Macluumaadka loogu talagalay ka-faa’iideystayaasha ee ururinta iyo habaynta xogtooda shakhsi ahaaneed ee UNHCR ka

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) waa hay’ad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah, oo waajibaadkeedu yahay in ay daryeesho ilaalinta iyo xallinta qaxootiga adduunka oo dhan. UNHCR ku waxay si dhow ula shaqaysaa Dawladaha qaabilaya qaxootiga.  Doorka UNHCR ku waa uu ku kala duwan yahay xaalad kasta.  UNHCR ka Giriigu ma qabto nidaamka diiwaangelinta rasmiga ah, ma bixiso dukumentiyada aqoonsiga mana baarto codsiyada magangalyada.  Dawlada Giriiga ayaa leh awooda kalida ah si ay u qabato nidaamkan.  Marka la eego qaab dhismeedka sharciga ah ee lagu dabaqi karo Maamulada Giriiga waxay ururiyaan oo habeeyaan xogtaada shakhsi ahaaneed.


Markaad lala wadaagayo macluumaadka shakhsiyeed UNHCR ka (magaca, magaca qoyska, dhalashada, taariikhda dhalashada, goobta dhalashada, xubnaha qoyska, ciwaanka, iwm), oo ay ku jiraan macluumaadka xasaasiga ah sida xaalad caafimaad, jinsiyada/sinjiga, diinta, sababaha duulimaadka, xadgudubyada xuquuqda aadamaha, waa inaad ka war qabtaa sida ay UNHCR ku u maamuli doonto xogta shakhsiyeed iyo waxa ay yihiin xuquuqahaaga iyo waajibaadkaagu.

UNHCR ku waxa ay ururin kartaa oo ay isticmaali kartaa (‘habka’) xogtaada shakhsi ahaaneed iyada oo ku saleysan ogolaanshahaaga, si ay u fuliso waajibaadkeeda bini’aadantinimo, ama, xaalado gaar ah, si ay u ilaaliso danahaaga muhiimka ah, badbaadadaada iyo amnigaaga ama dadka kale  ‘ badbaadadooda iyo amnigooda.    

Giriiga dhexdiisa, ujeedada gaarka ah ee lagu waydiin doono inaad siiso xogtaada khaaska ah UNHCR ka, waa si ay  UNHCR ku u awoodo inay ku siiso caawimo ilaa xadka awoodeeda ah, iyadoo la kaashanaysa wakaaladaha ay shuraakada yihiin.

Caawimadan noocan oo kale ah waxa ay ka koobnaan kartaa la-talin;  gudbin;  ka mid noqoshada barnaamijyada la heli karo ee ku xidhan soo dhawaynta iyo isdhexgalka.  Carruurta iyo kooxaha kale ee nugul waxay sidoo kale ka faa’iideysan karaan noocyada kale ee gargaarka, sida taageerada iyo faragelinta UNHCR si ay u helaan adeegyada ama faa’iidooyinka Gobolka ee gaarka ah.  


Shaqaalaha UNHCR ka ayaa ku ogeysiin doona waxa aad si macquul ah uga filan karto UNHCR ku in ay ku sameyso kiiskaaga. 

Waa inaad ogaataa in dhammaan xogta shakhsi ahaaneed ee aad bixiso hadda iyo mustaqbalkaba loo kaydin doono sir ahaan.  Taas macneheedu waxa weeye in xogtaada ay si amaan ah ay u kaydisay UNHCR ku oo ay heli karaan oo keliya asxaabta wada shaqaysa ee UNHCR ka ee u baahan inay ogaadaan ujeeddo gaar ah oo ku xidhan kiiskaaga. UNHCR waxa laga yaabaa in ay dib ula wadaagto xogtaada nololeed ee gaarka ah masuuliyiinta Gobolka martida loo yahay, Giriiga, haddii loo baahdo, iyada oo ku xidhan ujeedada laga codsaday.  Xogtaada gaarka ah waxa kale oo lala wadaagi karaa Hay’adaha wada shaqaynta leh ee UNHCR, ujeedooyinka kor lagu sharaxay darood.  Wakaaladaha wada shaqaynta la leh waxa ay ku xidhan yihiin sharciga ilaalinta xogaha, halka ay sidoo kale u hogaansamaan Siyaasada Ilaalinta Xogaha  ee UNHCR ka, sidaa awgeed xogtaada shakhsi ahaaneed waxa ay ahaan doontaa mid la ilaaliyo oo loola dhaqmo si qarsoodi ah.  UNHCR la wadaagi mayso xogtaada khaaska ah maamualada  wadanka aad u dhalatay, xogtada shakhsiyeedna looma shaacin doono cid saddexaad ilaa ogolaansho lagaa helo.


 Had iyo jeer bixi xog sax ah.  Waa muhiim inaad bixiso macluumaad sax ah oo dhamaystiran.  Iyada oo ku xidhan ujeedada gaarka ah ee kiiskaaga, waxa kale oo aad u baahan kartaa in aad UNHCR la socodsiiso isbedelada xaaladaada shakhsi ahaaneed (tusaale ka koobnaanta qoyska).  Diidmada ama ku guuldaraysiga bixinta macluumaadka shakhsiyeed ee la codsaday waxay keeni kartaa in UNHCR iyo/ama Hay’adaha Iskaashiga la leh  ay awoodi waayaan inay ku caawiyaan.

 Waa inaad ogaataa inaad leedahay xuquuq gaar ah oo ku saabsan xogtaada shaqsiyeed:

 ☼          HELITAANKA: Waxaad xaq u leedahay inaad codsato hesho xogtaada shakhsi ahaaneed ee ay UNHCRku diiwaangelisay.

 ☼          SAXITAAN IYO TIRTIRITAAN: Waxaad xaq u leedahay inaad saxdo ama tirtirto xogta shakhsiyeed ee khaldan, aan dhammayska-tirnayn, aan loo baahnayn ama xad dhaafka ah, waase haddii aad keento caddayn la xidhiidha khaladka ama dhammaystirnaan la’aanta.

 ☼         DIIDMADA: Waxa aad xaq u leedahay in aad diiddo habbaynta xogtaada gaarka ah sababo la xidhiidha xaaladdaada gaarka ah.

 Si aad u samayso codsiga mawduuca xogta ama su’aal u waydiiso, fadlan ku soo dir iimayl [email protected].