Sidee baan u codsadaa magangelyo?

Codsi

Helitaanka nidaamka ilaalinta caalamiga ah waa mid aan xadidneyn oo bilaash ah.

Hay’adaha awoodda u leh ee aad codsigaaga u soo gudbineysaa waa Xafiisyada Magangelyada Gobolka iyo Unugyada Magangelyada. Haddii aad ku jirto Xarunta Soo Dhaweynta iyo Aqoonsiga (RIC), codsigaaga waxaa sidoo kale laga yaabaa inay diiwaangeliyaan shaqaalaha RIC.

Codsiga Ilaalinta Caalamiga ah waxaa si toos ah u soo gudbiya qofka codsadaha ah. Si kastaba ha ahaatee, codsiga hadda waxaa laga yaabaa in lagu soo gudbiyo dhanka khadka iyada oo la adeegsanayo codsi is-diiwaangelineed. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan nidaamka is-diiwaangelinta, oo ay ku jiraan dadka u qalma nidaamkan, fadlan kala tasho websaydka rasmiga ah ee wasaaradda socdaalka iyo magangelyada ee link-gan. (https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/). Bogga websaydka wuxu ku qoran yahay luuqadaha Ingiriisiga iyo Giriiga.

Codsadaha ilaalinta caalamiga ah waa qof kasta oo ka soo jeeda waddan saddexaad ama waddan la’aan ah oo codsi ilaalin caalami ah u soo gudbiya Xafiisyada Magangelyada Gobolka ama Unugyada Magangalyada Madaxabannaan ama Unugyada Adeegga Magangelyada ee ka shaqeeya Xarumaha Soo-dhaweynta iyo Aqoonsiga.

Qof kasta oo waddan saddexaad ka soo jeeda ama bilaa waddan ah ee loo soo wareejiyay Giriiga isagoo laga keenay waddan kale oo Yurub ah oo hirgeliya ‘Sharciga Dublin II’ sidoo kale waa codsade ilaalin caalami ah.

Waxaad sidoo kale codsiyo u soo gudbin kartaa xubnaha qoyskaaga, haddii ay Giriiga kula joogaan oo rabaan inaad sidaas u sameyso. Waa inay sidoo kale kuu soo raacaan xafiiska Adeega Magangalyada.

Adeega Magangelyadu wuxu codsi u aqbali karaan inuu yahay mid labaad keliya haddii aad go’aan kama dambays ah oo lagu diiday codsigaaga magangelyada ee aad u gudbisatay Booliiska Giriiga.

Haddii aad tahay qof yar oo aan la socon waalidkiis oo Giriiga jooga, raac linkigan https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/asynodeytoi-anilikoi/

Haddii aad tahay qofka lagu hayo ama aad joogtid Xarunta Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RIC) raac linkigan https://migration.gov.gr/gas/diadikasia-asyloy/diadikasia-asyloy-gia-atoma-poy-vriskontai-ypo-kratisi-i-se-diadikasia-ypodochis-kai-taytopoiisis/ (macluumaadka waxaa laga heli karaa luuqadaha Giriiga iyo Ingiriiska).

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Nidaamka Codsiga Magangalyada (Marka Koobaad), fadlan ka tixraac website-ka rasmiga ah ee wasaaradda socdaalka iyo magangelyada linkigan https://migration.gov.gr/en/gas/diadikasia-asyloy/ (macluumaadka waxaa laga heli karaa luuqadaha Giriiga iyo Ingiriiska).