Macluumaad Loogu Talagay Dadka Giriigga Dhowaan Soo Galay


Haddii aad marayso nidaamka soo dhaweynta iyo aqoonsiga (Lesvos, Chios, Samos, Kos, Leros, Evros)

1- Caafimaadkaaga iyo caafimaadka dadka kale dartood, markaad Giriigga ka soo gasho xarumaha soo dhaweynta iyo aqoonsiga waxa lagaa baari doonaa COVID-19 waana inaad karantiil ku jirta maalmo, si waafaqsan awaamiirta maamulka Caafimaadka Giriigga.

2- Inta lagu jiro karantiilka, waa inaad u hoggaansamtaa tallaabooyinka ka hortagga COVID-19.

ka fogoow dadka kale;
gacmahaaga si joogto ah u dhaq;
oo xiro maaskaro

3- Inta lagu jiro karantiilka, waxaad xaq u leedahay inaad dalbato inaad dhakhtar la kulanto; dalbo inaad la hadasho shaqaalaha caafimaadka ee xarunta isla markiiba si aad ugu wargeliso:

Haddii aad qabtid xaalad caafimaad ama maskaxeed
Haddii aad u baahan tahay daawo
Haddii aad ka badbaaday tacadi galmo 72 saacadood ee ugu dambeeyay
Haddii aad leedahay qandho, ama qufac ama neefsashada oo kugu adag
Haddii aad tahay ilmo (ka yar 18), keligii socda oo bilaa waalid ah
Haddii aad uur leedahay

Haddii aad u baahato waxyaabo aasaasi ah sida nadaafadda ama bustayaal, fadlan u sheeg shaqaalaha Adeegga Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga.

Haddii ay kugu timaado xaalad degdeg ah ama aadan dareemayn aamin, fadlan soo wargeli Booliska iyo xafiiska Adeegga Soo Dhaweynta iyo Aqoonsiga.

4- Waxaad xaq u leedahay inaad magangalyo raadsato haddii aanad doonayn inaad ku noqoto dalkaagii haddii aad ugu cabsanayso amnigaaga iyo badbaadadaada sababo ka mid ah jinsiyad, diin, aaminaad siyaasadeed, dhalasho, ka mid ahaanshaha koox bulsho oo gaar ah amase sababo dagaal iyo rabshadeed, amase haddii aad ka baqayso in lagu cunsiriyadeeyo ama si weyn laguu waxyeeleeyo.

Haddii aad doonayso inaad magangelyo codsato, u sheeg masuuliyiinta Giriigga inaad magangelyo Giriiga ka codsaneyso markaad is diiwaangelinayso.

Masuuliyiinta ayaa si degdeg ah kuugu diiwaangelin doona codsi magangelyo, iyagoo ku weydiin doona sababaha aad uga soo tagtay waddankaagii iyo sababta aad uga timi Turkiga waxayna maalmo gudahood kuugu qaban doonaan ballan waraysi magangelyo lagaaga qaado. Nidaamka magangelyo raadisku waa mid bilaash ah oo qarsoodi ah.

5- Ka dib diiwaangelintaada waxaad joogi doontaa Xarunta Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RIC), taas oo meelaha qaarkood qayb ka ah Xarumaha Xakamaysan ee Gelitaankoda Xiranyahay (CCAC).

Gelista iyo ka bixitaanka xarunta waxa xakameeya maamulka Giriiga.

6- Waxaad xaq u leedahay macluumaad sharciyeed oo ku saabsan diyaarinta waraysiga oo bilaash ah

Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad qareen kala tashato dhammaan marxaladaha hawsha, kaas oo sida caadiga ah adigu aad kharashkiisa bixin doonto. Waxaa jiri kara hay’ado bilaash kuu caawin kara, laakiin tani waxay ku xiran tahay goobta: fadlan la xiriir xafiiska UNHCR ee aagaaga si aad u hesho macluumaad ku saabsan fursadaha laga heli karo goobtaada (hababka kala duwan ee aad UNHCR ula xiriiri karto si aad u hesho, fadlan qor oo soo dir 10)

Marxaladda rafcaanka (ka dib diidmada kooobaad) markaad marayso waxaad dalbann kartaa kaalmo sharciyeed in lagugu taageero adiga oo linkigan u dhex maraya:

https://applications.migration.gov.gr/apps/type-7-applications/create?locale=en


Haddii aadan soo marin nidaamka soo dhaweynta iyo aqoonsiga

Haddii aadan soo marin habraacyada soo dhaweynta iyo aqoonsiga

Haddii ay dhacdo inaadan soo marin habraacyada soo dhaweynta iyo aqoonsiga, waxaa awood doonta inaa balla ka qabsato diiwaangelina codsigaga magangely adoo adeegsanaya hab onlayn eh oo ku taa xiriirka link

Habkan waxa uu ku baxayaa Luqadaha Ingiriis, Carabi, Farisi, Dari, Urduu, Pashtoo, Turkiga, Bengaliga, Albaniyanka, Giriigga iyo Kurmanjiga.

Ballanta diiwaangelinta ayaa ka bilaabatay 1kowda Sebtember 2022 xarumaha diiwaangelinta ee dhul weynaha Malakasa ee gobolka Atika iyo Diyafata ee waqooyiga Giriigga, una dhow Senoliika. Waxaad kala dooran kartaa labadaas iyadoo ku xiran goobta aad joogto.

Fadlan la soco si aad u soo gudbiso arjiga ballanta waxaad u baahan doontaa inaad ku xaqiijiso ciwaanka emailka xidhiidhka. Markaad dhammayso codsigaga, waxa laguu samayn doonaa ballan (Maalinta & Saacada) ee aad ka qaybgali doonto iyo goobta diiwaangelinta ee aad doorato, waxaadna awood u yeelan doontaa inaad hesho caddayn la xidhiidha iimaylka aad diwaangelisay. Ballanta diiwaangelinta codsigaaga magangelyo waa mid ay wadaagaan dhammaan xubnaha qoyska ee codsigaaga. Waxaad codsigaaga ku dari kartaa ilaa 8 xubnood oo qoyska ah, adigoo buuxinaya tirada dadka waaweyn iyo tirada carruurta aan qaan-gaarin si gaar ah.

Haddii ay dhacdo in ay ku suurtogali  weydo in aad tagto goobta diiwaangelinta ka dib ballanta, waxaad fursad u leedahay inaad dib u dhigto 2 jeer oo kale, iyada oo aan suurtagal ahayn in lagu kordhiyo mar kale.

Nidaamka diiwaangelinta ee labada xarumood wuxuu socon doonaa 1 ilaa 25 maalmood waxaana laga yaabaa in muddadaas aad joogtid xarumahas. Inta aad joogtid turjubaano ayaa diyaar u ah inay ku taageeraan hawsha diiwaangelinta. Cuntada waxaa la bixin doonaa saddex jeer maalintii. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada laga bixiyo labada xarumood waxaad ka hubin kartaa bogga internetka ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada halkan (Giriig iyo Ingiriis  kaliya)

https://migration.gov.gr/en/ris/perifereiakes-monades/domes/kyt-malakasa/

 

 

 

 


Macluumaad guud oo ku saabsan Giriigga

Cimilada Giriiggu waa cimilo Midhatareeniyaan oo qorrax badan, heerkul dhexdhexaad ah iyo roob yar leh. Waxay ku caan tahay kala duwanaansho cimilo, waxaana sababay halka waddanku dhulka kaga yaal iyo sida badda iyo dhulweynuhu isugu qaybsan yihiin.

Xilliga xagaaga, maalmaha kulul ee qalalan waxaa badanaa qaboojiya dabaylo xilliyeed halka meelaha buuraleyda ah ay yihiin kuwo qabow.
Jiilaalkii dhulalka bannaan waxa ka jira baraf yar iyo baraf dhacaya, balse buuraha caadiyan waxa ku daboolma baraf.
Giriiggu wuxu Xubin ka yahay Midowga Yurub wuxuna isticmaalaa lacagta la wadaago: Yuurada.

Bangiyada iyo Adeegyada Dadweynuhu waxay inta badan shaqeeyaan laga bilaabo 08:00 illaa 14:00, Isniinta ilaa Jimcaha. Dukaamadu waxay badanaa furan yihiin Isniin-Arbaco-Sabtida laga bilaabo 09:00 illaa 15.00 iyo Salaasa-Khamiis-Jimce laga bilaabo 09:00 illaa 14:00 iyo 17:00 illaa 20:00.