Ogeysiisyada Ugu Dambeeyay

Dunida ku xiran warbaahinta bulshada, waxaan rabnaa inaan hubinno in qof walba uu si badbaado leh u isticmaali karo aaladahaan. Halkan waxaa ah 5 hab oo loogu talagalay magangelyo-doonka iyo qaxootiga si ay si ammaan ah ugu isticmaalaan baraha bulshada casriga ah:

1. Muhiimadnimada walxaha ku khaaska ah: Hagaaji arimahaaga qarsoon ee qaaska  ah si aad u xakamayso cidda arkaysa macluumaadkaaga. Xusuusnow, waa lama huraan inaad la wadaagto kaliya waxaad ku qanacsan tahay.

2. Ka digtoonow Xogta Goobta: Ka fogow wadaagida goobtaada saxda ah wakhtiga dhabta ah. Demi adeegyada goobta abka warbaahinta bulshada ama ka dooro goorta iyo meesha aad soo gashay. Ilaalinta goobtaada waxay kaa caawinaysaa xaqiijinta badbaadadaada iyo amnigaaga.

 3. Hubi ka hor intaanad aaminin: Ka digtoonow aqbalida codsiyada saaxiibada ama ka qayb qaadashada xisaabaadka aanad aqoon. Xaqiiji borofaylkaaga hor inta aanad la wadaagin macluumaadka shakhsiyeed.

4. wax bar naftaada: La soco waxa ku saabsan dhaqamada badbaadada khadka ah. Faham qalabka iyo astaamaha baraha bulshada Goobo badan ayaa leh ilo iyo hagayaal ku saabsan sida loogu badbaado qadka- ka faa’iidayso!

5. Ilaali kuwa aad jeceshahay: Iska ilaali inaad soo dhigto sawirada ama macluumaadka xubnaha qoyskaaga ogolaansho la’aan. Ilaali sirtooda adiga oo ixtiraamaya joogitaankooda qadka sidaad u ilaalinayso kaaga.

War farxad leh! Tilmaamaha Magaalada 2024 ee Athens iyo Thessaloniki ayaa hadda diyaar u ah inay ka caawiyaan magangalyo-doonka, qaxootiga, iyo dadka aan dalka lahayn si ay u helaan adeegyada muhiimka ah ee magaalooyinkan.

Abuuritaanka daabacaadda 2024 ee Tilmaamaha Magaaladu waxay ahayd mashruuc iskaashi oo ka dhexeeya UNHCR Greece, Xarunta Isku-dubbaridka Athens ee Arrimaha Soogalootiga iyo Qaxoontiga (ACCMR), iyo Qaxoontiga.macluumadka Greece.

Tilmaamaha, oo lagu heli karo 9 luqadood, waxaa ku jira macluumaadka caafimaadka, waxbarashada, adeegyada sharciga, iyo qaar kaloo badan. Gelin kastaa waxa uu leeyahay tafaasiisha xidhiidhka iyo koodka ee ku xidhaya macluumaad dheeraad ah oo ku jira websaydka qaxootiga.macluumadka.

Ka hel Tilmaamaha Mareegta caawinta ee UNHCR:  https://shorturl.at/izX47 

Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, halkan waxaa ah lambarro muhim ah oo aad u baahan tahay inaad ogaato:

Adeegga degdega ah ee yurub: 112

Booliska: 100

Adeegga Dab-demiska: 199

Gurmadka Caafimaadka: 166

Ilaalada Xeebaha: 108

 Wixii macluumaad dheeraad ah iyo khadadka taleefoonka, booqo boggayaga: https://help.unhcr.org/greece/seek-help/emergency-services/

Dhibaatooyinka ku saleysan jinsiga (GBV) waa arin khatar ah oo saameysa dad badan. Si looga hortago GBV, halkan waxaa ah afar talo:

1.Bar naftaada GBV iyo noocyadiisa kala duwan.

2.Xooji kuwa kale adiga oo caqabad ku ah fikradaha jinsiga iyo horumarinta sinnaanta

3. Ku xidh shabakadaha taageerada iyo helitaanka adeegyada la heli karo.

4. hormari qorshe badbaado, adigoo garanaya meesha aad caawimaad ka raadsato.

Fadlan macluumaad dheeraad ah ka hel boggayaga: https://help.unhcr.org/greece/seek-help/gbv-english/

Ka digtoonow qorshayaasha been abuurka ah ee ku dhex wareegaya khadka, ee sheeganaayan inay xidhiidh la leeyihiin UNHCR. Khiyaamooyinkan ayaa inta badan ku lug leh shaqo-bixinno been abuur ah ama iskaashi, oo u baahan in la bixiyo khidmado ama macluumaadka shakhsiyeed. Fadlan ogow:

1. UNHCR waligeed wax khidmad ah kuma  dalacato inta lagu guda jiro shaqaaleysiinta  ama habka diiwaangelinta.

 2. UNHCR waligeed kuma weyddiin magacaaga isticmaale ama eraygaaga sirta ah.

3. UNHCR waligeed masoo dirto lifaaqyada iimaylka ah ee aadan codsan.

4. UNHCR waligeeda kuguma soo dalaceyso wax lacag ah si ay shir kaaga diwaan geliso ama hotel kuugu qabato

Fadlan aad u feejignoow  kuna soo gudbi dhaqdhaqaaq kasto oo aad ka shakidid halkaan: https://bit.ly/3IGRWjH

Mashruuca HELIOS waxa la kordhiyey ilaa 30ka Juun 2024. Adeegyada mashruuca HELIOS si tartiib tartiib ah ayey dib u bilaabmi doonaan, dhammaan ka faa’iidaystayaasha HELIOS waa lala xidhiidhi doonaa si waafaqsan. Diiwaangelinta cusub ee mashruuca iyo heshiisyada kirada cusub hadda ka dib waa la aqbali doonaa.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa halkan: https://greece.iom.int/helios-announcement-english

Xarunta caafimaadka indhaha ee bilaashka ah ee Atenis 14-20 December 2023

Light Without Borders iyo OneSight Essilor Luxottica Foundation, iyadoo la kaashanaysa UNHCR, Bairamoglou iyo MSF, waxay u qaban doontaa xarun caafimaad oo indhaha oo lacag la’aan ah Athens dhammaan kuwa u baahan, iyadoon loo eegin sharciga (qaxootiga, magangalyo-doonka, muhaajiriinta iwm ‘ iyo da’da. Rugta caafimaadka waxaa ku jiri doona baaris muuqaal ah si loo go’aamiyo baahida bukaan kasta: muraayadaha daawada ayaa lagu siin doonaa bilaash kuwa u baahan iyadoo lagu saleynayo baaritaanka. Baadhitaano iyo qaliino kale oo khaas ah oo indhaha ah ayaa sidoo kale la samayn karaa.

Si aad uga qaybgasho waxaad u baahan tahay inaad buuxiso foomka https://shareyougo.com/U6WI8Cam ku lifaaqan oo aad la wadaagto iimaylka [email protected]

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomka, waxaad kala xidhiidhi kartaa UNHCR +302162007800 ama [email protected]: kooxda UNHCR waxay ku hadlaan Carabi, Dari/Farsi, Faransiis, Ingiriis, Giriig, Sorani, Ruush, Yukreeniyaan



Magangalyo doonka waxa ay soo bandhigsysaa fursad ah inaad heshaan 10 ka sano oo ogolaanshaha joogitaanka, kaliya hadii aad tahay muwaadin ka soo jeeda wadanka sadexaad ama aad tahay qof bilaa wadan ah isla markaana soo galay wadanka Giriiga isaga oo ah ilmo da’a yar ah oo cidna aanay wehelinin iyo hadii aad si buuxda u dhamaystirtay ugu yaraan sadexda fasal ee waxbarashada dugsiga sare ee Giriiga ka hor inta aanu gaadhin da’a da 23 ka jirka. 

Waa kan waxa aad u baahanatahy inaad ogaato:

Si aad u codsato ogolaanshaha deggenaanshahan khaaska ah, waxaad u baahan doontaa dhawr dukumeenti oo muhiim ah.

● Dukumenti ay sameeyeen Maamulka gobolka kaas oo qeexaya in ka faaidaystuhu oo soo galay Giriiga isaga oo ah ilma da’a yar ah oo aanay cidna wehelinin. dhukumentiigana waa in ay soo sameeyaan:

i. adeega magangalyada ama

ii. Adeega xaqiijinta iyo qaabilada, ama

iii. Xoghaynta Guud ee Dadka Jilicdasan iyo Ilaalinta Hay’adaha ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada, ama

iv. booliska hellenika,

● Cadayn uu qofku ku sheegayo in isagu ama iyadu uu joogay wadanka  dhexdiisa mudo ka badan 2 da sano oo xidhiidh ah hakad la’aan.

● Cadaynta ku guulaysiga dhamaystirka (3) fasal ee ugu dambeeya waxbarashada dugsiga sare ee Giriiga ka hor inta aanu gaadhin da’ada 23 ka jirka.

Hubi/jeeg garee ku dhawaaqida cusub ee Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka iyo Magangalyada ee ku saabsan bixinta ogolaanshaha deganaansha ee joogitaanka 10ka sano.


“Jadwalka ballan diiwaangelinta codsiga xiga” ee bogga adeegga Magangelyo-doonka hawada ayuu ku soo jiraa

Laga bilaabo Isniinta 22/8, shaqada bogga “Jadwalka balanta diiwaangelinta codsiga xiga” waa in la hirgeliyaa, kaas oo loogu talagalay magangalyo doonka codsigoodii si kama dambeyntii ah loo diiday. Xaqiiqdii, bogga waxa loogu talagalay Muwaadiniinta Waddamada Saddexaad (TCNs) kuwaas oo doonaya inay waddankeena ka dalbadaan ilaalin caalami ah oo cusub, ka dib marka codsigoodii hore si buuxda loo diiday.

Bogga waxa lagu sameeyay oo lagu heli karaa: Ingiriis, Albaaniyaan (Sqip), Carabi, Bengali, Dari, Faarisi, Joorijiyaan, Kurmanji, Baashto, Turki, Urdu, iyada oo suurtagal ah in lagu soo kordhiyo luuqado dheeraad ah, haddii baahidooda soo baxdo mustaqbalka.

Bogga waxa laga soo geli karaa linkiga soo socda:

https://apps.migration.gov.gr/international-protection-registration

Si aad si habboon ugu codsato jadwalka oo aad kaalmo uga geysato in lagu caawiyo, fadlan imow ugu yaraan 30 daqiiqo ka hor ballantaada diiwaangelinta ee qorsheysan, adigoo soo qaadanaya dhammaan dukumeentiyadaada aqoonsiga. Marka hawsha habraaca kor ku xusani bilaabanto, ablikeyshankii Skype ee horey loogu qabsan jiray ballamaha diiwaangelinta waa la joojin doonaa.

Ugu dambeyntii, waxaan ku xasuusineynaa, in dhammaan dadka danaynaya ee aan waligood booqan Xafiisyada Adeegga Magangalyada ee aan marnaba soo gudbin codsiga ilaalinta caalamiga ah illaa hadda, ay hadda suurtagal u tahay in laga diiwaangeliyo goobaha soo socda: Xerada Malakasa iyo Xerada Diavata, iyadoo la raacayo habraaca “Jadwalka ballanta diiwaangelinta codsiga xiga” ee lagu sharaxay bogga, kaas oo sidoo kale aad ka heli karto linkiga kor lagu xusay (https://apps.migration.gov.gr/international-protection-registration ).

DIGNIIN KHIYAAMO

27/05/2022

Martiqaadka hoose miyaad Telegram ku heshay dhowaan?

Fadlan aad ugu fiirso. Haddii aad heshay, fadlan ogoow inuu KHIYAAMO yahay. Haddii aadan helin, fadlan ka taxaddar haddii aad mid hesho.

Dadka magangalyo-dooonka ah iyo qaxootiguba waxay soo sheegeen inay heleen martiqaad ka dalbanaya inay ku soo biiraan kanaal Telegram oo iska dhigaya UNHCR isticmaalayana astaantooda.

Tani waa KHIYAAMO oo wax xiriir ah lama laha UNHCR.

Kanaalada xiriirka ee rasmiga ah ee UNHCR-ta Giriigu waa kuwan soo socda:

Dhamaan adeegyada iyo hawlaha UNHCR qabato waa bilaash. Marnaba lagaama codsan doono inaad lacag ka dhiibto adeegyada ay bixiso UNHCR ama jaalalkeedu. Fadlan cidna ha ka rumeysan cid kasta oo kuu sheegta inay kaa caawin doonaan diiwaangelinta, dib u dejinta iyo adeegyada kale haddii aad lacag bixiso.

Xisaabo Skype Been-abuur ah

12/02/2022

  • Waxaan ka warqabnaa in xisaabo SKYPE oo been abuur ah loo adeegsaday in lagu marin-habaabiyo dadka magangalyo-doonka ah oo looga dhigo inay la xiriirayaan Xafiiska Magangalyada Giriiga. Helista dhammaan adeegyada magangelyadu, oo uu SKYPE ku jiro, gebi ahaanba waa BILAASH. Shaqaalaha rasmiga ah ee Xafiiska Magangelyadu wax lacag ah ama beddel adeeg ah KAMA codsadaan ballamahan. Haddii ay dhibi kaa soo gaartay khiyaamadan, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad dacwad u gudbiso maamulka booliska ee aagga.

Digniin: Khiyaamada Skype ee Ballan Ka Qabsashada Xafiiska Magangelyada ee Giriiga