doono cid aad tilmaantay inay qayb ka ahaayeen tacaddi ama dhib halis ah.

Waxaad codsan kartaa inaad la xiriirto Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ama Hay’ad kasta oo bixisa taageero sharci, caafimaad iyo mid nafsaani ah.

Inta lagu jiro hawsha waxaad xaq u leedahay inaad dalbato caawimaad qareen ama lataliye kale oo dookhaaga ah (iyada oo aadan wax taageero ah ka helayn Adeega Magangalyada). Marka xaalku sidaas yahay, waa inaad qoraal ahaan ugu ogolaato (ogolaansho saxiixaagu la socdo ayaa la rabaa) si ay/uu kuugu raaco waraysigaaga ama kuu metelo marka Adeegga Magangalyada la hortagayo. Khidmadda iyo kharashka qareenka ama la taliyaha kale adiga ayaa gebi ahaantood isu qaba. Waxaa sidoo kale jira hay’ado bixiya gargaar sharciyeed bilaash ah. Wixii macluumaad dheeraada ah, fadlan halkan ka eeg https://help.unhcr.org/greece/where-to-seek-help/other-services/

Waxaad dalban kartaa in waraysiga iyo tarjumaadda uu kuu sameeyo qof jinsiga aad rabto ah, haddii aad la timaado sababo muhiim ah oo aad sidaas ku codsaneyso. Codsigaaga waxaa qiimeyn doona Adeega Magangalyada oo waa laguu fulin doonaa haddii taasi ay suurtagal tahay.

Waa inaad toos u imaatid xafiiska magangelyada maalinta qiimeyntaada, haddii kale qiimeynta kiiskaaga waa la hakin doonaa, kaadhkaaguna ma noqon doono mid ansax ah markaas ka dib.

Tallaabada 2aad: Wareysiga Adeegga Magangelyada

Taariikhda wareysiga faahfaahsan, waa inaad tagtaa Xafiiska Magangalyada. Wareysiga waxa qaadaya xubin karti u leh oo ka tirsan shaqaalaha Haayadda Qaadashada (shaqaale-kiis), taas oo leh aqoontii iyo khibraddii ku habboonayd.

Inta lagu jiro waraysigan, shaqaalaha Adeega Magangalyadu waxay si gaar ah wax kaaga waydiin doonaan macluumaadka aad ku bixisay codsigaaga, tafaasiisha aqoonsigaaga, sida aad ku timi Giriiga, sababaha aad uga timi waddankii aad u dhalatay, ama waddanka aad ku noolaan jirtay iyo sababaha aadan ugu laaban karin ama aadan rabin inaad ugu laabato waddankaas. Inta lagu jiro waraysiga, waxaad sidoo kale soo gudbin kartaa caddayn kasta oo kale oo aad u aragto inay lagama maarmaan tahay. Adeega Magangalyadu waxay go’aansan karaan inay sii haystaan dukumiintiyada haddii ay uga baahdaan go’aan gaarista waxayna dukumiinti kasta oo aad soo gudisbo kaa siin doonaan rasiidh saxiixan.

Wareysi gaar ah ayaa loo qabtaa qof kasta oo qaangaar ah oo qoyska ka tirsan. Wareysi ayaa loo qabtaa xubin kasta oo qoyska ka tirsan oo aan qaangaarin, iyadoo la tixgelinayo heerkooda qaangaarnimo iyo cawaaqibka maskaxeed ee ay kaga tageen dhibaatooyinka laga yaabo inay soo mareen.

Turjubaan ayaa sidoo kale joogi doona muddada aad ku jirto waraysiga. Turjumaadda waxaa lagu bixin doonaa luuqad aad fahmayso. Tarjumaadda waxaa lagu bixiyaa bilaash.

Waxaad codsan kartaa inaad la xiriirto UNHCR ama hay’ad kasta oo bixisa taageero sharci, caafimaad iyo mid nafsaani ah.

Wareysiga waxaad iman karta iyada oo uu kula socdo qareen ama la taliye kale (dhakhtar, dhakhtarka cilmi-nafsiga ama shaqaale bulsho) kaas oo ay tahay inaad ogolaansho qoraal ah soo siisay si ay/uu u iman karo waraysigaaga ama uu ku matalo marka Adeega Magangelyada la hortagayo. Khidmada iyo kharashka qareenka ama la taliyaha kale adiga ayaa dabooli doona.

Wareysigaaga waxa laga yaabaa in cod ahaan loo duubo. Qofka kiiska ka shaqeynaya ayaa diyaarin doona qoraal (hadal-la-qoray) oo ay ku jiraan dhammaan su’aalihii iyo jawaabihii waraysiga. Haddii wareysiga aan cod ahaan loo duubin, waa inaad qoraalka la diyaaray dib u akhridaa si aad u hubiso, iyadoo uu ku caawinayo turjubaanku, xaqiijiso in dhammaan macluumaadku sax yihiin ama dalbato sixitaan, oo saxiixdo. Waxaad heli kartaa nuqul ka mid ah qoraalka iyo/ama faylka codka la duubay ee wareysigaaga ka dib markaad codsi ku habboon soo gudbisato.

 Hadii aad tahay qof dumar ah, waxa aad dalban kartaa in ay gabar shaqaalaha Adeegga Magangalyada ka tirsan iyo gabar turjumaan ahi wareygsiga kaa qaadaan, haddii ay joogaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaad dalban kartaa in waraysiga iyo tarjumaadda uu kuu sameeyo qof jinsiga aad rabto ah, haddii aad la timaado sababo muhiim ah oo aad sidaas ku codsaneyso. Codsigaaga waxaa qiimeyn doona Adeegga Magangalyada.

Wax kasta oo aad tiraahdo inta lagu jiro waraysiga waa qarsoodi iyo sir. Lalama wadaagi doono cidda aad sheegtay inay kugu xadgudbeen balse waxa lala wadaagi doona masuuliyiinta kale ee Giriiga.

Waxaad booqan kartaa linkiga ku habboon ee bogga Wasaaradda Socdaalka iyo Magangelyada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan wareysiga halkan https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/i-synenteyxi/ (macluumaadka waxa lagu helayaa luuqadaha Ingiriisiga iyo Giriiga).

Tallaabada 3aad: Maamulka Giriiga ayaa go’aan ka gaaraya codsigaaga

Wareysiga ka dib, Adeegga Magangalyada ayaa go’aan ka gaari doona codsigaaga ka dib marka la tixgeliyo bayaanadaad ku bixisay muddadii lagu jiray wareysigaaga shakhsi ahaaneed, caddaynta aad soo gudbisay si aad ugu xaqiijiso kiiskaaga, macluumaadka ku habboon waddanka aad ka soo jeedo iyo dhammaan waxyaabaha ku jira galkaaga maamul.

Ka dib waraysigaaga, Adeegga Magangelyada ayaa go’aamin doona in la aqbalo codsigaaga qaxootiga, ilaalinta, ama in la diidayo.

Haddii codsigaaga ilaalinta caalamiga ah la diido, go’aan lagaaga saarayo dalka ayaa la soo saari doonaa.

Dukumeentiga go’aanka ee laguu soo diri doona waxa la socon doona dukumiinti dheeraad ah oo luuqad aad fahmayso iyo hab fudud oo aad fahmi karto u sharxaya waxyaabaha go’aanku ka kooban yahay iyo natiijooyinka ka dhalanaya.

Waxa laga yaabaa inaad go’aankaaga ku heshid si toos ah ama laguugu keeno warqad boosto diiwaangashan adiga (ama qareenkaaga) loo soo dhigo.

Haddii aad bedeshay cinwaankaaga ama lambarka taleefankaaga, waa inaad isla markiiba u sheegtaa Adeega Magangalyada

Waxaad ikhtiyaar u leedahay inaad waddankii aad asal ahaan ka soo jeeday ku laabato adigoo isticmaalaya barnaamijka dib u laabashada ikhtiyaariga ah ee Haayadda Socdaalka Caalamiga ah (IOM)

Inta qiimeynta codsigaaga la sugayo, waad la laaban kartaa, haddii aad sidaas rabto. Xaaladdan oo kale, codsigaaga lama qiimeyn doono, waddanka inaad sii joogtona lama ogola oo waa inaad ka baxdaa Giriiga haddii aadan haysan rukhsad deganaansho oo kale.

Adeega Magangalyadu wuxu go’aamin karaa in aadan xiiseyneynin sii wadista qiimeynta codsigaaga (la laabasho aan toos ahayn) oo wuxu, sidaas darteedna, joojin karaa qiimeyntiisa, khaastan marka xaaladahan soo socda dhacaan:

a) haddii aad diido inaad bixiso macluumaad muhiimad weyn u leh codsigaaga oo ay codsadeen Mas’uuliyiinta, ama

b) haddii aadan iman ballanta waraysiga ee uu kuu qabtay Adeega Magangalyadu ama

c) haddii aad ka baxsato goobtaada xabsiga, ama haddii aadan u hoggaansamin waajibaadka Booliisku kugu soo rogay ee beddelka u ah xabsiga ama

d) haddii aad ka tagto deegaankaaga masuuliyiintu kuu go’aamiyeen inaad degenaanto adiga oo aan marka hore soo ogeysiin ama haddii aad ka tagto waddanka adiga oo aan ogolaansho ka heli Adeega Magangalyada ama

e) haddii aadan la xidhiidhin Adeegga Magangalyada ka dib markii la codsaday inaad sidaa samayso, ama haddii aad ku guul daraysato inaad soo saarto dukumiintiyo la filayo inaad hayso ama ay ahayd inaad hayso oo aad awooddo inaad keento,

f) haddii aadan shaqsiyan u iman xarunta si aad u cusbooneysiiso kaarkaaga maalinta shaqo ee xigta maalinta kaarkaagu dhacayo ugu dambeyntii,

g) haddii aadan la shaqeyn mas’uuliyiinta, sidaas darteedna ugu xadgudbto waajibaadkaaga wadashaqayneed ama

h) l) haddii aadan u hogaansamin go’aanka wareejintaada si loo dhameystiro nidaamka soo dhawaynta iyo aqoonsiga, sidaas awgeedna aad is hor taagto  nidaamka qiimeynta.  

Haddii Maamuulka Go’aanka gaaraya ay tixgeliyaan inaad si aan toos ahayn ula laabtay codsigaaga, waxay go’aan ka gaari doonaan codsigaaga iyagoo adeegsanaya caddeymaha la hayo, oo haddii la go’aamiyo inaad si dadban ula laabatay codsigaaga, codsigaaga waa la diidi doonaa. Haddii Adeegga Magangalyadu diido codsigaaga, waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan u qaadato Hay’adda Racfaanada.

Haddii Adeega Magangelyadu uu arko inaan la hayn macluumaad ku filan oo lagu qiimeeyo codsigaaga, go’aan joojineed ayaa la soo saarayaa. Haddii go’aanka joojinta la soo saaro, nidaamkii dib ugu noqoshada wadankaaga ayaa la geli doonaa. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato in qiimeynta kiiskaaga la sii wado hal mar, sagaal (9) bilood gudahood ka dib marka la soo saaro go’aanka joojinta.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhici doona wareysiga ka dib fadlan booqo tixraacahttps://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/.

Haddii xaaladaada qaxootinimo ay ogolaato Jamhuuriyadda Giriigu, waxaad xaq u leedahay rukhsad deganaansho saddex-sannadood ah, taas oo shaqeyn doonta muddo saddex (3) sano ah, oo haddii aad damacdo inaad safarto adiga oo xaaladda qaxootinimo haysta, waxay Jamhuuriyadda Giriigu ku siin kartaa dukumiinti safar, kaas oo kuu sahli doona inaad booqato waddamada kale Midowga Yurub muddo illaa sagaashan (90) beri ah. Rukhsadda degenaanshaha ee dadka helay ilaalinta magangalyo doonka aan qaxoontiga ahayn waa hal (1) sano waxaana dib loo cusbooneysiinayaa laba (2) sannadood oo dheeraad ka dib marka dib u qiimeyn la sameeyo.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan go’aan togan fadlan booqo tixraaca https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/thetiki-apofasi/

Haddii codsigaaga la diido, ama haddii lagu siiyo sharciga ilaalinta magangalyo doonka aan qaxootiga ahayn oo aad u aragto inaad xaq u leedahay xaalad qaxootinimo, waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan u qaadato Hay’adda Racfaanka (mar 2aad). Waa inaad codsigaaga u gudbisaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ee Awoodda u leh (RAO) ama Unuga Magangalyada ee Madaxbannaan (AAU) ee ku siiyay diidmada, oo aad ku gudbisaa muddada kama dambaysta laguugu dhex qabtay go’aanka aad heshay.

Haddii aad joogtid Xarun aad uga fog RAO-ga iyo AAU-ga soo saaray go’aankaaga, waxaad racfaankaaga u soo gudbin kartaa RAO/AAU-ga kuugu dhow. Haddii sidaas dhacdo, racfaanka waxa isla maalintaas iimeeyl ahaan loogu dirayaa Xafiiska Magangalyada ama Unuga Magangalyada ee soo saaray go’aanka. Si racfaanka loo soo gudbiyo waa inaad si toos ah u timaada RAO/AAU awoodda u leh kiiska oo la kaalaydaa dukumeenti (rafcaan) aad saxiixday, ama uu saxiixay qareen. Haddii aad xiran tahay, waxaad u baahan tahay inaad racfaankaaga u gudbiso Agaasimaha xabsiga ama xarunta, oo isaga/iyada ayaa ugu diri doonta racfaankaaga faakis ama hab kale oo dhijitaal ah RAO-gii ama AAU-gii soo saaray go’aanka.

Waxaa laguu siin doonaa Kaarka Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ee Cusub markaad soo gudbiso racfaankaaga.

Adeega Magangalyadu wuxu leeyahay liis qareeno ah oo laga yaabo inay bilaash kugu caawiyaan muddada racfaankaaga la soo gudbinayo ee la qiimeyn doono mar labaad. Waxaad Khadka Ka codsan kartaa taageero sharci.   Fadlan halkan eeg https://applications.migration.gov.gr/ypiresies-asylou/ .

Racfaankaaga waxaa qiimeyn doona Gudida Racfaanka Madaxa Banaan. Guddiga Madaxa Banaan ee Racfaanka wuxuu badanaa racfaanka ku qiimeeyaa dukumiintiyada ku jira galkaaga oo wareysi kuuguma yeedho. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laguu sheegi doonaa taariikhda la eegi doono racfaankaaga, iyo sidoo kale marka aad soo gudbin karto, haddii aad damacdo, wixii caddayn dheeraad ah ee ay tahay in Gudida Racfaanku tixgeliso.

Taariikhda la qiimeynayo racfaankaaga, waxaa waajib kugu ah inaad qof ahaan u timaado xafiiska Hay’adda Racfaanka. Haddii aadan iman, racfaankaaga waa la diidi doonaa.

Haddii aad joogtid Xarun oo aanad adiga iyo qareenkaaga idman midkiina toos u iman karin, waa inaad Agaasimaha Xarunta Soo Dhaweynta ama Hoyaadka ka dalbataa inuu waraaq xaqiijina oo caddeynaysa inaad joogtay xaruntan maalintii racfaankaaga laga hadlayay u diraa Hay’adda Racfaanada ka hor maalinta laga hadlayo racfankaaga.

Haddii ay dhacdo in xaddidaad dhaqdhaqaaq ama waajib ah inaad meel gaar ah oo ka baxsan Gobolka Attica joogto lagugu soo rogo, waxaa ku meteli kara qareenkaaga idman ama waxaad soo direysaa waraaq caddeyn ah, oo uu soo saaray isteeshinka booliska ama Xarunta Adeegyada Muwaadiniinta (KEP) ee ugu dhow halka aad joogto oo caddeynaysa inaad iyaga hor timi illaa la gaarayay maalinta racfaankaaga la dhegaysanayo.

Haddii qareenkaagu uusan iman, ama waraaqaha caddeynta ah ee kor ku xusan aan loo soo gudbin Hay’adda Racfaanka, racfaankaaga waa la diidi doonaa.

Haddii Guddiga Racfaanka uu go’aansado inuu kuugu yeedho waraysi, waxaa arrintaas laguugu soo sheegi doonaa toban (10) maalmood ka hor taariikhda waraysiga, ugu dambeyntii. Waxaad xaq u leedahay inaad u tagto Guddiga Racfaanka iyada oo uu ku weheliyo qareen ama la taliye kale.

Gudida Racfaanka waxay go’aan ka gaari doonaan inay ku siiyaan xaalad qaxootinimo, ilaalin hoosaad, ama inay diidaan racfaankaaga.

Haddii racfaankaaga la diido, ama haddii go’aanku uu ku siiyo xaalad ilaalin hoosaad oo aad rumaysan tahay inaad xaq u leedahay xaalad qaxootinimo, waxaad codsi joojineed ugu gudbin kartaa Maxkamadda Maamulka Heerka Koowaad ee awoodda u leh muddo soddon (30) beri ah oo ka bilaabmaysa maalinta ku xigta marka go’aanka lagu siiyo. Codsiga joojintu ma laha saameyn laaliseed otomaatig ah, taas oo macnaheedu yahay inay suurtagal tahay in waddanka lagaa saaro haddii racfaankaaga la diido.

Haddii codsigaaga la diido, waxaa lagugu xiri doonaa Xarunta Xabsiga Musaafirinta Ka Hor illaa inta musaafirintaada laga dhameystirayo ama codsigaaga si kama dambays ah loo ansixinayo. Waxaad ku sii jiri doontaa Xarunta Xabsiga Ka Hor-Musaafirinta xitaa haddii aad soo gudbiso Codsi labaad oo kan xiga, (codsi ilaalin caalami ah oo dib loo soo gudbiyay kadib markii diidmada kama dambaysta ah uu go’aamiyay Bilayska ama Adeegga Magangalyada ama Hay’adda Racfaanka ama ka dib marka aad la laabato codsigaagii hore ee ilaalinta caalamiga ah) iyo/ama marka la soo gudbiyo codsi joojineed, iyo/ama codsi laalis. Haddii racfaankaaga la diido, Guddiga Madaxa Banaan ee Racfaanka ayaa soo saari doona go’aan ku saabsan inaad ku noqoto waddankaaga.

Wixii macluumaad dheeraada ah ee khuseeya codsiga marka 2 aad fadlan booqo tixraaca bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan habka magangelyada oo ku qoran 18 luqadood, fadlan halkan ka booqo bogga internetka ee wasaaradda Socdaalka iyo Magangelyada


[1] Caruurta yaryar, kuwa aan lala socon ama kuwa lala socdo; qaraabada tooska ah ee dhibanayaasha maraakiibtu la qarqoontay; dadka naafada ah; waayeelka; haweenka uurka leh; waalidka kelida ah ee wata ilmo yar; dhibanayaasha tahriibinta dadka; dadka qaba xanuun halis ah; dadka maskax ahaan ama nafsiyan naafada u ah iyo dadka loo geystay jir dil, kufsi ama nooc kale oo xadgudub maskaxeed, jireed ama galmo ah, sida dadka gudniinka fircooniga ah lagu sameeyay