Diiwaangalinta Dhimashada

Haddii qof ka mid ah qoyskaagu uu dhinto, waxaa lagaa rabaa inaad dhimashada u soo sheegto xafiiska diiwaanka ee kuugu dhow ee ku yaal degmada dhimashadu ka dhacday ama halka aasku ka dhici doono. Waa inaad tan ku sameysaa 24 saacadood gudahood ka dib marka dhacdu dhacday.

Haddii dhimashada dhacdo inta lagu jiro safar tareen, baabuur ama diyaarad, soo gudbinta dhimashada waa in laga sameeyo goobta lagu degay ama gaadiidka lagaga degay.

Haddii dhimashada ay ka dhacdo safar doon ah, waa inaad u sheegtaa kabtanka, isaga oo soo saari doona shahaado loo bixiyo si loo saaro waraaqda Fal Dhimasho oo diiwaansan. Nuqul shahaadadan ah ayuu maamulka dekaddu ka soo dirayaa halka ugu horeysa ee doonta lagaga degay una dirayaa Xafiiska Diiwaanka ee Maamulka Dekedda.

Haddii dhimashadu ka dhalatay markab degay, qaraabada marxuumku waxay go’aansan karaan in maydka waddankoodii loogu celiyo ama loo wareejiyo waddan saddexaad, haddii ay suurtogal tahay. Masuuliyiinta Degmada ama Gobolka sida Dawladda Hoose ama Xafiiska Badhasaabka, ayaa ku shuqul leh xiriirinta hawsha iyo inay qaraabada macluumaad ka siiyaan ikhtiyaarada ay haystaan iyo waqtiga hawshu qaadaneyso.

Masuuliyadda bixinta tafaasiisha diiwaangalinta dhimashada waxa leh:

  • xigtada marxuumka ee ugu dhow;
  • qof kasta oo saddexaad oo dhimashada joogay; ama
  • xafiiska aaska.

Si aad u sheegto dhimashada oo u hesho shahaadada dhimashada, waa inaad soo gudbisaa dukumeentiyada soo socda.

  • Shahaado caafimaad oo ku saabsan sababta dhimashada, oo laga soo saaray dhakhtar caddaynaya. Haddii sababta dhimashada ay tahay midaan la garanayn, lama filaan ah ama aan la sharraxi karin, waa in baaritaan dhimashada ka dib ah la sameeyo. Haddii ay dhacdo in qaraabada qoysku diidaan in meydka qalliin baaris ah lagu sameeyo iyagoo ku saleynaya sababo diimeed, amar xeer ilaalinta guud ka soo baxay ayaa la rabaa;
  • Dukumeentiga aqoonsiga ee qofka dhimashada soo sheegay;
  • Dukumeentiga aqoonsiga qofka dhintay;
  • Lambarada canshuurta iyo amniga bulshada (AFM iyo AMKA) ee qofka dhintay, haddii la heli karo.

Shahaadada dhimashada waxaa ku qoran meesha, waqtiga iyo taariikhda dhimashada; waxaad u baahan tahay inaad hesho shahaadada dhimashada si aad u sii wadato hawlaha aaska.

Waxaad ka heli kartaa ciwaanada Xafiisyada Diiwaangalinta ee dalka halkan iyagoo ku qoran luuqadda Giriiga, oo ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxa kale oo aad halkan ka heli kartaa su’aalaha iyo jawaabaha inta badan lays weydiiyo oo ku qoran luuqadda Giriiga.

Yaa bixinaya kharashka aaska?

Kharashka aaska waxaa badanaa bixiya qaraabada dhow ama qof saaxiib la ah qofka dhintay. Si kastaba ha noqotee, kharashkaas baxay waxa qofka u soo celin kara haayadda amni ee qofka dhintay xiriirka la lahaa.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in kharashka aaska ee muwaadiniinta waddan saddexaad ay mar kasta bixinayaan Maamulada Deegaanka ama Gobolka, ka dib marka la helo go’aankooda lacagta loogu qoondeeyo baahiyaha degdegga ah. Tani dhab ahaantii waxay ficil ahaan uga dhacday jasiiradaha.

Sidaa daraadeed, Maamulada Degmada iyo Gobolka ay dhimashadu ka dhacday ayaa had iyo jeer degdeg loola xiriiraa dhimashada ka dib, si ay qayb uga noqdaan isku-duwista hawlaha iyo inay siiyaan macluumaad qaraabada qofka dhintay, iyo mararka qaar macluumaad ku saabsan bixinta kharashka aaska.

Aaska meydad aan la aqoonsan

Haddii maydka lagu aqoonsani kari waayo muddo 40 beri ah, kharashka aaska waxa bixinaya Wasaaradda Caddaaladda.

Aaska dadka saboolka ah (waxba aan haysan)

Kharashka aaska dadka saboolka ah ama aan waxba haysan waxa bixin kara Dawladda Hoose ee deegaanka, iyadoo la raacaayo go’aan ka yimi Golaha Deegaanka. Xaaladdan oo kale, waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso caddaynta dhimashada Xeer Ilaaliyaha Guud ee degaanka kaas oo amar ku bixin kara in kharashka ay bixiso Dawladda Hoose. Intaa waxaa dheer, waxa dawladda hoose u qoondeyn kartaa xabaal bilaash ah oo laga siinayo qabuuraha dawladda hoose, si waafaqsan qodobada sharciga oo lala akhrinayo Xeerka Qabuuraha Dawladda Hoose.

Kharashka aaska dadka saboolka ah waxa sidoo kale bixin kara Maamulka Gobolka, ka dib marka la helo go’aanka ku habboon, haddii lacag kaalmo ah oo loogu talagalay dadka saboolka ah miisaaniyadda lagu hayo.

U wareejinta maydka waddanka uu ka soo jeedo ama waddan kale

Wareejinta waxaa sameeya shirkadaha aaska ee gaarka loo leeyahay. Xaaladdan oo kale, kharashka waxaa daboolaaya qoyska qofka dhintay. Qunsuliyada/Safaaradda ku habboon kiiska ayaa sidoo kale ka qayb qaadan karta bixinta qayb ama dhammaan kharashka haddii qaraabada qofka dhintay aanay cabsi ka muujin u tagista Safaaradda.

Masuuliyiinta Giriigu waxay keliya hawsha ku leeyihiin bixinta macluumaadka ku saabsan doorka shirkadaha aaska ee gaarka loo leeyahay.