Waa maxay Nidaamka Cabashooyinka UNHCR?

Sida loo soo gudbiyo dhaqan-xumo ay sameeyeem UNHCR, Qaramada Midoobay ama shaqaale la xiriira

UNHCR waxay bixisaa jawi lagu kalsoon yahay, ixtiraam leh oo loo dhan yahay halkaas oo dadka aan u adeegno ay ku dareemaan badbaado, in warkooda la maqlayo, agab iyo awoodba ay u leeyihiin inay naftooda iyo ta dadka kaleba u hadlaan oo ay qaadi karaan tallaabo muuqata oo wax ku ool ah si sida ugu habboon meesha looga saaro loona cidhibtiro dhaqanxumada ama tacaddiga galmo ee ay ku kacaan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Qof kasta oo qaba walaac ama shaki ku saabsan anshax xumo suurtagal ah, tacaddi iyo xadgudub galmo uu geystay xubin ka tirsan shaqaalaha UNHCR, xubin ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, ama qof kasta oo xiriir qandaraas la leh Qaramada Midoobay (tusaale ahaan, shaqaalaha NGO-yada), iyadoon loo eegayn booska uu haysto qofkaasi, waa in uu soo sheegaa walaaca noocaas ah.

Waa maxay anshax xumo?

Dhammaan xubnaha shaqaalaha Qaramada Midoobay waxa xakameynaya Xeerarka iyo Shuruucda Shaqaalaha Qaramada Midoobay. Anshax-xumada waxaa lagu qeexaa inay xubin shaqaale ahi ku fashilanto u hogaansamidda xeerarkan iyo shuruucdan.

Anshax xumada dhici karta waxaa ka mid ah:

  • Tacaddi galmo iyo xad-gudub lagula kaco dadka laga masuulka yahay;
  • Khiyaamo (tusaale ahaan, sameynta dukumeenti been abuur ah);
  • Musuqmaasuqa (tusaale ahaan qaxoontiga iyo dadka kale oo lacag laga qaato);
  • Xatooyo iyo hanti-lunsi (tusaale ahaan xadis qalab ama lacag);
  • Dhibaateyn;
  • Weerar, hanjabaad ama aargoosi;
  • Ficillada ama dhaqamada sumcad-dilaya UNHCR;
  • U hoggaansan li’idda shuruucda deegaanka.

Waa maxay tacaddiga iyo xad-gudubka galmadu?

Mowqifkeenu waa mid cad, waxaana dhowr jeer ku celceliyay Guddoomiyaheena Sare: Anshax-xumada galmada waa mid aan loo qiil dayi karin waana in laga ciribtiraa hawlaha UNHCR.

  • Dadka masuuliyaddu naga saaran tahay oo lagula kaco tacaddi iyo xad-gudub galmo.
  • Tacaddiga galmadu waxaa lagu qeexaa tacaddi dhab ah ama isku day in lagu xadgudbo qof ku jira xaalad nugul (sida qof badbaado ahaan, cunto siin, buugaagta dugsiga, adeegyada gadiidka iyo kuwa kale kuugu tiirsan) aad ku kala-duwan tihiin dhanka awoodda ama kalsoonida, si aad uga hesho dano galmo, oo ay ku jiraan balse aan ku xaddidnayn, adiga oo u soo bandhigaya lacag ama faa’iidooyin kale oo bulsho, dhaqaale ama siyaasadeed. Waxaa ka mid ah tahriibinta iyo dhilleysiga.
  • Xadgudubka galmada waxaa loola jeedaa galmada dhabta ah ama wax kast oo qofka loo geliyo galmo ahaan, ha ahaato xoog, ama xaalado aanay labada qof sinnayn ama mid qasab ah. Waxaa ka mid ah addoonsi galmo, filimo anshax xumo ah, ku tacaddi caruurta iyo xad-gudub galmo.

UNHCR waxay ka warqabtaa dhibaatooyinka aadka u weyn ee dadka tacaddiga ama xadgudubka galmo soo maray ay kala kulmaan soo gudbinta tacaddiyada, iyo tixgelinta xirfadeed iyo shakhsi ahaaneed ee qotada dheer, iyo xitaa cabsida, iska hortaagi karta inay sidaas sameeyaan.

UNHCR waxay ku dadaaleysaa inay wax ka qabato walaacyada iyada oo hubinaysa in nidaamka soo gudbinta la yaqaano, la heli karo oo lagu kalsoon yahay, iyo in dhibbanayaasha soo sheega anshax xumada galmadu ay dareemaan amaan iyo in la ilaaliyo. UNHCR waxay leedahay hab loo sameeyay dadka soo mara tacaddiyada kaas oo xuquuqaha dulmanayaasha tacaddiga galmo, kuwa ka badbaaday iyo kuwa falalkaasi tooska u saameeyeen bud dhig u yihiin. Tallaabooyinka la qaado waxa ka mid ah kor u qaadista gargaarka, bixinta taageero caafimaad iyo mid nafsi ah, xoojinta siyaasadaheena, iyo soo saarista tallaabooyin ilaalineed dheeraad ah oo loogu talagalay dadka la kulma ama u soo jooga tacaddiyadan.

Sidee loo soo sheegaa anshax xumo ama tacaddi iyo xad-gudub galmo oo ay geystaan shaqaalaha bani’aadamnimada?

Warbixinnada anshax-xumo ee ay ku kacdo xubin ka tirsan shaqaalaha UNHCR, xubin ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, ama qof kasta oo xiriir qandaraas la leh Qaramada Midoobay (tusaale ahaan, shaqaalaha NGO-yada),waxaa si toos ah loogu gudbin karaa Xafiiska Baaraha Guud ee UNHCR (IGO).

  • Nidaam sir ilaalineed aad u adag iyo sido kale habraacyo iyo nidaamyo kale oo lagu ilaalinayo baaritaanada uu hayo Xafiiska Baaraha Guud ayaa la dhaqangeliyaa. IGO wuxu ilaaliyaa qarsoonida aqoonsiga qofka ama haayadda laga helay warbixinta falka anshax xumada.

Sida loola xiriiro IGO si loo soo gudbiyo anshax xumo ay ku kaceen shaqaalaha UNHCR ama shaqaalaha la hawlgala:

Faakis qarsoodi ah: +41 22 739 73 80

Iimaylka warbixinta qarsoodiga ah: iimeelka IGO

Si toos ah ama boosto ahaan: 94 rue de Montbrillant, CP 2500, 1211 Geneva

Adigoo isticmaalaya Foomka Cabashada dhanka Khadka

Dhammaan waraaqaha boostada ku calaamadi QARSOODI

Fiiro gaar ah: Lambarada taleefanka iyo faakiska ma aha lacag la’aan; khidmadaha taleefanada gudaha iyo dibadda ayaa ku dabbaqmaya.

Macluumaad Dheeraad ah

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo soo sheego anshax-xumo iyo doorka Xafiiska Baaraha Guud waxaa laga heli karaa halkan.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan soo gudbinta tacaddiyada iyo xad-gudubka galmada iyo doorka Xafiiska Baaraha Guud waxaa laga heli karaa halkan.

Si kale, haddii aad rabto in aad soo qabanqaabiso kulan qarsoodi ah oo aad si toos ah falka anshax xumada ugala hadleyso xafiiska UNHCR ee Greece, fadlan nagala soo xiriir iimaylka[email protected]