Ogeysiisyada Ugu Dambeeyay

“Jadwalka ballan diiwaangelinta codsiga xiga” ee bogga adeegga Magangelyo-doonka hawada ayuu ku soo jiraa

Laga bilaabo Isniinta 22/8, shaqada bogga “Jadwalka balanta diiwaangelinta codsiga xiga” waa in la hirgeliyaa, kaas oo loogu talagalay magangalyo doonka codsigoodii si kama dambeyntii ah loo diiday. Xaqiiqdii, bogga waxa loogu talagalay Muwaadiniinta Waddamada Saddexaad (TCNs) kuwaas oo doonaya inay waddankeena ka dalbadaan ilaalin caalami ah oo cusub, ka dib marka codsigoodii hore si buuxda loo diiday.

Bogga waxa lagu sameeyay oo lagu heli karaa: Ingiriis, Albaaniyaan (Sqip), Carabi, Bengali, Dari, Faarisi, Joorijiyaan, Kurmanji, Baashto, Turki, Urdu, iyada oo suurtagal ah in lagu soo kordhiyo luuqado dheeraad ah, haddii baahidooda soo baxdo mustaqbalka.

Bogga waxa laga soo geli karaa linkiga soo socda:

https://apps.migration.gov.gr/international-protection-registration

Si aad si habboon ugu codsato jadwalka oo aad kaalmo uga geysato in lagu caawiyo, fadlan imow ugu yaraan 30 daqiiqo ka hor ballantaada diiwaangelinta ee qorsheysan, adigoo soo qaadanaya dhammaan dukumeentiyadaada aqoonsiga. Marka hawsha habraaca kor ku xusani bilaabanto, ablikeyshankii Skype ee horey loogu qabsan jiray ballamaha diiwaangelinta waa la joojin doonaa.

Ugu dambeyntii, waxaan ku xasuusineynaa, in dhammaan dadka danaynaya ee aan waligood booqan Xafiisyada Adeegga Magangalyada ee aan marnaba soo gudbin codsiga ilaalinta caalamiga ah illaa hadda, ay hadda suurtagal u tahay in laga diiwaangeliyo goobaha soo socda: Xerada Malakasa iyo Xerada Diavata, iyadoo la raacayo habraaca “Jadwalka ballanta diiwaangelinta codsiga xiga” ee lagu sharaxay bogga, kaas oo sidoo kale aad ka heli karto linkiga kor lagu xusay (https://apps.migration.gov.gr/international-protection-registration ).

DIGNIIN KHIYAAMO

27/05/2022

Martiqaadka hoose miyaad Telegram ku heshay dhowaan?

Fadlan aad ugu fiirso. Haddii aad heshay, fadlan ogoow inuu KHIYAAMO yahay. Haddii aadan helin, fadlan ka taxaddar haddii aad mid hesho.

Dadka magangalyo-dooonka ah iyo qaxootiguba waxay soo sheegeen inay heleen martiqaad ka dalbanaya inay ku soo biiraan kanaal Telegram oo iska dhigaya UNHCR isticmaalayana astaantooda.

Tani waa KHIYAAMO oo wax xiriir ah lama laha UNHCR.

Kanaalada xiriirka ee rasmiga ah ee UNHCR-ta Giriigu waa kuwan soo socda:

Dhamaan adeegyada iyo hawlaha UNHCR qabato waa bilaash. Marnaba lagaama codsan doono inaad lacag ka dhiibto adeegyada ay bixiso UNHCR ama jaalalkeedu. Fadlan cidna ha ka rumeysan cid kasta oo kuu sheegta inay kaa caawin doonaan diiwaangelinta, dib u dejinta iyo adeegyada kale haddii aad lacag bixiso.

Xisaabo Skype Been-abuur ah

12/02/2022

  • Waxaan ka warqabnaa in xisaabo SKYPE oo been abuur ah loo adeegsaday in lagu marin-habaabiyo dadka magangalyo-doonka ah oo looga dhigo inay la xiriirayaan Xafiiska Magangalyada Giriiga. Helista dhammaan adeegyada magangelyadu, oo uu SKYPE ku jiro, gebi ahaanba waa BILAASH. Shaqaalaha rasmiga ah ee Xafiiska Magangelyadu wax lacag ah ama beddel adeeg ah KAMA codsadaan ballamahan. Haddii ay dhibi kaa soo gaartay khiyaamadan, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad dacwad u gudbiso maamulka booliska ee aagga.

Digniin: Khiyaamada Skype ee Ballan Ka Qabsashada Xafiiska Magangelyada ee Giriiga