Su’aalo iyo jawaabo caadi ah


Sidee baan magangelyo uga codsan karaa Giriiga?

Fadlan tixraac Website-ka HELP ee hoose wixii macluumaada ee dheeraad ah: https://help.unhcr.org/greece/applying-for-asylum/how-do-i-apply-for-asylum/

Waxaad sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka Magangalyo-doonka ka helaysaa Adeega Magangalyada adiga oo ama wacaya lambarkan halkaas oo aad macluumaadka ku heli doonto 10 luuqadood: (0030) 210 69 88 660 ama booqanaya bogga internetka ee Adeega Magangalyada Giriiga, halkaas oo aad ka heli karto macluumaad ku qoran dhowr luqadood.


Magangalyo ma ka dalban karaa waddan kale? Wadankee ayaa mas'uul ka ah qiimeynta codsigeyga magangalyo doonka? (Dublin III)

Fadlan tixraac linkiga Webseedka HELP ee hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah: https://help.unhcr.org/greece/applying-for-asylum/can-my-application-for-asylum-be-examined-in-another-european-country/dublin-iii-family-reunification-and-other-legal-pathways/

Waxaad sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka Magangalyo-doonka Midowga Yurub ka helaysaa Adeegga Magangalyada adiga oo ama wacaya lambarkan halkaas oo aad macluumaadka ku heli doonto 10 luuqadood: (0030) 210 69 88 660 ama booqanaya websaydka Adeegga Magangalyada ee Giriiga http://asylo.gov.gr/en/?page_id=81


Ma codsan karaa inaan dib ula midoobo qoyskayga/qaraabadeyda oo jooga waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan? (Dublin III)

Fadlan tixraac linkiga hoose ee Webseedka HELP wixii macluumaad dheeraada ah:
https://help.unhcr.org/greece/applying-for-asylum/can-my-application-for-asylum-be-examined-in-another-european-country/dublin-iii-family-reunification-and-other-legal-pathways/

Waxaad sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka dib ula midowga qoyska (Dublin III) ka helaysaa Adeega Magangalyada adiga oo ama wacaya lambarkan halkaas oo aad macluumaadka ku heli doonto 10 luuqadood: (0030) 210 69 88 660 ama booqanaya websaydka Adeegga Magangalyada ee Giriiga http://asylo.gov.gr/en/?page_id=81


Waxaan ahay qaxooti la aqoonsan yahay/qof ilaalin hoosaad helay, ma codsan karaa in aan dib ula midoobo qoyskayga ama qaraabadeyda oo joogta waddanka aan ka soo jeedo/waddan kale oo saddexaad (ka baxsan Midowga Yurub)? Waa maxay xuquuqahayga iyo waajibaadkaygu?

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada qaxooti la aqoonsan yahay ama qof ilaalin hoose haysta ahaan, fadlan tixraac linkiga hoose ee Websaydka HELP:https://help.unhcr.org/greece/rights-and-duties/rights-and-duties-of-refugees/


Sidee baan dalkeygii aan ka soo jeeday dib ugu laaban karaa?

Haddii aad go’aansato inaad si ikhtiyaari ah ugu laabato waddankii aad ka soo jeeday ama aad markii hore degenayd, fadlan tixraac linkiga hoose: https://help.unhcr.org/greece/voluntary-return/ or visit the website of the Greek Asylum Service for information on the available options: http://asylo.gov.gr/en/?page_id=344


Sidee baan u codsan karaa in Giriiga la iga kaxeeyo oo waddan kale la i dejiyo? UNHCR wadan kale ma ii diri kartaa?

Maya, UNHCR-ta Giriigu ma hirgeliso barnaamijyo qaxootigu dib loogu dejinayo waddamo kale.


Ma jiraan hay'ado iga caawin kara codsigayga magangelyada?

Fadlan linkiga hoose ka raadi adeeg bixiyayaasha bixiya kaalmo sharci : https://help.unhcr.org/greece/where-to-seek-help/other-services/


Sidee baan ku heli karaa macluumaad ku saabsan helitaanka kaalmo bulsho, daryeel caafimaad, waxbarsho, shaqo, iyo kaalmo lacag naqada ah, diiwaangelinta qof dhashay ama qof dhintay?

Fadlan ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan helitaanka adeegyada iyo bixiyeyaasha adeegyada xagga hoos: https://help.unhcr.org/greece/living-in-greece/


Waxaan doonayaa in aan codsado kaalmo lacag naqad ah. Yaan la xiriiri karaa?

Barnaamijka gargaarka lacageed ee UNHCR waxa la soo gabagabeeyay dhammaadkii bishii September 2021. Laga bilaabo Oktoobar 2021, masuuliyiinta Giriiga ayaa mas’uul ka ah bixinta gargaarka magangalyo-doonka si ay u daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah.

Sida waafaqsan siyaasadda dawladda, kaalmada lacageed waxaa la siin doonaa oo keliya magangalyo-doonka la dejiyay xarumaha soo dhawaynta/hoyaadka rasmiga ah ee loogu talagalay dadka magangalyo-doonka ah ee Maamulada Giriigu aqoonsan yihiin. Haddii aad dooneyso in laguu gudbiyo xarun hoy oo rasmi ah, waa inaad raacdaa tilmaamaha gudbinta ee ku jira linkiga soo socda: https://help.unhcr.org/greece/living-in-greece/access-to-cash-assistance/

Isla marka maamulka Giriigu ay UNHCR la wadaagaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka kaalmada baahiyaha aasaasiga ah loo bixinayo, ayay UNHCR macluumaadkan sii faafin doonta.


Waxaan hadda joogaa jasiirad ku taal Giriiga. Goorma ayaan u guuri karaa dhulweynaha?

Fadlan la xiriir maamulada deegaanka iyo/ama shaqaalaha UNHCR si aad u hesho macluumaad ku saabsan nidaamka wareejinta.


Waxaan ahay guri la'aan. Halkee baan ka raadsan karaa hoy/gabbood?

Fadlan linkiga hoose ka raadi adeeg bixiyayaasha ku hawsha leh hoyga iyo gabbood-siinta: https://help.unhcr.org/greece/where-to-seek-help/other-services/