Xuquuqdeyda magangalyo-doon ahaan

`Magangalyo ka codsashada Giriigu waxay ka kooban tahay tallaabooyin is-xigxiga. Tixraac bogga Macluumaadka Sharciga ee goobtan.

Magangalyo-doon ahaan waxaad leedahay xuquuqaha iyo waajibaadka hoos ku qeexan.

Iyada oo aan loo eegayn heerka hawsha magangalyadu kuu marayso, waxaad leedahay xuquuqaha iyo waajibaadka soo socda:

  • Waxaad xaq u leedahay inaad macluumaadka ku saabsan codsigaaga magangelyo doonka, xuquuqahaaga iyo waajibaadka ku hesho luuqad aad fahmeyso.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad hesho kaalmo aasaasi ah oo ay ka mid yihiin hoyga, cunto, sharci, caafimaad iyo gargaar nafsaani oo aad ka heli doonto UNHCR iyo hay’ado kale.
  • Waxaa waajib kugu ah inaad si buuxda ula shaqayso masuuliyiinta Giriiga.

Isla marka aad hesho kaarkaaga magangalyo-doonka, waxaad yeelanaysaa xuquuqo iyo waajibaad khaas ah:

  • Waxaad si sharci ah ugu noolaan kartaa Giriiga ilaa inta adeegga magangelyada uu go’aan kama dambays ah ka gaadhayo kiiskaaga magangelyo doonka. Tani waxay la macno tahay inaan laguu celin karin waddan kale ogolaansho la’aan, intaad go’aanka sugeyso.
  • Carruurtu iskuulka ayay aadi karaan.
  • Inta aad haysato kaadhkaaga diiwaangelinta hordhaca ah, waxaad si xor ah ugu dhex safri kartaa Giriiga, laakiin laguuma oggola inaad tagto waddan kale.
  • Dawladda Giriiga waxay kaa siin doontaa meel aad ku noolaato goob ku taal dhulwaynaha. Halkaas lagaagama baahna inaad wax kiro ah bixiso. Ma dooran kartid goobta ay Dawladdu ku dejinayso. Waajib kuguma aha inaad halkaas ku noolaato, haddii aadan rabin.
  • Waxaad heli kartaa daryeelka caafimaadka asaasiga ah, laakiin adeegyada sare qaarkood waxaa laga yaabaa inaad bixiso lacag yar.
  • Inta aad ku jirto diiwaangelinta hordhaca ah xaq uma lihid inaad ka shaqeyso Giriigga. Ka dib marka si buuxda laguu diiwaangeliyo waxaad xaq u leedahay inaad Giriiga ka shaqeyso. Haddii aad shaqaysid, waa inaad bixisaa canshuuraha qaranka.
  • Waa inaad ixtiraamtaa oo aad raacdaa sharciga dalka; jabinta sharciyada qaranka waxay keeni doontaa in la laalo xuquuqdaada magangalyo-doonka.
  • Waa in aad la shaqeysaa maamulka qiimeynaya codsigaaga.
  • Waa inaad u sheegtaa xafiiska magangelyada mar kasta oo cinwaankaaga ama lambarka taleefankaaga uu beddelmo.