Ilaha macluumaadka

Adeegyada kale:

Macluumaadka Qaxootiga:

  • Haddii aad raadinayso macluumaad ku saabsan: Tallaabooyinka COVID-19
  • adeegyada la heli karo
  • Nidaamyada magangelyada
  • dugsi ka diiwaangelinta caruurta
  • sida loo helo AMKA ama PAAYPA si aad u hesho daryeel caafimaad

Booqo websaydka Refugee.info.Greece oo macluumaadka ku hel Ingiriis, Carabi, Faarisi, Urdu, iyo Faransiis. Intaa waxaa dheer, macluumaadka la xiriira qaxootiga waxaa lagu soo daabacaa bogga Facebook ee Refugee.Info isagoo ku qoran Ingiriis, Faarisi, Carabi, Kurmanji, Urdu, Faransiis, Lingala, iyo Soomaali.

Haddii aad doonayso inaad la hadasho mid ka mid ah xubnaha kooxda, qoraal ugu soo dir dhanka farriimaha ee Facebook adigoo ku soo qoraya mid ka mid ah luuqadaha kor ku xusan.

Fadlan ogow in shaqaalaha Refugee.Info ay ixtiraamaan oo ilaaliyaan amniga iyo sirta macluumaadka aad la wadaageyso.


Tilmaamaha loogu talagalay Magangalyo-doonka & Qaxootiga

Labadan Hagayaal waxay taxaan adeeg-bixiyeyaasha loogu talagalay magangelyo-doonka iyo qaxootiga jooga Athens iyo Thessaloniki iyadoo loo eegayo siday u kala horreeyaan waxaana soo saara Refugee.Info oo kaashanaysa UNHCR. Ururada ku qoran hagahani waxay baxshaan gargaar bilaash ah. Adeegyada waxaa ka mid ah daryeelka caafimaadka, la-talin bulsho, taageerada maskaxda, adeegyada daryeelka iyo nadaafadda, gargaarka sharciga, cuntada, hoyga, gargaarka agab, waxbarashada, adeegyada dadka la nool HIV/AIDS, iyo sidoo kale adeegyada dadka lagu takooro sababo la xiriira aqoonsigooda jinsi iyo/ama nooca galmo ee ay doortaan.

Hagaha waxaa sidoo kale ku jira hay’ado madaxa banaan oo aad kaalmo ka raadsan karto haddii ay xuquuqdaada ku xadgudbaan goobaha bixiya adeegyada dadweynaha, shirkado gaar loo leeyahay, ashqaas caadi ah ama kuwo sharciyeed.

Hagaha Athens

Hagaha Athens waxaa halkan lagaga heli karaa.

Hagaha Thessaloniki

Hagaha Thessaloniki waxaa laga halkan laga heli karaa.

Qaybta “adeegyada kale” ee websaydkan nala hawlgala ee HELP waxa ku jiri kara tixraacyo iyo tilmaamo ka socda websaydyo qolyo saddexaad leeyihiin. Goobaha ku xiriirsan UNHCR ma maareyso, markaas UNHCR kama masuul aha waxa ku qoran goob kasta oo ku xiran bogga. UNHCR waxay tixraacyadan u bixisaa ujeedooyin baariseed iyo macluumaad bixin, ku soo darista linkiga ama tixraacu kama dhigna in bogga la tixraacay ay ayidsan tahay UNHCR.