Diiwaangelinta Dhalashada

Haddii ilmahaagu uu Giriigga ku dhashay, waxa lagaa rabaa inaad dhalashada ilmaha u soo gudbiso xafiiska diiwaangelinta ee dawladda hoose ee ugu dhow halka ilmahaagu ku dhashay.

Waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso dukumiintiyada soo socda xafiiska diiwaangelinta:

‘Caddeynta dhalashada’ ee ay soo saartay qaybta diiwaangelinta isbitaalka ama goobta caafimaad ee dhalashadu ka dhacday. Caadi ahaan, caddaynta dhalashada waxaa si toos ah looga diraa isbitaalka loona diraa xafiiska diiwaangelinta ee aagga, si uu xafiiska diiwaangelintu shahaadooyinka dhalashada ugu soo saaro hab muddeysan. Ogsoonoow inay muhiim inaad magacaaga u sheegto qaabka uu ugu qoran yahay dukumeentiyadaada sharciyeed. Nasiib darro, waxa mararka qaarkood dhacda in qalaad higaadeed iyo kuwo lambareed ku qormaan dukumeentiyada rasmiga ah. Haddii ay taasi dhacdo, nidaamka sixiddu isna waa mid aad u kakan. Hadii khaladku fududyahay, sixitaanka waxaa lagu samayn karaa amarka Xeer-ilaaliyaha Guud. Haddii qaladku weyn yahay, sida in wax ka badan hal xaraf ama lambar khaldan yahay, waxa loo baahan yahay in lagu saxo go’aan maxkamadeed taas oo ah nidaam waqti lumis ah oo u baahan kaalmo sharciyeed.

Oggolaanshaha degenaanshaha waalidka ama kaararka magangelyo doonka. Waxaad u baahan tahay inaad keento kuwa asalka ah iyo inaad gudbiso nuqullo;

Lambarada cashuurta iyo ammaanka bulshada (AFM iyo AMKA); ama bayaan sheegaya inaadan hayn lambaradaas;

Shahaadada xaaladda qoyska ama shahaadada guurka, haddii la heli karo.

Qaxootiga iyo magangalyo doonka, dhalasho soo sheegista waxaa ku jira oo laga rabaa tafaasiisha rukhsadda degenaanshaha waalidiinta ama kaadhadhka magangelyo doonka.

Haddii aabaha ilmuhu aanu joogin Giriigga muddada dhalashada, caadiyan, tafaasiishiisa lagama rabo in la soo raaciyo caddeynta dhalashada waxana ilmaha loo tixgeliyaa inaanu meher ku dhalan, illaa iyadoo shahaado guur oo rasmi ah la keeno maahane. Xaaladdan oo kale, taasiisha iyo dukumiintiyada keliya ee loo baahan yahay waa kuwa hooyada. Xaaladahan oo kale, magaca aabaha dib ayaa lagaga soo dari karaa, ka dib marka iyadoo la metelayo aabaha si ikhtiyaari ah loogu qiro.

Diiwaangelinta dhalashada waxaa la dhammeystiraa kaliya ka dib marka xafiiska diiwaangalintu soo saaro shahaadada dhalashada.

Sidee iyo goorma ayaan dhalashada diiwaangashaa?

Sida waafaqsan sharciga, dhammaan caruurta ku dhasha Giriiga waa in lagu diiwaangaliyaa 10 maalmood gudahood oo ka bilaabmeysa marka ilmuhu dhasho. Haddii ay diiwaangalintu dib u dhacdo, waxa laga yaabaa inaad bixiso ganaaxa soo socda. Dhalashada la diiwaangaliyo inta u dhexaysa maalmaha 11aad illaa 100aad, waxa laga rabaa €100 oo ganaax ah. Dhalashada la diiwaangaliyo ka dib maalinta 100aad, ganaaxu wuu kordhayaa oo wuxu noqonayaa €300.

Yaa dhalashada ilmaha diiwaangalin kara?

Labada waalid ayaa diiwaan gelin kara dhalashada ilmaha. Intaa waxaa dheer, dhakhtarka, ummulisada ama qof kale oo joogay dhalashada ayaa sidoo kale diiwaangalin kara dhalashada ilmaha.

Nuqullada rasmiga ah ee shahaadada dhalashada:

Ka dib marka dhalashada ilmaha uu diiwaan geliyo sarkaalka diiwaangalintu, waxa la soo saaraa shahaadada dhalashada oo ay ku qoran yihiin magaca iyo jinsiga ilmaha, iyo taariikhda iyo goobta uu ku dhashay. Nuqul ka mid ah shahaadada dhalashada ayaa laga heli karaa KEP kasta.

Diiwaangalinta magaca ilmaha:

Waxa xusid mudan in labada waalidba laga rabo inay joogaan si ay u sheegaan magaca ilmaha; haddii kale midkood ayaa ka kale fasixi kara isagoo adeegsanaya ogolaansho sharci ah ama awoodda xeer-ilaalinta. Haddii uu aabuhu dal kale joogo, wuxuu hooyada u diri karaa oggolaansho rasmi ah si ay u sheegto magaca ilmaha.

Halkan Giriiga waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Diiwaangalinta Dhalashada, oo ay ku jiraan su’aalaha iyo jawaabaha badanaa lala kulmo kuwaas oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha.