Codsigayga magangelyo waa la diiday, maxaa dhacaayo hadda?

Haddii codsigaaga la diido, ama haddii lagu siiyo sharciga ilaalinta magangalyo doonka aan qaxootiga ahayn oo aad u aragto inaad xaq u leedahay xaalad qaxootinimo, waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan u qaadato Hay’adda Racfaanka (mar 2aad). Waa inaad codsigaaga u gudbisaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ee Awoodda u leh (RAO) ama Unuga Magangalyada ee Madaxbannaan (AAU) ee ku siiyay diidmada, oo aad ku gudbisaa muddada kama dambaysta laguugu dhex qabtay go’aanka aad heshay.

Haddii aad joogtid Xarun aad uga fog RAO-ga iyo AAU-ga soo saaray go’aankaaga, waxaad racfaankaaga u soo gudbin kartaa RAO/AAU-ga kuugu dhow. Haddii sidaas dhacdo, racfaanka waxa isla maalintaas iimeeyl ahaan loogu dirayaa Xafiiska Magangalyada ama Unuga Magangalyada ee soo saaray go’aanka. Si racfaanka loo soo gudbiyo waa inaad si toos ah u timaada RAO/AAU awoodda u leh kiiska oo la kaalaydaa dukumeenti (rafcaan) aad saxiixday, ama uu saxiixay qareen. Haddii aad xiran tahay, waxaad u baahan tahay inaad racfaankaaga u gudbiso Agaasimaha xabsiga ama xarunta, oo isaga/iyada ayaa ugu diri doonta racfaankaaga faakis ama hab kale oo dhijitaal ah RAO-gii ama AAU-gii soo saaray go’aanka.

Waxaa laguu siin doonaa Kaarka Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ee Cusub markaad soo gudbiso racfaankaaga.

Adeega Magangalyadu wuxu leeyahay liis qareeno ah oo laga yaabo inay bilaash kugu caawiyaan muddada racfaankaaga la soo gudbinayo ee la qiimeyn doono mar labaad. Waxaad Khadka Ka codsan kartaa taageero sharci.   Fadlan halkan eeg https://applications.migration.gov.gr/ypiresies-asylou/ .

Racfaankaaga waxaa qiimeyn doona Gudida Racfaanka Madaxa Banaan. Guddiga Madaxa Banaan ee Racfaanka wuxuu badanaa racfaanka ku qiimeeyaa dukumiintiyada ku jira galkaaga oo wareysi kuuguma yeedho. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laguu sheegi doonaa taariikhda la eegi doono racfaankaaga, iyo sidoo kale marka aad soo gudbin karto, haddii aad damacdo, wixii caddayn dheeraad ah ee ay tahay in Gudida Racfaanku tixgeliso.

Taariikhda la qiimeynayo racfaankaaga, waxaa waajib kugu ah inaad qof ahaan u timaado xafiiska Hay’adda Racfaanka. Haddii aadan iman, racfaankaaga waa la diidi doonaa.

Haddii aad joogtid Xarun oo aanad adiga iyo qareenkaaga idman midkiina toos u iman karin, waa inaad Agaasimaha Xarunta Soo Dhaweynta ama Hoyaadka ka dalbataa inuu waraaq xaqiijina oo caddeynaysa inaad joogtay xaruntan maalintii racfaankaaga laga hadlayay u diraa Hay’adda Racfaanada ka hor maalinta laga hadlayo racfankaaga.

Haddii ay dhacdo in xaddidaad dhaqdhaqaaq ama waajib ah inaad meel gaar ah oo ka baxsan Gobolka Attica joogto lagugu soo rogo, waxaa ku meteli kara qareenkaaga idman ama waxaad soo direysaa waraaq caddeyn ah, oo uu soo saaray isteeshinka booliska ama Xarunta Adeegyada Muwaadiniinta (KEP) ee ugu dhow halka aad joogto oo caddeynaysa inaad iyaga hor timi illaa la gaarayay maalinta racfaankaaga la dhegaysanayo.

Haddii qareenkaagu uusan iman, ama waraaqaha caddeynta ah ee kor ku xusan aan loo soo gudbin Hay’adda Racfaanka, racfaankaaga waa la diidi doonaa.

Haddii Guddiga Racfaanka uu go’aansado inuu kuugu yeedho waraysi, waxaa arrintaas laguugu soo sheegi doonaa toban (10) maalmood ka hor taariikhda waraysiga, ugu dambeyntii. Waxaad xaq u leedahay inaad u tagto Guddiga Racfaanka iyada oo uu ku weheliyo qareen ama la taliye kale.

Gudida Racfaanka waxay go’aan ka gaari doonaan inay ku siiyaan xaalad qaxootinimo, ilaalin hoosaad, ama inay diidaan racfaankaaga.

Haddii racfaankaaga la diido, ama haddii go’aanku uu ku siiyo xaalad ilaalin hoosaad oo aad rumaysan tahay inaad xaq u leedahay xaalad qaxootinimo, waxaad codsi joojineed ugu gudbin kartaa Maxkamadda Maamulka Heerka Koowaad ee awoodda u leh muddo soddon (30) beri ah oo ka bilaabmaysa maalinta ku xigta marka go’aanka lagu siiyo. Codsiga joojintu ma laha saameyn laaliseed otomaatig ah, taas oo macnaheedu yahay inay suurtagal tahay in waddanka lagaa saaro haddii racfaankaaga la diido.

Haddii codsigaaga la diido, waxaa lagugu xiri doonaa Xarunta Xabsiga Musaafirinta Ka Hor illaa inta musaafirintaada laga dhameystirayo ama codsigaaga si kama dambays ah loo ansixinayo.

Waxaad ku sii jiri doontaa Xarunta Xabsiga Ka Hor-Musaafirinta xitaa haddii aad soo gudbiso Codsi labaad oo kan xiga, (codsi ilaalin caalami ah oo dib loo soo gudbiyay kadib markii diidmada kama dambaysta ah uu go’aamiyay Bilayska ama Adeegga Magangalyada ama Hay’adda Racfaanka ama ka dib marka aad la laabato codsigaagii hore ee ilaalinta caalamiga ah) iyo/ama marka la soo gudbiyo