Helitaanka Shaqada

Miyaan xaq u leeyahay inaan ka shaqeeyo Giriiga?

Haddii aad tahay qof magangelyo doon ah (codsade ilaalin caalami ah), oo aad dhameystirtay nidaamka gudbinta codsiga ilaalinta caalamiga ah, oo aad haysato “kaarka codsadaha ilaalinta caalamiga ah” ama “kaarka magangelyo-doonka” markaas waxaad xaq u leedahay inaad shaqo mushahar leh doonato ama inaad bixiso adeegyo ama shaqo qabato.

Hadii aad tahay qof magangelyo doon ah, xaq uma laha inaad iskaa u shaqaysato ama aad bilowdo ganacsiga kuu gaar ah.

Haddii aad tahay magangalyo-doon qaybta hore ee diiwaangelinta ku jira, ma heli doontid shaqo sharci ah, illaa intaad codsigaaga magangelyo-doonka si buuxda u soo gudbineyso.

Ogsoonow in si aad sifo sharci ah ugu shaqeyso, kaadhkaaga magangalyo doonka waa inuu ahaadaa mid shaqeynaya, markaa ha illaawin inaad cusboonaysiiso kaadhkaaga magangalyo doonka marka uu dhaco.

Ma u baahanahay ogolaansho shaqo?

Maya. “Ruqsadda shaqada” horey ayay shuruud ugu ahayd in magangalyo-doonku Giriiga shaqo ka helaan. Sida waafaqsan sharciga 4375/2016 (qodobka 69), waa la joojiyay.

Ogsoonow in shaqo-bixiyeyaasha iyo xisaabiyeyaashu aanay had iyo jeer ka warqabin dhammaan shuruucda sameysantay. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad caddayso, tixraacdo qayb khaas ah oo sharciga ka tirsan, ama aad kaalmo ka codsato NGO ku sugan goobtaada si aad kiiskaaga ugala hadasho cidda aad u shaqeynayso iyo xisaabiyeyaasha.

Maxay yihiin shuruudaha kale ee loo baahan yahay si sifo sharci ah looga shaqeeyo Giriiga?

Si aad si sharci ah u shaqeyso, waa inaad haysataa lambarka canshuurta (AFM) iyo lambarka amniga bulshada (AMKA).

Sidee baan u helaa Lambarka Cashuurta (AFM)?

Si aad u hesho lambarka canshuurta ee Giriiga, waa inaad booqataa xafiiska canshuurta (DOY) ee meesha aad degantahay. Waxaad ka heli kartaa xafiiskaaga canshuurta (DOY) halkan  https://www.aade.gr/eyretirio-horikis-armodiotitas-ton-doy . Ogsoonow in macluumaadka ku jira linkigani uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Xafiiska canshuurta (DOY) markaad tagto waa inaad soo bandhigtaa dokumentiyada soo socda:

  • Foomka M1 oo aad buuxisay,l; foomamka M1 waxaa laga heli karaa xafiisyada canshuurta ama waxaa laga soo dejin karaa halkan https://www.aade.gr/sites/default/files/2017-01/M1.pdf “kaarkaaga magangelyo-doonka” oo asal iyo nuqul aad ka soo sameysay;
  • Caddeynta meesha aad degan tahay (Heshiiska kirada guriga/Biilka biyaha ama korontada oo magacaaga lagu soo saaray.) haddii kaadhkaaga magangelyo doonku aanu tilmaameyn cinwaankaaga hadda.

Ogsoonow in lambarka canshuurtu uu lagama maarmaan u yahay dhammaan macaamilada adeegyada dadweynaha, si aad hoy u kireysato/ u iibsato guri/abaarman, si aad u iibsato baabuur ama mooto iyo guud ahaan, wuxu fududeeyaa dhammaan macaamilada adeegyada la baxsho.

Inaad TAXISnet ka sameysato xisaab waxay kuu sahli doontaa inaad la macaamisho Maamulka Canshuuraha (tus. soo gudbinta waraaqaha canshuuraha sannadlaha ah)

Shuruudaha :

  • Cinwaanka iimeelka
  • AFM
  • Lambarka taleefankaSidee baan u caddeeyaa meesha aan deganahay?

Talaabooyinka:

– Buuxi foomka diiwaangelinta internetka ee laga heli karo: – https://www1.gsis.gr/registration/chooseRegistrationType.htm

– Hel lambarka furaha ee TaxisNet

– Ka shaqeysii xisaabta TAXISnet adiga oo tegaya https://www1.gsis.gr/registration/chooseRegistrationType.htm​

Marka aad hesho Lambarka Diiwaanka Cashuurta (AFM) waxaad xaq u leedahay diiwaangelinta Adeegga Shaqada Dadweynaha (DYPA, Giriiga) iyo, haddii aadan shaqeyn, Kaarka Shaqo La’aanta ee soo dhaweynta ah (KARTA ANERGIAS”). ​

Markaad kaarkan hesho waxaad heli doontaa adeegyada gaadiidka dadweynaha oo bilaash ah (ama qiimahooda la dhimay) iyo magaalooyinka qaarkood oo matxafyada iyo xarumaha dhaqanku kuu bilaash (ama qiimo dhiman) yihiin. Waxaad sidoo kale ku codsan kartaa tababaro xirfadeed oo gaar ah iyo gunnooyin bulsheed gaar ah. Kaarku wuxu shaqeynayaa saddex bilood waxana dib loo cusboonaysiin karaa saddexdii biloodba mar

Shuruudaha :

– Kaadhkaaga magangalyo doonka ama rukhsad degenaansho oo shaqeynaysa

– Lambarkaaga Diiwaanka Cashuuraha (AFM)

– Xisaabta Taxisnet

– Cinwaanka aad degan tahay

– AMKA (Lambarka Ammaanka Bulshada)

Sidee baan u caddeeyaa meesha aan deganahay?

Haddii meesha aad degantahay ay ka duwantahay midka ku qoran kaarkaaga, ama haddii kaarkaaga aanu sheegeyn cinwaankaaga, waxaad codsi u gudbin kartaa Adeegga Magangalyada, si aad u sheegto cinwaankaaga oo aad u hesho shahaado aad u gudbiso xafiiska canshuuraha.

Haddii aad ku nooshahay “xarun hoy furan” ama goob, guri ama xarun soo dhaweyn oo NGO ama qolo kale maamusho (sida degmada), waxaad hay’adda maamusha hoygaaga ka codsan kartaa waraaq aad cinwaankaaga ku caddeyso.

Haddii qof Giriig ah ama qof kale oo soo galooti ah ama qaxooti ahi ku martigeliyay, waxaad u baahan tahay inaad soo gudbiso caddeyn rasmi ah, oo qoran oo qofkaasi ku sheegayo inuu ku martigelinayo. Tan waa inay la socotaa lambarkooda canshuurta iyo saxeexooda oo laga soo caddeeyay Xarunta Muwaadiniinta ama KEP. Intaa waxaa dheer, waxaad u baahan doontaa caddayn muujinaysa inay yihiin milkiilaha ama kiraystaha cinwaanka, sida waraaqda kirada, heshiiska guriga ama nuqul ka mid ah biilka korontada ama biyaha.

Cusbooneysii xogtaada!

Diiwaangelinta koowaad ee AFM iyo haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo dheeraad ah oo ku yimaada macluumaadkaaga shakhsiyeed, waxaa lagaa codsan doonaa inaad dhameystirto codsiga. Foomka ay tahay inaad buuxiso waxaad ka heli kartaa halkan isagoo luuqadda Giriiga ku qoran. Waxaad u baahan kartaa inaad codsato kaalmo, si foomku kuugu diyaar noqdo markaad xafiiska cashuuraha tegayso.

Haddii aad leedahay cinwaan iimayl, waxaad iska diiwaan gelin kartaa nidaamka canshuurta ee internetka ee Giriiga “TAXISNET” kaas oo kuu suurtogelin doona inaad dhanka internetka macaamil ganacsi kala sameyso maamulka canshuuraha. Waxaad macluumaad ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Haddii uu wax isbedel ah ku yimi cinwaankaaga, waxaad u baahan tahay inaad tagto xafiiska canshuuraha ee ugu dhow meesha aad degtay ee cusub, oo u gudbiso caddeynta cinwaankaaga cusub oo tafaasiisha shaqsiiyeedna la cusbooneysiiso xafiiska canshuuraha. Haddii aad horey uga diiwaangashanayd TAXISNET, isbedselka waxaad ka xaqiijin kartaa dhanka khadka.

Sidee baan u helaa Lambarka Aminga Bulshada (AMKA)?

Waa inaad haysataa Lambarka Amniga Bulshada (AMKA) si aad sifo sharci ah uga shaqeyso Giriiga. Waxaad kale oo u baahan tahay AMKA si laguu caymiyo oo aad uga faa’iideysato shuruucda Amniga Bulshada ee dhaawacyada kaa soo gaara shaqada, hooyonimada, jirrooyinka, naafonimada, shaqo la’aanta iyo masuuliyadaha qoyska.

AMKA-gaagu wuxu ilaaliya xuquuqahaaga la xiriira shaqada iyo lacagaha hawlgabka wuxu sidoo kale sahlaa helitaanka adeegyada cusbitaalka iyo farmeesiga. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan AMKA waxaad ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka ku jira linkiga uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Codsiga AMKA waxaad ka gudbisan kartaa xafiiska Wakaaladda Amniga Bulshada ee AMKA, ama Xarunta Adeegga Muwaadiniinta (KEP-ΚΕΠ). Ogsoonow in macluumaadka linkiga ku jira uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Markaad soo gudbiso codsiga, waxaad u baahan tahay inaad soo bandhigto “kaarkaaga codsadaha ilaalinta caalamiga ah” ama “kaarkaaga magangelyo doonka” oo shaqeynaya iyo caddaynta cinwaankaaga.

Ogsoonoow in waxyaabaha dadku kala kulmaan codsashada AMKA dadku ku kala duwan yihiin. Meelaha qaar AMKA si degdeg ah baa loo siiyaa magangalyo doonka, meelo kalena maamulku waxay codsadaan waraaqo dheeraad ah.

Dadka magangelyo-doonka ee qaab hordhac ah loo diiwaangeliyay waxay wajahaan dhibaatooyin ka badan kuwa magangelyo-doonka si buuxda u diiwaangashan ay wajahaan. Haddii aad dhibaato la kulanto, waxaad kaalmo ka codsan kartaa NGO degaankaaga ku sugan.

Shaqaale ahaan, waa maxay xuquuqahayga iyo waajibaadkaygu?

Sida waafaqsan sharciga Giriiga, dadka magangalyo doonka ah waxay leeyihiin xuquuq shaqo iyo mid caymis oo la mid ah ta muwaadiniinta Giriiga. Kuwani waxay khuseeyaan mushaharka aasaasiga ah, lacagaha kaalmada qoyska, saacadaha shaqada, waqtiga shaqo ee dheeraadka ah, fasaxa sannadlaha ah, mushaharka ugu yar ee shaqada, shaqo ku tababarashada iyo tababarada, dhaawaca shaqada, hooyonimada, jirrooyinka, shaqo la’aanta iyo lacagaha hawlgabka.

Mararka qaar leesin khaas ah ama waraaqo dheeraad ah ayaa lagama maarmaan u ah shaqooyin nooc gaara ah. Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad ka shaqeyso dukaanka hubiya heerarka nadaafadda, sida maqaayadaha, meelaha cuntada, maqaaxiyaha shaaha, waxaa lagaa rabaa inaad haysato shahaado caafimaad iyo ruqsad shaqo oo gaar ah oo ay bixiso waaxda boolisku. Waxaad macluumaad gaar ah oo arrintan ku saabsan ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Miyaan u baahanahay inaan canshuur bixiyo haddii aan ka shaqeeyo Giriiga?

Haddii aad ka shaqaysid Giriiga, waa inaad soo gudbisaa canshuurta dakhliga ee sanadlaha ah, ‘dilosi eisodimatos’ ee sannadkii hore. Waxaad u soo gudbin kartaa xafiiska canshuuraha ee ugu dhow meesha aad ku nooshahay. Haddii aad ka diiwaan gashan tahay TAXINET (nidaamka canshuuraha Giriiga ee internetka), waxaad dhanka khadka kala macaamili kartaa maamulka cashuuraha. Macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga waxaa laga heli karaa halkan.

Ogsoonoow in soo gudbinta bayaanada cashuuraha ee Giriigu u baahan karto kaalmo aad ka hesho qof nidaamka waxa ka yaqaan oo waxaad kaalmo weydiisan kartaa NGO Giriig ah ama xisaabiye shaqada yaqaan.

  • Sidee baan Giriiga uga furtaa xisaab bangi?

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato xisaab bangi si aad u bixiso mushaharkaaga. Haddii aadan lahayn akoon, waxaad furan kartaa xisaab bangi adiga oo dukumeentiyada soo socda la tagaya bangi.

  • “Kaarkaaaga codsadaha ilaalinta caalamiga ah” ama “kaarkaaga magangalyo-doonka” oo asal ah iyo nuqul aad ka soo sameysay;
  • Caddeynta ciwaankaaga hadda;
  • Shahaado caddaynaysa shaqadaada, oo ay soo saartay ciddaad u shaqeyso, iyo nuqul heshiiskaaga shaqada ah;
  • Nuqul ka mid ah dukumeentiga lambarka cashuurta lagugu siiyay (ΑF);
  • Caddeynta inaad cashuurta iska bixisay (ekkatharistiko eforias) ama bayaan rasmi ah oo aad ku sheegayso in aadan Giriiga ku gudbin cashuur celiska dakhliga.

Ogsoonoow in waxa dadku kala kulmaan bangi xisaab ka furashada Giriiga dadku ku kala duwan yihiin. Bangiyada qaar ayaa kuwa kale ka kaalmeyn badan. Waxaad ka fekeri kartaa inaad qof saaxiibkaa ah ama NGO Giriig ah ka dalbato kaalmo.

Ma is diiwaangelin karaa anigoo bilaa shaqo ah?

Haddii aad shaqo la’aan tahay oo aad shaqo raadinayso, waxaad xaq u leedahay in lagaa diiwaangeliyo Diiwaanka OAED, “Hay’adda Cududa Shaqaalaha” ee Wasaaradda Shaqaalaha. Haddii aad is diiwaangeliso, waxaad ka faa’iideysan kartaa adeegyada OAED, sida in laguu soo gudbiyo boosaska shaqada ee bannaan ee ku habboon aqoontaada iyo waxyaabaha aad xiiseyso iyo inaad hesho wargeyska shaqo la’aanta. Waxa kale oo aad heli kartaa adeegyo iyo talooyin ay ka mid yihiin diiwaangelinta CV-ga, diyaarinta qorshe hawleed shakhsi ah, fursadaha ka qayb qaadashada shaqada ama barnaamijyada tababarka xirfadeed. Waxa kale oo aad heli kartaa adeegyo kale, kuwaas oo ku xiran meesha aad joogto. Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Giriiga ka heli kartaa halkan.

Ogsoonow in xafiisyo OAED ay ku yaalliin dhammaan gobollada Giriiga. Waxaad xafiiska aaggaaga heli kartaa adigoo weydiinaya dadka xaafaddaada, ama waxaad ka heli kartaa goobaha Giriiga halkan.

Si aad u hesho wargeyska shaqo la’aanta, waxaad u baahan tahay inaad keento waxyaabaha soo socda:

  • Nuqul “Kaarkaaaga codsadaha ilaalinta caalamiga ah” ama “kaarkaaga magangalyo-doonka” oo ansax ah;
  • Lambarka AMKA;
  • Caddeynta inaad cashuurta iska bixisay (ekkatharistiko eforias) ama bayaan rasmi ah oo aad ku sheegayso in aadan Giriiga ku dhex gudbin cashuur celiska dakhliga;
  • Biil koronto ama heshiiska kirada guriga si aad ugu caddeyso ciwaankaaga;
  • Dukumeenti kasta oo kale oo ay OAED u tixgelin karto inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta in aad bilaa shaqo tahay.

Haddii aan ahay ilmo yar xaq ma u leeyahay inaan si sharci ah u shaqeeyo?

Haddii aad jirto 15 sannadood iyo wixii ka weyn, oo aad ogolaansho ka haysato waalidkaa, cidda ku siisa daryeelka waalidnimo, ama cidda si sharci ah kaaga masuulka ah, sifo sharci ah ayaa lagaaga shaaaleysiin karaa Giriiga.

Marka aadan ogolaansho haysan, maxkamadaha Giriigu waxay go’aamin karaan inay ku siiyaan ogolaansho shaqo, markaad codsato.

Waxaa jira xeerar gaar ah oo loogu talagalay in lagugu ilaaliyo madaama aad qof yar tahay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tan waxaad ka heli kartaa halkan.

Shaqada caruurta ka yar 15 sano waa mamnuuc marka laga reebo shaqada farshaxanka ama hawlaha ganacsiga sida xayaysiinta, tiyaatarka ama shineemooyinka kuwaasina waxay ay suurtogal yihiin keliya marka xaalado gaar ah la helo.

Miyaan cabasho ka gudbin karaa sida la iila dhaqmo?

Haddii aad dhibaato kala kulanto goobtaada shaqada, ama aad rabto in laguu sheego xuquuqdaada, ama aad rabto inaad gudbiso cabasho ka dhan ah shaqo-bixiyahaaga oo aad xal raadiso, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska degaanka ee Kormeerka Shaqaalaha (SEPE). SEPE waa nidaamka Wasaaradda Shaqadu ku xakamayso in shuruucda shaqaalaha ee Giriigga si sax ah loo dhaangeliyo. Waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda shaqada iyo badbaadada iyo caafimaadka shaqaalaha.

SEPE waxay awood u leedahay inay baarto shaqooyinka aan la soo sheegin waxayna sidoo kale leedahay door ay kaga war keento, kaga tala bixiso oo kaga hortagto ku xadgudubka sharciga shaqada. Waxay koobtaa dhammaan dhulalka Giriiga iyadoo bixisa shebekad adeeg goboleed.

Xafiiska kuugu dhow ee SEPE waxaad heli kartaa adigoo dadka waydiinaya ama ka raadinaya halkan. Ogsoonow in macluumaadka lagu bixiyay linkiga uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Miyaan xaq u leeyahay inaan ka shaqeeyo Giriigga?

Haa. Haddii aad tahay qof qaxooti ah oo la aqoonsan yahay ama qof helay ilaalin hoosaad oo aad haysato rukhsad degenaansho ansax ah, waxaad (shaqada) ku heli kartaa si la mid ah shuruudaha muwaadiniinta Giriigu ku helaan:

shaqo mushahar leh;

bixinta adeegyo ama shaqo;

qabasashada hawl dhaqaale madax-bannaan.

Xubnaha qoyskaaga waxay leeyihiin xuquuq la mid ah taada, marka ay helaan rukhsadda deganaanshaha shaqeynaysa.

Ogsoonow si aad sifo sharci ah ugu shaqo gasho, rukhsadaada deganaanshubu waa inay ahaataa mid ansax ah, sidaa darteed ha ilaawin inaad cusbooneysiiso ruqsadda deganaanshahaaga markay dhacdo.

Ma u baahanahay ogolaansho shaqo?

Maya. “Ruqsadda shaqada” horey ayay shuruud ugu ahayd in magangalyo-doonku Giriiga shaqo ka helaan balse hadda waa la joojiyay.

Ogsoonow in shaqo-bixiyeyaasha iyo xisaabiyeyaashu aanay had iyo jeer ka warqabin dhammaan shuruucda jirta. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad wax caddayso, tixraacdo qayb khaas ah oo sharciga ka tirsan, ama aad kaalmo ka codsato NGO ku sugan goobtaada si aad kiiskaaga ugala hadasho cidda aad u shaqeynayso iyo xisaabiyeyaasha.

Maxay yihiin shuruudaha loo baahan yahay si sifo sharci ah looga shaqeeyo Giriiga?

Si aad si sharci ah ugu shaqeyso, waa inaad haysataa lambarka canshuurta (AFM) iyo lambarka amniga bulshada (AMKA).

Sidee baan u helaa Lambarka Cashuurta (AFM)?

Si aad u hesho lambarka canshuurta ee Giriiga, waa inaad booqataa xafiiska canshuurta (DOY) ee meesha aad degantahay. Waxaad xafiiskaaga canshuurta k heli kartaa (DOY)  halkan  https://www.aade.gr/eyretirio-horikis-armodiotitas-ton-doy . Ogsoonow in macluumaadka ku jira linkigani uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Xafiiska canshuurta (DOY) markaad tagto waa inaad soo bandhigtaa dokumentiyada soo socda:

  • Foomka M1 oo aad buuxisay,l; foomamka M1 waxaa laga heli karaa xafiisyada canshuurta ama waxaa laga soo dejin karaa halkan https://www.aade.gr/sites/default/files/2017-01/M1.pdf
  • Rukhsadaada degenaanshaha oo asal ah iyo nuqul aad ka soo sameysay.
  • Caddeynta meesha aad degan tahay (Heshiiska kirada guriga/Biilka biyaha ama korontada oo magacaaga lagu soo saaray iwm.) haddii kaadhkaaga magangelyo doonku aanu tilmaameyn cinwaankaaga hadda.

Ogsoonow in lambarka canshuurtu uu lagama maarmaan u yahay dhammaan macaamilada adeegyada dadweynaha, si aad hoy u kireysato/ u iibsato guri/abaarman, si aad u iibsato baabuur ama mooto iyo guud ahaan, wuxu fududeeyaa dhammaan macaamilada adeegyada la baxsho.

Sidee baan u caddeeyaa meesha aan deganahay?

Haddii meesha aad degantahay ay ka duwantahay midka ku qoran rukhsadaada degenaanshaha, ama haddii rukhsadaady aanay sheegeyn cinwaankaaga, waxaad codsi u gudbin kartaa Adeega Magangalyada, si aad u sheegto ciwaankaaga oo aad u hesho shahaado aad u gudbiso xafiiska canshuuraha.

Hadii aad haysato kaadhka magangelyo doonka kaas oo leh shaabadda “RUKHSAD DEGENAANSHO SOO SAARISTIISA LA SUGAYO”, waa muhiim in cinwaankaaga lagu kor muujiyo kaadhka.  Haddii kale, waxaad heli kartaa shahaadada ay bixiyaan Adeegga Magangalyda sida kor ku sharraxan.  Marka aad hesho rukhsadaada degenaanshaha, waxaad u baahan tahay inaad mar labaad tagto xafiiska canshuuraha si aad u cusboonaysiiso tafaasiishaada shakhsiga ah. Hoos ka eeg talo ku saabsan sida tafaasishaada loo cusboobeysiiyo.

Haddii aad ku nooshahay “xarun hoy furan” ama goob, guri ama xarun soo dhaweyn oo NGO ama qolo kale maamusho (sida degmada), waxaad hay’adda maamusha hoygaaga ka codsan kartaa waraaq aad cinwaankaaga ku caddeyso.

Haddii qof Giriig ah ama qof kale oo soo galooti ah ama qaxooti ahi ku martigeliyay, waxaad u baahan tahay inaad soo gudbiso caddeyn rasmi ah, oo qoran oo dadkaasi ku sheegayaan inay ku martigelinayaan. Tan waa inay la socotaa lambarkooda canshuurta iyo saxeexooda oo laga soo caddeeyay Xarunta Muwaadiniinta ama KEP. Intaa waxaa dheer, waxaad u baahan doontaa caddayn muujinaysa inay yihiin milkiilaha ama kiraystaha cinwaanka, sida waraaqda kirada, heshiiska guriga ama nuqul ka mid ah biilka korontada ama biyaha.

Ka dhig tafaasiishaada kuwo mar walba cusboon!

Diiwaangelinta koowaad ee AFM iyo haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo dheeraad ah oo ku yimaada macluumaadkaaga shakhsiyeed, waxaa lagaa codsan doonaa inaad dhameystirto codsiga. Foomka ay tahay inaad buuxiso waxaad ka heli kartaa halkan isagoo luuqadda Giriiga ku qoran. Waxaad u baahan kartaa inaad codsato kaalmo, si foomku kuugu diyaar noqdo marka aad xafiiska cashuuraha tegayso.

Haddii aad leedahay cinwaan iimayl, waxaad iska diiwaan gelin kartaa nidaamka canshuurta ee internetka ee Giriiga “TAXISNET” kaas oo kuu suurtogelin doona inaad dhanka internetka macaamil ganacsi kala sameyso maamulka canshuuraha. Waxaad macluumaad ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Haddii uu wax isbedel ah ku yimi cinwaankaaga, waxaad u baahan tahay inaad tagto xafiiska canshuuraha ee ugu dhow meesha aad degtay ee cusub, oo u gudbiso caddeynta cinwaankaaga cusub oo tafaasiisha shaqsiiyeedna la cusbooneysiiso xafiiska canshuuraha. Haddii aad horey uga diiwaangashanayd TAXISNET, isbedselka waxaad ka xaqiijin kartaa dhanka khadka.

Haddii aad haysato lambarka cashuurta oo aad ku qaadatay magangalyo-doon ahaan oo hadda lagu siiyay qaxoontinimo ama ilaalin hoosaad, waa inaad tagtaa xafiiska cashuuraha si aad u cusbooneysiiso tafaasiishaada shaqsiga ah, adiga oo sheegaya lambarka rukhsadaada degenaanshaha soona gudbinaya nuqul aad ka sameysay.

Sidee baan u helaa Lambarka Aminga Bulshada (AMKA)?

Waa inaad haysataa Lambarka Amniga Bulshada (AMKA) si aad sifo sharci ah uga shaqeyso Giriiga. Waxaad kale oo u baahan tahay AMKA si laguu caymiyo oo aad uga faa’iideysato shuruucda Amniga Bulshada ee dhaawacyada kaa soo gaara shaqada, hooyonimada, jirrooyinka, naafonimada, shaqo la’aanta iyo masuuliyadaha qoyska.

AMKA-gaagu wuxu ilaaliya xuquuqahaaga la xiriira shaqada iyo lacagaha hawlgabka wuxu sidoo kale sahlaa helitaanka adeegyada cusbitaalka iyo farmeesiga. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan AMKA waxaad ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka ku jira linkiga uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Codsiga AMKA waxaad ka gudbisan kartaa xafiiska Wakaaladda Amniga Bulshada ee AMKA, ama Xarunta Adeega Muwaadiniinta (KEP-ΚΕΠ). Ogsoonow in macluumaadka linkiga ku jira uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Marka aad soo gudbiso codsiga, waxaad u baahan tahay inaad soo bandhigto “rukhsadaada degenaanshaha” iyo caddaynta ciwaankaaga

Ogsoonoow in waxyaabaha dadku kala kulmaan codsashada AMKA dadku ku kala duwan yihiin. Meelaha qaar AMKA si degdeg ah baa loo siiyaa qaxoontiga, meelo kalena maamulku waxay codsadaan waraaqo dheeraad ah. Haddii aad dhibaato la kulanto, waxaad kaalmo ka codsan kartaa NGO degaankaaga ku yaal.

Talaabooyinka:

– Ballan ka qabso Xarunta Adeegga Muwaadiniinta (KEP ee Giriigga) ama xafiiska AMKA (liiska waxa laga heli karaa (https://www.amka.gr/pdf/AMKA_Grafeia.pdf)​

– U soo qaado dukumiintiyada loo baahan yahay ballanta si aad u soo gudbiso codsiga ku habboon.​

Marka aad soo gudbiso codsiga, waxaad u baahan tahay inaad soo bandhigto “rukhsadaada degenaanshaha” iyo caddaynta ciwaankaaga.

Fadlan ogoow in PAAYPA -gaaga (lambarka amniga bulshada ee magangelyo doonka) la joojin doono 30 maalmood kadib marka aad hesho rukhsadda degenaanshaha.

Shaqaale ahaan, waa maxay xuquuqahayga iyo waajibaadkaygu?

Sida waafaqsan sharciga Giriiga, qaxoontigu waxay leeyihiin xuquuq shaqo iyo mid caymis oo la mid ah ta muwaadiniinta Giriiga. Kuwani waxay khuseeyaan mushaharka aasaasiga ah, lacagaha kaalmada qoyska, saacadaha shaqada, waqtiga shaqo ee dheeraadka ah, fasaxa sannadlaha ah, mushaharka ugu yar ee shaqada, shaqo ku tababarashada iyo tababarada, dhaawaca shaqada, hooyonimada, jirrooyinka, shaqo la’aanta iyo lacagaha hawlgabka.

Mararka qaar shati khaas ah ama waraaqo dheeraad ah ayaa lagama maarmaan u ah shaqooyin nooc gaara ah. Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad ka shaqeyso dukaanka hubiya heerarka nadaafadda, sida maqaayadaha, meelaha cuntada, maqaaxiyaha shaaha, waxaa lagaa rabaa inaad haysato shahaado caafimaad iyo ruqsad shaqo oo gaar ah oo ay bixiso waaxda boolisku. Waxaad macluumaad gaar ah oo arrintan ku saabsan ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Miyaan u baahanahay inaan canshuur bixiyo haddii aan ka shaqeeyo Giriiga?

Haddii aad ka shaqaysid Giriiga, waa inaad soo gudbisaa canshuurta dakhliga ee sanadlaha ah, ‘dilosi eisodimatos’ ee sannadkii hore. Waxaad u soo gudbin kartaa xafiiska canshuuraha ee ugu dhow meesha aad ku nooshahay. Haddii aad ka diiwaan gashan tahay TAXISNET (nidaamka canshuuraha Giriiga ee internetka), waxaad dhanka khadka kala macaamili kartaa maamulka cashuuraha. Macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga ayaa laga heli karaa halkan. Ogsoonoow in soo gudbinta bayaanada cashuuraha ee Giriigu u baahan karto kaalmo aad ka hesho qof nidaamka waxa ka yaqaan oo waxaad kaalmo weydiisan kartaa NGO Giriig ah ama xisaabiye shaqada yaqaan.

Sidee baan Giriiga uga furtaa xisaab bangi?

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato xisaab bangi si aad u bixiso mushaharkaaga. Haddii aadan lahayn akoon, waxaad furan kartaa xisaab bangi adiga oo dukumeentiyada soo socda la tagaya bangi.

  • Rukhsadaada degenaanshaha oo ansax ah iyo nuqul aad ka soo sameysay;
  • Caddeynta ciwaankaaga hadda;
  • Shahaado caddaynaysa shaqadaada, oo ay soo saartay ciddaad u shaqeyso, iyo nuqul heshiiskaaga shaqada ah;
  • Nuqul ka mid ah dukumeentiga lambarka cashuurta lagugu siiyay (ΑF);
  • Caddeynta inaad cashuurta iska bixisay (ekkatharistiko eforias) ama bayaan rasmi ah oo aad ku sheegayso in aadan Giriiga ku gudbin cashuur celiska dakhliga.

Ogsoonoow in waxa dadku kala kulmaan bangi xisaab ka furashada Giriiga dadku ku kala duwan yihiin. Bangiyada qaar ayaa kuwa kale ka kaalmeyn badan. Waxaad ka fekeri kartaa inaad qof saaxiibkaa ah ama NGO Giriig ah ka dalbato kaalmo.

Ma is diiwaangelin karaa anigoo bilaa shaqo ah?

Haddii aad shaqo la’aan tahay oo aad shaqo raadinayso, waxaad xaq u leedahay in lagaa diiwaangeliyo Diiwaanka OAED, “Hay’adda Cududa Shaqaalaha” ee Wasaaradda Shaqaalaha. Haddii aad is diiwaangeliso, waxaad ka faa’iideysan kartaa adeegyada OAED, sida in laguu soo gudbiyo boosaska shaqada ee bannaan ee ku habboon aqoontaada iyo waxyaabaha aad xiiseyso iyo inaad hesho wargeyska shaqo la’aanta. Waxa kale oo aad heli kartaa adeegyo iyo talooyin ay ka mid yihiin diiwaangelinta CV-ga, diyaarinta qorshe hawleed shakhsi ah, fursadaha ka qayb qaadashada shaqada ama barnaamijyada tababarka xirfadeed. Waxa kale oo aad heli kartaa adeegyo kale, kuwaas oo ku xiran meesha aad joogto. Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriigga ka heli kartaa halkan.

Ogsoonow in xafiisyo OAED ay ku yaalliin dhammaan gobollada Giriiga. Waxaad xafiiska aaggaaga heli kartaa adigoo weydiinaya dadka xaafaddaada, ama waxaad ka heli kartaa goobaha Giriigga halkan.

Si aad u hesho wargeyska shaqo la’aanta, waxaad u baahan tahay inaad keento waxyaabaha soo socda:

  • rukhsad deganaansho ansax ah;
  • Lambarka AMKA;
  • Caddeynta inaad cashuurta iska bixisay (ekkatharistiko eforias) ama bayaan rasmi ah oo aad ku sheegayso in aadan Giriiga ku dhex gudbin cashuur celiska dakhliga;
  • Biil koronto ama heshiiska kirada guriga si aad ugu caddeyso ciwaankaaga;
  • Dukumeenti kasta oo kale oo ay OAED u tixgelin karto inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta in aad bilaa shaqo tahay.

Wasaaradda Siyaasadda Socdaalka waxay ku wargelinaysaa dadka helay ilaalin caalami ah ee haysta rukhsad degenaansho shaqeynaysa (tusaale qaxoonti ama qof ilaalin hoosaad helay) in haddii ay shaqo raadsanayaan ay xaq u leeyihiin inay OAED (maamulka heer qaran ee ka masuulka ah taageerista dadka bilaa shaqada ah ee kor u qaadaya shaqaaleysiintooda) iskaga diiwaangeliyaan qof bilaa shaqa ahaan. Diiwaangelintu waxay suurtogal u tahay haweenka iyo ragga da’doodu gaadhay 18 sano iyo sidoo kale wiilasha iyo gabdhaha da’doodu gaadhay 15 sano ee aan wadin barnaamij waxbarasho oo rasmi ah.

Iska diiwaangelinta OAED waxay shuruud u tahay in dadka daneynayaa ay codsadaan ka faa’iideysashada barnaamijyada tababarada farsamada gacanta, barnaamijyada xayaysiinta shaqo-gelinta, adeegyada kale, iyo sidoo kale gunnooyinka, haddii ay ka soo baxaan shuruudaha kale ee dhaqan-gashan.

Xafiisyada OAED ee dalka oo dhan ayaa xil ka saaran yahay in nidaamka diiwaangelinta ay u sameyaan sida sharcigu waajibiyay oo dadka ka diiwaangashan ku wargeliyaan adeegyada iyo xuquuqaha ay heli karaan.

Iska diiwaangelinta OAED waxay sidoo kale suurtogal u tahay magangalyo-doonka saddex-laaban (Kaadhka Magangalyo-doonka) ee Adeega Magangalyada.

Shakhsiyaadka danaynaya ee deggan goobaha ama guryaha waxay macluumaad dheeraad ah ka raadin karaan qaybaha bixiya adeegyo la talineed ama waxay macluumaadka si toos ah uga raadsan karaan xafiisyada OED.

Haddii aan ahay ilmo yar xaq ma u leeyahay inaan si sharci ah u shaqeeyo?

Haddii aad jirto 15 sannadood iyo wixii ka weyn, oo aad ogolaansho ka haysato waalidkaa, cidda ku siisa daryeelka waalidnimo, ama cidda si sharci ah kaaga masuulka ah, sifo sharci ah ayaa lagaaga shaaaleysiin karaa Giriiga.

Marka aadan ogolaansho haysan, maxkamadaha Giriigu waxay go’aamin karaan inay ku siiyaan ogolaansho shaqo, markaad codsato.

Waxaa jira xeerar gaar ah oo loogu talagalay in lagugu ilaaliyo madaama aad qof yar tahay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arintan waxaad ka heli kartaa halkan.

Shaqada caruurta ka yar 15 sano waa mamnuuc marka laga reebo shaqada farshaxanka ama hawlaha ganacsiga sida xayaysiinta, tiyaatarka ama shineemooyinka kuwaasina waxay ay suurtogal yihiin keliya marka xaalado gaar ah la helo.

Ganacsi ii gaar ah miyaan ka bilaabi karaa Giriiga?

Haa, haddii aad tahay qaxooti ama qof helay ilaalin hoosaad, waxaad xaq u leedahay inaad sameysatid shirkado ganacsi iyo warshado ama aad u shaqeysatid xirfadle xora ahaan. Xirfad kasta waxay leedahay shuruudo u gaar ah. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato in dibloomadaada laga aqoonsado Giriigga waxaadna sidaas ka sameyn kartaa haayadaha soo socda.

Ururka Qaran ee Aqoonsiga Shahaadooyinka iyo Hanuuninta Xirfadlaha (.P.P..P.). Ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriga halkan.

Ururka Aqoonsiga Qaybaha Kala-duwan ee Heerarka Waxbarashada iyo Macluumaadka Kale. Ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Girigga halkan.

Haddii aad rabto inaad samaysatid ganacsi waxaad u baahan tahay inaad si hordhac ah uga diiwaangeliso Ururka Caymiska Shaqaalaha Iskood-u-shaqeysta (OAEE) iyo “Rugta”. Giriigu Rugo kala duwan ayuu u leeyahay warshadaha iyo ganacsiga, tijaarta, warshadaha yaryar iyo dhexe iyo kuwa kaleba. Rugta kugu habboon waxaad ka heli kartaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka lagu bixiyay linkiga uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Ugu dambeyntii waxaad u baahan tahay inaad Xafiiska Cashuuraha u soo gudbiso foomamka looga baahan yahay ganacsi bilaabista.

Ogsoonow inaad u baahan tahay talo gaar ah iyo hagid si aad tan u sameyso. La-taliyaha shaqaalaha ee xafiiska OAED, NGO, xisaabiye xirfadle ah ama qareen ayaa tan kaalmo kaa siin kara.