Xadgudub Miyaad Wajahaysaa? Ma u baahan tahay caawimo?

Miyaad halis ku dareemaysaa meesha aad joogto, waddada, xerada, guriga aad degan tahay? Ma qof ayaa isku dayayaa inuu ku waxyeeleeyo ama horey kuu waxyeeleeyay?

Haddii aad haa kaga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahan, waxaa laga yaabaa inaad wajahayso nooc xadgudub ah.

Waxa laga yaabaa inuu xadgudub kaa soo gaarayo seyga/xaaska, qaraabadaada, qof aadan shakhsiyan u aqoonin ama qof maamul haya.

Haddii aad la kulantay xadgudub galmo, fadlan sida ugu dhakhsaha badan u boooqo cusbataal si aad u hubiso inaad hesho taageerada caafimaad ee aad u baahantahay. Marka aad cusbitaalka tagto, ogeysii waaxda Cudururada Faafa ee cusbitaalka inaad la kulantay xadgudub galmo, oo haddii loo baahdo, qaado daawada ka hortagga aydhiska ee PEP iyo/ama daaweynta degdegga ah ee ka hortagga uurka (nooc kiniini ah) muddo 72 saacadood gudahood ah 3 beri oo ka bilaabma dhacdada ah. PEP waa daaweyn degdeg ah oo ay heli karaan dadka soo maray xadgudubyada galmada, taas oo ka caawisa ka hortagga caabuqa HIV. Ka hortagga uurka degdega ah sidoo kale waa daaweyn degdeg ah oo ay heli karaan dadka soo maray xadgubyada galmada oo loo isticmaali karo ka hortagga uurka. PeP iyo daaweynta ka hortagga uurka degdega ah (nooca kiniinka ah) waa in la siiyaa dhammaan dadka soo maray xadgudubyada galmada, haddii ay haystaan caymis caafimaad iyo haddii aanay haysanba.

Haddii aad la kulantay xadgudub oo aad u baahan tahay kaalmo ama qof aad la hadasho oo aad ku nooshahay Athens, Thessaloniki, iyo Lesvos, waxaad la xiriiri kartaa

  1. Diotima

Xarunta Xuquuqda Jinsiga iyo Sinnaanta ee Diotima waxay isticmaashaa nidaam dhammeys ah oo ku dhisan xuquuqda aadanaha – iyo xarun u noqoshada iyo ka qaybgelinta badbaadadayaasha si ay u bixiso:

a) Adeegyada Ka Hortagga Xadgudubyada Jinisga Ku Saleysan (GBV) iyada oo loo marayo Awoodsiinta Bulshada iyo hawlaha Iskaashiga ee Athens, Thessaloniki, Lesvos iyo Chios. 

b) Ka jawaabista tacadiyada GBV iyadoo loo marayo bixinta adeegyada maareynta kiisaska GBV-ga si wax looga qabto baahiyaha dadka soo mara tacaddiyada GBV-ga (dumarka, ragga, ashqaasta LGBTQI+) iyo horumarinta dedaaladda dhaqancelinta, ee Athens, Thessaloniki iyo Lesvos.

c) Ka jawaabista tacadiyada GBV iyadoo loo marayo bixinta adeegyo gargaar sharci oo bilaash ah si wax looga qabto baahiyaha talo sharciyeed oo matelaad loo siiyo dadka tiradoodu koreyso ee soo mara tacadiyada GBV (dumarka, ragga, ashqaasta LGBTQI+) iyo horumarinta dedaalada dhaqancelinta, ee Athens, Thessaloniki, Lesvos iyo Samos, Chios Kos iyoLeros.

Waxaad ka heli kartaa Miiskooda Caawinta ee Facebook ee leh magaca @DiotimaHelpdesk ama waxa aad ka wici kartaa lambarradan soo socda:

Athens:

taleefan: 2108816405

Luuqadaha la heli karo (Whatsapp/Viber)

Faarsi: 6988587846

Faransiis & Ingiriisi: 6988587809

Carabi: 6988528460

iimayl: [email protected] (taageero nafsiyeed iyo bulsho)

[email protected] (gargaar sharciyeed) 

Thessaloniki:

Saacadaha shaqada: 09.00-17.00

taleefan: 2310534445

 Luuqadaha la heli karo (Whatsapp/Viber)

Faarsi/Ingiriisi: 6975872416

Iimeel: [email protected]

 Lesvos:

Saacadaha shaqada: 09.30-17.30

taleefan: 22510 24730

Luuqadaha la heli karo (Whatsapp/Viber)

Faransiis: 6982042483

Faarsi: 6982042485

Iimeel: [email protected]

 Samos, Chios, Kos, Leros

[email protected]

(gargaarka dhanka sharciga)

Taleefan. 210 3244380

2. Taageerada dhanka khadka ee LGBTQI+

Macluumaadka ku saabsan taageerada loo heli karo dadka khaniisyada, baysekshuwaalada, dadka jinsiga beddeshay iyo labeebyada (LGBTIQ+) ah ee Giriiga.

Lambarka taleefanka: 11528

Saacadaha ay furan yihiin: Isniin — Jimce: 13:00 – 21:00

Luuqadaha: Ingiriisi, Giriiga

Luuqadda Faransiiska waxa lagu heli karaa codsi, luuqado kale ayaa mararka qaar laguu qorsheyn karaa iyadoo kulanka ka dib lagaa soo wacayo Skype. Codsiyada wicitaanada Skype waxa lagu soo dalban karaa iimayl.

3. Xoghaynta Guud ee Sinnaanta Jinsiga

Xoghaynta Guud ee Tirokoobka Dadwaynaha, Siyaasadda Qoyska iyo Sinnaanta Jinsi (GSDFPGE) waa hay’ad dawladeed oo awood u leh qorshaynta iyo la socoshada fulinta iyo sidoo kale hirgelinta siyaasadaha sinnaanshaha ragga iyo dumarka ee qeybaha bulshada dhammaan .

GSDFPGE waxay sidoo kale hirgelisaa Barnaamijyo iyo Hawlo si wada jir ah looga maalgeliyay Maamulka Iskuduwidda, Maareynta iyo Hirgelinta ee dedaalada la wada maalgeliyo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Lambarka taleefanka: 15900

https://isotita.gr/en/home/

Luuqadaha: Ingiriisi, Giriiga

Haddii aad ku nooshahay xero, waxaad la hadli kartaa qofka ka masuulka ah xerada ama dhakhtar ama kaalkaaliye ka socda ururada caafimaadka ee ka shaqeeya xerada.

Haddii aad ku nooshahay meel kale oo aanad garanayn cid aad la hadasho, waxaad wici kartaa khadka gargaarka Degdegga ah (SOS) ee Xoghaynta Guud ee Qorshaynta Qoyska iyo Sinnaanta Jinsiga ee 15900.

Haddii aad 18 ka yar tahay oo aad u baahan tahay caawimaad ama qof aad la hadasho, waxaad ururka ‘Smile of a child’ ka wici kartaa lambarka 1056.

Aamin Ahow