Helitaanka Daryeelka Caafimaadka

Helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ee Giriiga:

Qof kasta oo qaxooti iyo magangelyo doon ah oo ku nool Giriiga wuxuu xaq u leeyahay inuu si bilaash ah u helo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, dhexe iyo ka sareba.

Haddii xaalad degdeg ah timaaddo

Haddii aad la kulanto xaalad degdeg ah oo caafimaad, oo aad u baahan tahay daryeel caafimaad oo degdeg ah, waxaad raadsan kartaa adeegyada caafimaadka ee waaxda gurmadka degdegga ah ee cusbataalka. Si aad u ogaato in cusbitaalku uu leeyahay waaxda gurmadka degdegga ah iyo maalmaha ay hawlgasho, waxa macluumaadkaas halkan ku bixisay Wasaaradda Caafimaadka.  Fadlan ogow in macluumaadka ku jira linkigan uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Haddii ay jirto xaalad CAAFIMAAD oo DEGDEG ah waxaad wici kartaa 166

Si aad ballan uga qabsato isbitaalka

Waxaa jira dhowr siyaabood oo ballan lagaga qabsan karo Giriiga.

Haddii aad haysato AMKA (Nambarka Caymiska Qaranka) ama PAAYPA:

  • Wac khadka qaranka ee 1535 oo raac tilmaamaha (Giriig-Ingiriis)
  • Haddii uu jiro isbitaal gaar ah oo aad jeceshahay inaad tagto, waxaad ballansan kartaa adigoo toos u wacaya cusbitaalka
  • Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa adeegyada Xarumaha Caafimaadka ee IKA. Si aad ballan uga qabsato xarumahan, isticmaal khadka qaranka ee 14900 oo raac tilmaamaha
  • Waxa sidoo kale jirta xarun kale oo caafimaad oo loogu yeedho TOMY, halkaas oo aad ka heli karayso adeegyo caafimaad, khaasatan daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah. Si aad adeeg caafimaad uga hesho TOMY, waa inaad iska diiwaangelisaa laanta laga heli karo magaaladaada ama xaafaddaada, haddii ay jirto.

Haddii aadan haysan AMKA (Lambarka Caymiska Qaranka) /PAAYPA:

La hawlagalayaasha maareynaya guryaha la dego iyo huteelada: La hawlgalayaashu waa inay wacaan khadka heer qaran ama waa inay cusbitaalka toos u wacaan oo raacaan tilmaamaha

Goobta: Qaybta caafimaadka ama nafsaaniyadda bulsho ee ka hawlgala goobta, waa inay wacaan khadka heer qaran ama waa inay cusbitaalka toos u wacaan oo raacaan tilmaamaha

Giriigga dhexdiisa, inaad ballan ka qabsato xarun dadwayne (cusbitaalada ama xarumaha caafimaadka) waxay caadi ahaan qaadataa inta u dhaxaysa dhowr toddobaad ilaa dhowr bilood, iyadoo ku xiran takhasuska caafimaad ama baaritaanka caafimaad ee loo baahan yahay.

Cusbitaalada Giriiga:

Liiska dhammaan cusbitaalada Giriigga ku yaal ee Wasaaradda Caafimaadku ansixisay ayaa halkan ku qoran. OGSOONOOW in macluumaadkani ku qoran yahay Ingiriis.

Xarumaha Caafimaadka ee Degmada:

Degmooyin badan ayaa leh Xarumo Caafimaad oo dhammaan qaxootiga iyo magangalyo doonka (leh AMKA ama aan lahayn) ay ka heli karaan adeegyada caafimaadka ee laga helo xarumaha gaarka ah. Si aad u hesho macluumaadka loo baahan yahay waa inay wacaan ama booqdaan maamulka degmada ee degaankaaga.

Xarumaha Caafimaadka ee NGO-yadu maamulaan:

NGO-yo badan ayaa ka shaqeeya xarumo caafimaad iyo goobo caafimaad oo siiya adeegyo caafimaad magangalyo-doonka iyo qaxootiga Giriiga jooga. Si aad u ogaato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xarumaha caafimaadka ee la heli karo oo ay ku jiraan cinwaanka, adeegyada caafimaadka ee la heli karo iyo ballan qabsashada, waxaad wici kartaa:

PRAKSIS: 210-8213704

Dhakhaatiirta Caalamka: 210-3213150

Dhakhaatiirta Bilaa Xuduuda ah (Medecins Sans Frontieres): 210-5200500

Laanqayrta Cas ee Giriiga: 210-3613848

Midnimada Hadda: 210-6772500

Tallaalada

Haddii aad leedahay AMKA, waxaad talaalada ka heli kartaa cusbitaalada dadweynaha iyo xarumaha dadweynaha.

Tallaalka waxaa sidoo kale laga heli karaa xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka. Faahfaahinta xiriirka xarumahan (cinwaanka, telefoonka) waxaa laga heli karaa halkan iyagoo ku qoran luuqadda Giriiga.

Dhakhaatiirta Aduunka (MDM) iyo Laanqayrta Cas ee Giriiga labaduba waa NGO-yo shahaado u haysta inay xarumahooda caafimaad ku baxshaan adeegyo tallaal. Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad wici kartaa:

Dhakhaatiirta Caalamka: 210-3213150

Laanqayrta Cas ee Giriiga: 210-3613848

Bixinta daawooyinka

Si aad u hesho dawooyinka loo baahan yahay oo bilaash ama lacag yar ah, waa inuu dawada kuu soo qora dhakhtar xarun dadwayne — cusbitaal ama xarun caafimaad. Haddii aad haysato AMKA/PAAPYPA oo waraaqda dawada elektaroonik ahaan laguugu soo qoray, waxaad daawooyinkaaga ka heli kartaa farmashi kasta.

Haddii aadan haysan AMKA, balse dhakhtar jooga cusbitaal ama xarun caafimaad dawayne uu dawo kuu qoro, xitaa haddii ay gacanta ku qoran tahay, waxaad daawooyinkaaga si bilaash ah uga heli kartaa farmashiyaha cusbitaaka dhakhtarka dawada qoray.

Daaweynta iyo talobixinta HIV

Ururka Qaran ee Caafimaadka Dadweynaha (EODY) wuxuu hawlgeliyaa khad telefoon kaas oo aad ka heli karto macluumaadka caafimaadka, sida meelaha la iska baaro, cusbitaalada bixiya Dawada Ka Hortagga Degdegga Ah ee Aydhiska (PEP) iyo macluumaad kale.

Wixii macluumaad ah ee la xidhiidha HIV oo ku qoran luuqadaha Giriiga iyo Ingiriisiga waxaad wici kartaa: 210 72 22 222

Intaa waxaa dheer, EODY waxay bixisaa Xarunta La-Talinta arimaha HIV/AIDS halkaas oo lagu baxsho talooyin marka ballan laga qabsado oo qura. Si aad ballan u qabsato waxaad wici kartaa: 210 72 39 945

Sumoowga

Xarunta Xakamaynta Sumowga ee Giriigu waxay leedahay khad telefoon oo macluumaadka iyo talooyinka lagu baxsho, oo shaqeynaya 24/7.

Wixii talo ah ee ku saabsan sumowga waxaad wici kartaa: 210 7793777

OGSOONOW in adeeggan lagu baxsho luuqadda Giriiga oo keliya.

Khayraad kale oo faa’iido leh

Dhakhaatiirta Adduunka (MDM) waxay bixiyaan liiskan adeegyada caafimaadka iyo NGO-yada ee Giriiga laga helo.

Diiwaan erayeed ay ku jiraan weedhaha iyo kelmadaha caafimaad ee muhiimka ah oo ku qoran Ingiriis, Faransiis, Carabi, Faarisi iyo Urdu ayaa laga heli karaa halkan .