Helitaanka Lacag Naqad ah

Macluumaadka Barnaamijka Kaalmada Lacagta Naqadka ah ee Gobolka

  1. Laga bilaabo Oktoobar 2021 UNHCR hadda ka dib Giriiga kuma bixin doonto kaalmo lacageed, maadaama barnaamijka kaalmada lacagta naqadka ah ay la wareegeen maamulka Giriigga oo hadda ay horgeliso Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada.
  2. Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada waxay caawimaad lacageed siisaa dadka qaangaarka ah ee codsadayaasha ilaalinta caalamiga ah iyo xubnaha qoyskooda, kuwaas oo la dejiyey xarumaha soo dhaweynta furan ee dhulweynaha, Xarumaha Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RICs) ee jasiiradaha, hoyga ESTIA, iyo hoyaadka kale ee ay wada shaqeyntu ka dhexayso Wasaaradda Socdaalka & Magangalyada, marka laga reebo codsadayaasha xabsiyada ku jira.
  3. Kaalmada lacageed way kala duwan tahay iyadoo loo eegayo tirada qoysku intay tahay waxaana loo kala saar kaalmada lacagta ee buuxda iyo kaalmada lacagta qaybta ah. Kaalmada lacagta qaybta ah waxa la siiyaa ka faa’iideystayaasha cunto ku hela meeshay u hoydaan, halka kaalmada lacagta buuxda la siiyo ka faa’iideystayaasha aan helin cunto.  
  4. Xaddiga gargaarka lacageed waa kuwan soo socda:

Meelaha AAN cuntada lagu bixin:

  • 150 Yuuro halkii shakhsiba  
  • 270 Yuuro oo loogu talagalay lamaanayaasha ama hal waalid oo leh hal ilmo  
  • 320 Yuuro oo loogu talagalay qoys saddex qof ka kooban  
  • 420 Yuuro oo loogu talagalay qoys afar ama ka badan ah

Halka cuntada lagu bixiyo:

  • 75 Yuuro halkii shakhsiba  
  • 135 Yuuro oo loogu talagalay waalidka keli ah ee hal ilmo haysta  
  • 160 Yuuro oo loogu talagalay qoyska saddex qof ka kooban  
  • 210 Yuuro oo loogu talagalay qoys afar ama ka badan ka kooban
  • Barnaamijka kaalmada lacagta waxaa fuliya maamulka gobolka iyagoo la kaashanaya hay’adda Adeegyada Gargaarka Kaatooliga (CRS).
  • Barnaamijka kaalmada lacageed waxaa xakameeya Goaanka Wadajirka ah ee Wasiirada ee 2857 (Faafinta Rasmiga ah B, 3120/29.09.2021.)

Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan hirgelinta barnaamijka gargaarka lacageed ee Maamulka Dawladda Giriigga

1. Sidee baan ku heli lacag gargaar oo naqad ah?

Lacag kaalmo ah oo naqad ah ayay maamulka Giriigu kugu siin doonaan xarunta hoyga ee lagu dejiyay ama laguu wareejiyay. Kuwani waa Xarumaha Furan ee soo dhaweynta ee dhulweynaha, Xarumaha Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RICs) ee jasiiradaha, hoyga ESTIA, iyo goobaha hoyga ee la shaqeeya Wasaaradda Socdaalka & Magangelyada.

Barnaamijka Kaalmada Lacagta waxaa la siiyaa Codsadayaasha Ilaalinta Caalamiga ah ee deggan hoy rasmi ah oo ay bixiyaan Maamulka Giriiga. Cidda ka masuulka ah hoygaaga ayaa masuuliyadi ka saarantahay inay ku siiso kaarka lacagta kaalmada markaad soo gasho xarunta hoyaadka.

2. Waa maxay baahiyaha la rabo in lacagta kaalmada lagu daboolo?

Lacagta kaalmada naqadka ah waxa laguu siiyay si lagaaga caawiyo daboolista baahiyahaaga aasaasiga ah ee cuntada, dharka, kabaha, nadaafadda shakhsi ahaaneed, isgaarsiinta, ku dhex socoshada meesha aad degan tahay iyo sidoo kale kharashka dugsiga aasaasiga ah iyo dawooyinka illaa dhammaadka muddo bil ah oo ka bilaabmaysa marka lacagta loo wareejiyo kaarkaaga.

Kaadhka aad heli doontid kuma jiri doonto wax lacag ahi markaad hesho waxaana aad isticmaali kartaa marka lacagta billaha ah lagu soo shubo oo qura.

3. Sidee baan u sii wadi karaa inaan lacagta kaalmada naqadka ah si bille ah u helo?

Si aad u sii waddato inaad lacagta kaalmada naqadka ah qaab bille ah u hesho, waxaad u baahan tahay inaad raacdo tilmaamaha cidda hoygaaga ka masuulka ah ee xaqiijinta inaad adiga iyo qoyskaaguba si toos ah goobta la idinka rabo u joogtaan. Bil kasta cidda hoygaaga ka masuulka ahi waxay xaqiijin doonaan inaad adiga iyo qoyskaagu joogtaantaan goobta dabadeed keliya xaqiijintaas ka dib uun ayaad kaalmo lacageed helista sii wadaysaa.

4. Isku-mar ma heli karaa kaalmo lacag naqad ah oo buuxda iyo kaalmo cunto?

Maya, tani suurtogal maaha. Ka-faa’iideystayaasha deggan xarumo ay cuntadooda ku karsadaan, ayaa la siiyaa kaalmada lacagta naqadka ah oo buuxda. Ka-faa’iideystayaasha ku nool xarumaha cuntada lagu qaybiyo, waxaa la siiyaa kaalmada lacagta naqadka ah oo qayb ah (kala dhiman).

5. Ma codsan karaa kaalmo lacag naqad ah oo dheeraad ah haddaan wada isticmaalay lacagtii oo dhan ka hor intaan lacagta xigta la ii soo wareejin?

Laguma siin doon wax kaalmo lacag naqada ah oo dheeraad ah haddii lacagtu kaa dhamaato ka hor intaan lacagta xigta laguugu soo shubin taas oo la sameyn doono bisha xigta. Taas macnaheedu waa inaad si taxaddar leh u kala qorsheysato oo u maareysato lacagtaada si aanay kaaga dhammaan!

Haddii aad u baahan tahay taageero ama talo ku saabsan maareynta dhaqaalahaaga, fadlan la xiriir CashHelpline.

6. Sidee baan u isticmaali karaa kaarka lacagta la iigu shubo?

Kaarka lacagta naqadka ahi kuugu jirto waxaad ku isticmaali karta ATM kasta oo ku yaal dhulka Giriiga, si aad lacag ula baxdo adigoo isticmaalaya kaarkaaga iyo lambarka sirta ah ee lagu siiyay markii kaarka laguu keenay ama dukaamada iyo moolalka aqbala lacagaha elegtarooniga ah ee Mastarkaadh, ee ku yaal dhulka Giriiga. Kaararka lacagta laguma isticmaali karo macaamilada elektarooniga ah.

Fadlan la soco in bangiyada Giriiggu ay khidmadda isticmaalka ATM isticmaalayaasha ka gooyaan. Lacagta haraaga ah ee kugu jirta hal mar waad la bixi kartaa, ama waxaad kaararka u adeegsan kartaa iibabka POS.

7. Sidee baan uga shaqeysiin karaa kaarkayga?

Kaarkaaga waxaad ku heli doontaa baqshad xiran iyadoo aanay waxba ku jirin illaa inta lagu soo shubayo. Marka lacagta lagu soo shubo, waa lagu soo ogeysiin xaddiga lacagta ah ee ku jirta kaarkaaga. Waa muhiim in biinku sir kuu ahaado oo aadan cidna la wadaagin.

8. Maxaan sameyn karaa haddii uu kaarku iga lumo ama aanu shaqeynayn?

Fadlan la xiriir Khadkacaawinta Lacagta adiga oo wacaya lambarka taleefanka ee 210 330 0170 Isniin illaa Jimce laga bilaabo 9.00 gh to 3.00 gd. ama adiga oo booqanaya http://greecehelpline.crs.org/ si aad u buuxiso oo u soo gudbiso waydiintaada; taas beddelkeed, sawir koodhka QR ee hoose si aad u soo buuxiso oo u soo gudbiso waydiintaada.

Fadlan iska ilaali inaad foomam badan ku soo gudbiso hal su’aal. Mar kasta oo aad soo gudbiso foom cusub, wuxu tegi doonaa dhammaadka liiska. Waxa lagula talinayaa inaad su’aashaada ku soo gudbiso hal foom oo sugto inta shaqaalaha Khadka-caawintu kula soo xiriirayaan.

9. Goorma ayaan heli doonaa kaarka beddelka ah?

Waxaad heli doontaa kaarka inta lagu guda jiro hawsha qaybinta ee ka dhaceysa xaruntaada. Fadlan kala tasho cidda ka masuulka ah goobta hoygaaga siday kuugu soo wargelin lahaayeen xilliga qaybtina la sameynayo.

10. Qoyskaygu ma haysan karaa wax ka badan hal kaar lacageed?

Ka-faaiideystayaasha u qalma ee wadaaga hal Lambar Kiis Magangalyeed marka loo eego xogta kaydka Adeegga Magangalyada ugu jirta waxa la wada siiyaa hal kaar lacageed.

11. Sidee baan ku ogaan karaa marka kaarkeyga lacagta lagu soo shubo lacag?

Haddii aad rabto inaad hesho macluumaadkan bil kasta, waa inaad sameysataa ablikeyshanka Viber si aad u hesho macluumaadka ku habboon. Waxa muhiim ah inaad bixiso lambar moobeel shaqeynaya si loo hubiyo in macluumaad kasta oo laguu soo dirayo aanu kala go’ ku iman iyadoo lagu soo wacayo ama farriim laguu soo dirayo. Sidaas darteed, fadlan hubi in lambarka telefoonka gacanta had iyo jeer lacagii kuugu jirto.

Fadlan ogsoonow:

Cabashooyinka guud oo ay ku jiraan kuwa la xidhiidha khiyaamada, musuqmaasuqa, xad-gudubyada galmo, tacaddiyada, dhibaataynta ama haddii aad rabto inaad si toos ah ula hadasho shaqaalaha caawinta ee lacagta kaalmada, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa taleefanka 210 330 0170

Wixii macluumaad dheeraad ah:

https://migration.gov.gr/en/ris/epidomata/

Barnaamijka Kaalmada Lacagta MoMa Su’aalaha Badanaa La Iska Waydiiyo (FAQ)

Macluumaadka Xiriirka ee Khadka Caawinta Barnaamijka Kaalmada Lacagta ee MoMa

Maqaalada Refugee.Info ee la cusbooneysiiyay ee ku saabsan barnaamijka Kaalmada Lacagta waxay ku qoran yihiin luuqadahan soo socda: