Ku saabsan UNHCR-ta Giriigga

UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay waxaa 1950-kii aasaasay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. UNHCR waxay hoggaamisaa oo isku du’daa hawlaha lagu ilaalinayo laguna taageerayo qaxootiga adduunka. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta qaxootiga waxa ay marwalba saaran tahay Dowladda dalka ay qaxootigu ku nool yihiin.


Muxuu yahay doorka UNHCR-ta Giriigu?

Giriigu wuxu qayb ka ahaa Heshiiskii Qaramada Midoobay ee 1951 ee khuseeyay Xaaladda Qaxoontiga oo Dawladda masuuliyad ayaa ka saaran inay qiimeyaan dalabyada magangalyo doonka oo ay go’aamiyaan cidda Giriigga lagu dhex siinayo xaalad qaxootinimo.

Giriigga dhexdiisa, sidaa darteed, UNHCR ma diiwaangeliso qaxootiga, UNHCR ma qiimeyso codsiyada magangelyada oo UNHCR ma soo saarto dukumiintiyada qaxootiga. Dowladda ayaa arrimahaas mas’uul ka ah.

Doorka UNHCR ee Giriigu waa ahmiyad siinta la shaqeynta Dawladda, ururada aan dawliga ahayn iyo cidaha kale, shabakadaha mutadawiciinta iyo bulshooyinka si loo ilaaliyo dadka magangalyo doonka ah iyo qaxoontiga Giriiga imanaya.

UNHCR waxay u doodaa horumarinta siyaasadaha iyo adeegyada saameeya nolosha qaxootiga.
UNHCR waxay dawladda ka taageertaa horumarinta nidaamka ay dadku magangalyo ku soo dalban karaan kuna heli karaan xuquuqdooda.
Meelaha ay lagama maarmaan tahay UNHCR waxay dawladdu ka caawisaa daboolista baahiyaha aasaasiga ah ee magangalyo doonka iyo qaxootiga. Xaaladaha qaarkood, UNHCR waxay bixisaa taageero marka gaabis ku jiro adeegyada la xiriira hoyga, biyaha, fayadhowrka, cuntada, alaabta guriga aasaasiga ah, caafimaadka, waxbarashada, bixinta macluumaadka, isuduwidda iyo maareynta xeryaha. UNHCR hawshan si toos ah ayay u qabataa ama iyada oo la hawlgelysa cid kale. Doorka UNHCR goobuhu waa ku kala duwan yihiin, taas oo ku xiran baahiyaha la aqoonsaday iyo cidda la hawlgasha.
UNHCR waxay caawisaa magangalyo-doonka, iyadoo ku xirtaa jaalalka la hawlgala ee siin kara talooyin bulsho iyo sharci iyo weliba matelaad.
UNHCR waxay sidoo kale taageero siisaa madaxda dawladda, shaqaalaha hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO-yada) iyo kuwa kale si kor loogu qaado awooddooda ay ku fahmayaan ugana jawaabayaan baahiyaha qaxootiga.


Waa maxay Webseedka UNHCR HELP?

UNHCR, Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay, waxay websaydka help.unhcr.org/greece u samaysay qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan dalka Giriiga.

Webseetkan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida loo codsado magangelyo, kaalmo lacageed, mideynta qoyska, shaqo helitaan iyo waxyaabo kale oo kuu muhiim ah.

Webseetka si joogto ah ayaa loo cusbooneysiiyaa. Sidoo kale fiiri qaybteena cusub ee ‘Ku Dhawaaqisyadii U Dambeeyay’ si aad u hesho dhaammaan wararkii, dhacdooyinkii, iyo fursadihii u dambeeyay ee khuseeya qaxootiga iyo magangalyo doonka jooga Giriiga.

Waxaan rajaynaynaa in aad marar badan na soo booqato.

 


Maxay UNHCR kuu qaban kartaa?

Shaqaalaha UNHCR way ku dhagaysan doonaan oo waxay kugu wargelin doonaan fursadaha iyo nidaamyada aad heli karto si aad u qaadato go’aamo warqaba oo naftaada u fiican. Wax kasta oo aad sheegto sirbay kuu ahaanayaan. UNHCR waxay sidoo kale kuu gudbin doontaa NGO-yada ama haayadaha ku habboon ee awood u leh inay ku siiyaan adeegyada iyo taageerada lagama maarmaanka ah. UNHCR waxay macluumaadkaaga sii wadaagi doontaa keliya haddii aad ogolaato.

  • Shaqaalaha UNHCR waxay ku siin karaan macluumaad sharci oo waadax ah laguna hawlgeli karo. Waxaan kuu sheegi karnaa nidaamyada ay tahay inaad marto marka aad timaado Giriiga. Waxaan ku siin karnaa macluumaad ku saabsan sida aad u codsanayso magangelyo, la midowga qoyskaaga oo jooga wadan kale oo Yurub ah, dib u dejin laguugu sameeyo waddan kale oo Yurub ah, ama in lagaa caawiyo sidaad ugu laaban lahayd waddankaagii hooyo. Waxaan sidoo kale kuu sheegi karnaa xuquuqaha iyo waajibaadka aad Giriigga ku dhex leedahay magangalyo doon ahaan ama ka faaiideyste ilaalin caalamiya ahaan.
  • Shaqaalaha UNHCR waxay kuu sharxi doonaan nidaamyo gaar ah oo lagu dabaqi karo kooxaha soo socda: b) carruurta aan lala socon t) dadka naafada ah ama dadka qaba cudur aan la dawayn karin ama halis ah, j) waayeelka, x) haweenka uurka leh ama haweenka dhawaan umulay, kh) waalidka keligood ah ee wata carruur yaryar, d) dadka soo maray ee ka badbaaday jirdil, kufsi ama noocyada kale ee tacaddiyada khatarta ah ee dhanka maskaxda, jidhka ama galmada, ama dadka qaba xanuunada isku-buuqa ka dhasha dhacdo xun oo qofku soo maray, gaar ahaan dadka ka badbaaday qarqoon doomeed iyo qaraabadooda, r) dhibanayaasha tahriibinta. Kaliya haddii aad ogolaato, ayuunbay shaqaalaha UNHCR macluumaadkan la wadaagi doonaan ururada iyo haayadaha kale.
  • Haddii aad halis ugu jirto sababo la xiriira jinsigaaga, da’daada ama hab-fikirkaaga galmo, UNHCR waxay kugula talin kartaa meel aad kaalmo ka raadsato. Waxaan kuu gudbin karnaa ururka ama ha’yadda kugu habboon si ay kuu siiyaan taageero iyo ilaalin dheeraad ah, balse waxaanu sidaas sameyn karnaa haddii aad aqbasho oo qudha.

Mas'uuliyadaha UNHCR waxay ku kooban yihiin kuwan soo socda:

  • Mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta qaxootiga Giriigu waxa ay marwalba saaran tahay Dowladda Giriiga. UNHCR waxay ka shaqeysaa inay dawladda Giriiga ku taageerto hadafkaas.
    Doorka UNHCR ee Giriiga kuma jirto helitaanka iyo/ama ka shaqeynta codsiyada magangelyada ama dib udajinta. Shaqaalaha UNHCR ayaa kuu sheegi doona sida aad magangelyo uga codsan karto masuuliyiinta Giriiga.
  • UNHCR-ta Giriiggu kuguma celin karto waddanka aad ka soo jeedo ama dal kale. Laakiin waxaanu kugu wargelin doonaa fursadaha aad haysato iyo sida aad u codsan karto celin ikhtiyaari ah.
  • UNHCR keliya waxay fududeyn kartaa hoyga iyo kaalmada la siinayo shaqsiyaadka iyo qoysaska ku jira nidaamka guud ee ay bixiyaan haayadaha Giriigu iyo ururada kale.

Halkee ayaad ka heli kartaa UNHCR?

Kooxaha UNHCR waxay degan yihiin Athens, Lesvos, Chios, Samos, Kos, Thessaloniki, iyaga oo si toos ah, safaro la baxo iyo booqashooyin aan caadi ahayn ku taga dhammaan xarumaha ku jira aagga ay ka masuulka yihiin.

Xafiiska Matalaadda ee UNHCR wuxuu ku yaalaa Athens. Xafiiskani ma aqbalo dadka raadinaya macluumaad ama kaalmo. Su’aal kasta oo deg-deg ah waxaa iimeel ahaan loogu diri karaa UNHCR-ta Giriiga.


Hay'adaha UNHCR kala hawlgala Giriiga

Dhammaan la-hawlgalayaasheena ka dhex eeg boggan rasmiga ah ee UNHCR-ta Giriiga ee halkan (Ingiriis iyo Giriig).


Bogga Webseedka UNHCR ee Giriiga

Wixii macluumaad ah ee ku saabsan UNHCR-ta Giriiga, walxaha macluumaad iyo boggaga websaydyada, fadlan ka tixraac bogga dhexe ee macluumaadka ee UNHCR-ta Giriiga eehalkan, Bogga Khadka ee UNHCR-ta Giriiga halkan ama linkiga Faysbuuga ee UNHCR-ta Giriiga oohalkan.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan nidaamka hoyga ESTIA halkan.