Kaalmada Lacagta

Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash!

UNHCR waxay isticmaashaa waxqabadyo ku salaysan lacag caddaan ah si ay u bixiso taageero daboolaysa baahiyaha aasaasiga ah, ilaalinta, gargaarka, iyo adeegyada kuwa aadka u nugul. Lacag caddaan ah ayaa ka caawisa barakacayaasha inay daboolaan baahiyo kala duwan, oo ay ku jiraan helitaan cunto, biyo, daryeel caafimaad, hoy, taasoo u oggolaanaysa inay dhistaan ​​oo taageeraan hab-nololeedkoda .

Waa maxay noocyada gargaarka lacageed ee tooska ah ee UNHCR bixiso?

Kaalmada Lacageed ee Ujeedoyinka badan: Lacag caddaan ah oo loogu talagalay baahiyaha Aasaasiga ah oo la bixiyo labadii biloodba mar ama hal mar oo fasax ah inta lagu jiro bilaha Qaboowga  oo la siiyo qaxootiga aadka u nugul ee diiwaangashan iyo magangelyo-doonka, marka loo eego natiijooyinka qiimaynta dayacanka.

Deeqaha kale ee lacagta caddaanka ah: sida maciishada iyo lacagta caddaanka ah ee waxbarashada waxaa la bixiyaa hal mar iyadoo la raacayo shuruudaha waaxeed ee ay dalbadeen UNHCR iyo Bahwadagtooda  kale ee ay khuseyso hay’ada  Adeegyada Gargaarka katoliga (Catholic relief service)

Kaalmada lacageed ee ujeedo badan leh waxaa la siiyaa kaliya qaxootiga aadka u nugul iyadoo lagu salaynayo shuruudo gaar ah  u qalmida iyo helitaanka lacag

Miyaan u baahanahay inaan codsado qiimayn si ay igu bilabato helitaanka kaalmada lacageed ee ujeedo badan leh oo joogto ah?

Talaabada ugu horeysa waa inaad naftaada iyo qoyskaaga iska diiwaan gelisaan UNHCRta Masar. Haddi aad hore u haysatay kaarkaagii UNHCR waxa aad buuxisay talaabadan.

Waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa Caritas Baahiyaha Aasaasiga ah si aad ballan uga  qabsato wareysiga qiimeynta haddii aadan horey u sameynin wax wareysi ah oo qiimeyn ah, ama haddii uu jiro isbedel weyn oo ku yimid xaaladdaada dhaqaale (sida luminta isha ugu weyn ee dakhliga) tan iyo markii waraysigii u dambeeyay ee qiimaynta. Weynaanta awgeed

Tirada dadka codsanaya taageerada, fadlan qabso ballan waraysi qiimaynta nuglaanta ee Caritas Baahiyaha Aasaasiga ah. Caritas waxaa laga yaabaa inaysan haysan meel ay kugu adeegto haddii aad u tagto xafiisyadooda ballan la’aan. Fadlan ogow in dhammaystirka waraysiga macnaheedu maaha in si toos ah lagugu dari doono gargaarka lacagta caddaanka ah. Sidoo kale ogow in Baahiyaha Aasaasiga ah ee Caritas ay mas’uul ka tahay oo kaliya ururinta xogta iyada oo loo marayo wareysi iyo iyagoo ku siinaya macluumaad muhiim ah, jawaab celin iyo habka jawaabta ee kaalmada lacagta caddaanka ah. Caritas ma gaarto  wax go’aano ah oo la xiriira  xaq u yeelashada lacagta caddaanka ah. UNHCR waa go’aanka kama dambaysta ah ee labada go’aannada bilowga ah iyo kuwa rafcaanka ee la xiriira kaalmada lacagta caddaanka ah.

 

Haddii lagu ogaado inaad xaq u leedahay inaad hesho caawimo lacageed UNHCR waxay kugu soo wargelinaysaa fariin qoraaled (SMS)lambarka telefoonka aad kaga  diwaangashan tahay UNHCR. Fadlan had iyo jeer ku cusboonaysii lambarka taleefankaaga UNHCR oo hubi inaad si joogto ah uga hubiso fariin qoraaled (SMS) kasta oo kaga timaada UNHCR.

Sidee UNHCR u go'aamin kartaa qofka u qalma kaalmada lacageed ee ujeedooyinka badan leh?

UNHCR waxay ku tiirsan tahay ilo badan oo macluumaad ah si ay u gaarto go’aannada u-qalmitaanka ee la xiriira kaalmada lacagta caddaanka ah. Macluumaadka loo isticmaalo xulashada waxaa ka mid ah macluumaadka la duubay inta lagu jiro diiwaangelintaada UNHCR iyo mararka qaarkood wareysi ay qaadaan shaqaalaha Caritas iyo sidoo kale macluumaadka kale ee la duubay. Go’aanku wuxuu tixgelinayaa dhowr arrimood sida: maaliyadeed, fayoobid iyo muuqaallada khatarta ah. Waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan da’da qaxoontiga/magangelyo-doonka, meesha uu degan yahay, tirada xubnaha qoyska, heerka waxbarashada, heerka dhaqaalaha, helitaanka gargaar kale, baahiyo gaar ah, xaaladda caafimaad iyo kuwo kale ayaa la tixgaliyaa. Qoxootiga iyo magangelyo-doone kasta profilekiisa waxa la barbar dhigaa qaxoontiga kale iyo magan-gelyo-doonka ka diiwaan gashan UNHCR iyo kan dhaqaale ahaan aad u nugul oo leh astaamo khatar sare leh ayaa la doortaa. Go’aamo kasta oo xaq u yeelasho ah oo la xidhiidha lacagta caddaanka ah ma diidayso ama ma wanaajiso gelitaanka barnaamijyada kale ee kaalmada.

Sideen ku ogaan karaa natiijada qiimayntayda iyo haddii aan u qalmo kaalmada lacagta caddaanka ah?

Habka go’aaminta u-qalmitaanka iyo go’aanka u-qalmitaanka ayaa qaata ugu yaraan saddex (3) bilood. Haddii lagu ogaado inaad xaq u leedahay inaad hesho caawimo caddaan ah UNHCR waxay kugu soo  fariin qoraaled(SMS) lambarka taleefanka, waxaad ka diiwaan gashan tahay UNHCR. SMS-ka waxa ku jiri doona tafaasiil ku saabsan sida loo ururiyo caawimada (halka laga ururiyo kaalmada, dukumeentiyada (haddii ay jiraan) aad u baahan doonto si aad u muujiso si aad u xaqiijiso aqoonsigaaga), iyo sidoo kale wakhtiga kama dambaysta ah ee helitaanka kaalmada lacagta caddaanka ah. Waxa kale oo laga yaabaa in aad telefoon  kugula  soo xiriiraan   shaqaalaha Caritas.

Fadlan iska hubi inaad xogtaada la Xiriirtid  ilaa wakhtigan UNHCR, si aanu awood ugu yeelano inaanu ku helno. Haddii aad beddesho nambarkaaga, fadlan hubi inaad sida ugu dhaqsaha badan noogu soo gudbiso Qadka telefonka ee UNHCR

Haddii aad rabto inaad wax ka waydiiso natiijooyinka qiimayntaada, waxaad la xiriiri kartaa Caritas ugu yaraan saddex bilood ka dib waraysiyada qiimaynta, laakiin ma aha ka hor intaan go’aanka la heli karin

Halkee buu ka dhacayaa waraysiga qiimaynta?

Inta badan wareysiyada waxaa lagu qabtaa dhismaha Caritas midkood madiinat Nasar  , 6 Oktoobar, Alexandria ama Dimyaat. Si kastaba ha ahaatee waraysiyada qaar ayaa laga yaabaa inay ka dhacaan gurigaaga. Qoysaska waxaa lagu wargelin doonaa ka hor taariikhda iyo wakhtiga waraysiga, iyo dukumeenti kasta oo loo baahan doono inta waraysigu socdo. Haddii  waraysiyada guriga ka dhacayo  fadlan hubi inaad siiso Caritas ciwaankaga saxda ah iyo calaamad cad fadlan hubi inaad diyaar u tahay wakhtiga booqashada guriga ee loo qorsheeyay.

Maxaa dhici doona inta waraysigu socdo?

Dhammaan shaqaalaha Caritas waxay bilaabi doonaan waraysiga iyagoo is-baray, shaqadooda Caritas iyo ujeedada wicitaanka. Haddii ay dhacdo booqashooyin guri, waxay soo bandhigi doonaan caddaynta aqoonsiga. Waxay sidoo kale kula fiirin  doonaan macluumaadka diiwaangelintaada. Xubin ka mid ah shaqaalaha Caritas ayaa ku weydiin doona su’aalo adiga iyo qoyskaaga ku saabsan taas oo qayb ka ah xog-ururinta ay UNHCR horay u soo saartay si loo go’aamiyo u-qalmitaankaaga kaalmada lacageed. Fadlan hubi inaad bixiso macluumaad sax ah oo buuxa inta lagu jiro waraysiga sababtoo ah tani waxay saameynaysaa natiijooyinka. Haddii aadan fahmin mid ka mid ah su’aalaha, ha ka cabsan  inaad weydiiso xubin ka tirsan shaqaalaha Caritas si aad u fahantid.

Intee in le’eg ayaa wareysigu qaadan doonaa?

Wareysigu wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad ​​hal saac, iyadoo ay ku xirantahay  tirada qoyska.

Sideen isku diyaariyaa?

  1. Fadlan hubi in nambarkaaga gacanta ee la cusboonaysiiyay ay hayso La xiriir  Qadka telefoonka Ee UNHCR  haddii ay dhacdo inaad beddesho lambarkaaga telefoonka.
  2. Intaa waxaa dheer, fadlan u diyaarso adiga iyo dhammaan xubnaha qoyskaaga dukumentiyada aqoonsiga UNHCR.
  3. Waxa kale oo lagu weydiin doonaa inaad muujiso dukumeenti kasta oo aad haysato, sida heshiisyada kirada, biilasha (korontada iyo gaaska), warbixinnada caafimaadka, iwm. Fadlan diyaar ha ku ahaadaan dukumentiyadan wakhtiga waraysiga.

Yaa ka qayb galaya waraysiga?

Codsadaha maamulaha ee ka diiwaan gashan UNHCR waa in uu ku buuxiyaa xog-ururinta xog-ururinta, isaga/iyada  ayaa mas’uul ka ah in uu bixiyo macluumaad sax ah dhammaan xubnaha ka diiwaangashan galkiisa/keeda waxaana laga rabaa in uu keeno aqoonsigooda ka hor wareysiga. Haddii booqasho guri looga baahan yahay waraysiga, dhammaan xubnaha waxa lagu dhiirigelinayaa inay ka soo qaybgalaan waraysiga oo ay xogtooda si toos ah uga faahfahiyaan waraysiga.

Ma la waraysan doonaa qoysaska aan diiwaangashanayn?

Qoysaska aan diiwaangashanayn laguma dari doono waraysiyadan mana u qalmaan kaalmada lacageed ee ujeedooyinka badan leh.

Ma samayn karaa ballan la ii sheegay. Dib ma u dhigi karaa?

Haa Haddii aad u baahan tahay inaad ballantaada dib u dhigto, fadlan u sheeg Caritas ugu yaraan laba maalmood ka hor taariikhda waraysigaaga. Waxaad dib u qabsan kartaa adiga oo wacaya lambaradan: dhamaan degmooyinka : 15946

Haddii Caritas aan hore loogu wargelin baajinta, waxaa jiri doona dib u dhac weyn oo ku saabsan qabashada waraysigaaga waxaana laga yaabaa in aanay kula soo xiriirin  Caritas.

Maxaa dhici doona waraysiga kadib?

Habka go’aaminta u-qalmitaanka iyo go’aanka u-qalmitaanka ayaa qaata ugu yaraan saddex (3) bilood. Haddii ay dhacdo in laguu doorto inaad hesho kaalmo lacageed, UNHCR waxay kuugu soo dirifariin qoraaled (SMS) lambarkaaga taleefoonka ee diiwaangashan oo ay ku qoran tahay qaddarka aad xaqa u leedahay iyo tafaasiisha sida aad u qaadan karto kaalmadaada lacagta caddaanka ah. Haddii aad rabto inaad wax ka waydiiso go’aanka u-qalmitaankaaga waraysiga ka dib, fadlan la xiriir Caritas ugu yaraan saddex bilood ka dib markaad waraysiga martid  oo aan ka horrayn.

Markii aan waydiiyay natiijadii waraysiga, waxa la ii sheegay in aan ku jiro liiska sugitaanka. Taas macnaheedu waa maxay? Goorma ayaan filayaa in aan helo kaalmo lacageed?

Ku jirida liiska sugitaanka waxay la macno tahay in kiiskaagu buuxiyey  shuruudaha xaq u yeelashada UNHCR, si kastaba ha ahaatee, xaddidnaanta maalgelinta awgeed kiisaska kale ee la ogaaday inay aad u nugul yihiin ayaa mudnaanta la siiyay inay helaan gargaar lacageed oo joogto ah. UNHCR waxa ay dadaal badan ku bixinaysaa sidii ay ugu doodi lahayd baahida qaxootiga deeq bixiyayaasha, haddii UNHCR ay hesho dhaqaale dheeraad ah mustaqbalka, kiiskaagana uu weli buuxinayo shuruudaha u qalmida UNHCR wakhtigaas, waxa laga yaabaa in lagu daro gargaarka, ka dibna waxa aad heli doontaa fariin Qoraaled (SMS) talefoonkaaga diiwaangashan oo kugu wargelinaya go’aankan.

Maxaan sameeyaa haddii wareystaha/ xog-uruiyaha uu i weydiiyo su’aalo iga dhigaya kuwo aan raaxo lahayn?

Dhammaan su’aalaha waraysiga waxaa loogu talagalay in lagu ururiyo macluumaadka muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah UNHCR si ay u go’aamiso xaaladdaada dhaqaale, iyo markaa u-qalmitaankaaga gargaarka lacagta caddaanka ah. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad dareentay raaxo la’aan inta lagu jiro wareysiga, fadlan kala  xiriir Caritas welwelkaaga. Haddii aad awooddo, hubi inaad bixiso magaca xog-uruiyaha/wareestaha  kaas oo aad ka welwelsan tahay.

Waxa la i waydiistay in aan bixiyo lacag lagu daro liiska kaalmada lacageed, maxaan sameeyaa?

Fadlan ha aaminin qof kasta oo sheeganaya inuu si toos ah kuugu dari karo liiska ka-faa’iideystayaasha beddelka lacagta. Habka go’aaminta u-qalmitaanka ayaa si otomaatig ah loo isticmaalayaa iyadoo la isticmaalayo qaacidada miiska mana jirto faragelin bini’aadam oo suurtagal ah. UNHCR waa go’aanka kama dambaysta ah ee la xirira  ka mid noqoshada kaalmada lacagta caddaanka ah.

Adeegyada UNHCR waa bilaash. Ha bixin kharashka waraysiga oo ugu  soo sheeg dhacdas  UNHCR Qadka macluumaadka telefonka  isla markiiba.

Waxaan kaa codsaneynaa inaadan la macaamilin qof kasta oo sheeganaya inuu bixiyo ama dedejiyo mid ka mid ah adeegyada UNHCR iyo inaad ku  soo sheegto dhacdada sida kiis khiyaano ah: [email protected]

Sideen ku ogaan karaa inta ay tahay in aan helo haddii aan xaq u yeesho kaalmada lacageed?

UNHCR waxay kuu soo diri doontaa fariin qoraaled (SMS) ay ku jirto cadadka kaalmadaada lacagta caddaanka ah. Qadarka kaalmada lacageed way ku kala duwan tahay qoys ilaa qoys kale iyadoo ku xirantahay tirada xubnaha qoyska (sida ka diiwaan gashan UNHCR).

Maxay tahay sababta ay kaalmada lacagta caddaanka ahi u korodhay/ hoos u dhacday?

UNHCR waxa ay ku bixisaa kaalmo lacageed oo ku salaysan miisaan tixgalinaya tirada qoyskaaga. Qadarka aad hesho waxa laga yaabaa inay isbedesho iyadoo ay ugu wacan tahay isbedelada tirada qoyskaaga.

Ilaa intee ayaan helayaa kaalmada lacagta caddaanka ah?

Kaalmada lacagta caddaanka ah waxaa la bixiyaa oo keliya muddo xaddidan iyadoo lagu saleynayo u-qalmitaankaaga joogtada ah iyo helitaanka lacag. Haddii aadan hadda u qalmin kaalmada sida waafaqsan shuruudaha UNHCR, UNHCR waxay kuu soo diri doontaa fariin Qoraaled (SMS-kan)soo socda si ay kuu ogeysiiso taariikhda joojinta kaalmada lacagta caddaanka ah.

“Kiiskaga [INSERT CASE NUMBER] uma qalmi doono gargaar lacageed oo joogto ah sida waafaqsan shuruudaha UNHCR. Caawimadaada waxa laga joojin doonaa [MM/YY]”

Sideen ku ogaan karaa marka kaalmadaydu dhammaan doonto?

Haddii aadan hadda u qalmin gargaarka lacagta caddaanka ah sida waafaqsan shuruudaha xaq u yeelashada UNHCR, UNHCR waxay kuu soo diri doontaa fariin Qoraaled SMS) oo ay ku qoran tahay taariikhda dhammaadka kaalmadaada lacageed lambarka taleefanka ee ka diiwaangashan UNHCR.

“Kiiskaga uma qalmi doono gargaar lacageed oo joogto ah sida waafaqsan shuruudaha UNHCR. Caawimadaada waxa laga joojin doonaa [MM/YY]”

Haddii kaalmadaada la joojiyo si lama filaan ah oo aadan ka helin fariin qoraal ah taleefankaaga diiwaangashan oo leh taariikhda dhamaadka kaalmada, fadlan la xiriir  Caritas Xaaladaha Qaas ah .

Sideen u Qaadan karaa kaalmadayda lacagta caddaanka ah?

Waxaad ka soo qaadan kartaa kaalmadaada lacagta caddaanka ah ee laanta boostada ee Masar. Marka kaalmadaada la diyaariyo Boostada masar , waxa aad heli doontaa fariin qoraaled ogaysiis ah UNHCR talefoonka ka diiwaan gashan UNHCR taas oo muujinaysa cadadka lacagta ay tahay in aad hesho iyo wakhtiga kama dambaysta ah ee helitaanka gargaarka. Fadlan hubi inaad tagto xafiiska boostada marka aad hesho fariin Qoraaled  (SMS.) Sidoo kale, fadlan hubi in aad had iyo jeer ka dhigto lambarkaaga teleefankaaga UNHCR, oo aad had iyo jeer cusboonaysiiso kaadhkaaga UNHCR maadaama kaadhadhka UNHCR ee dhacay aan laga aqbalin xafiisyada boostada Masar

Haddii ay dhacdo in lagugu ogeysiiyo ururinta lacagta caddaanka ah ee sawirka indhaha; waxaa lagaaga baahan doonaa inaad la xiirtid  xafiiska boostada ee sawirka indhaha  ee awood u leh liiska hoose. Haddi ururin sawirka indhaha awood u leh aan lagu xusin  farinta qoralkada (SMS-gaaga,) markaa waxaad kaalmadaada ka heli kartaa laanta boostada adoo isticmaalaya kaarkaga UNHCR ee saxda  ah.

Cinwaanka Laamaha Bostada

Waqooyiga Oktoobar Magaalada

1 :- isgooska El Hosari  ee ka dambeeya Masjidka El hosari

2:- isgooska Adeegga Degmada Lixaad ee ka dambeeya Qaybta Taraafikada Oktoobar

3 Degmadda toddobaad Kilinka toddobaad, oo ku xiga Qasriga Dhaqanka

4 Degmada lixaad 6aad, xaafadda 6aad, xarunta Al-haram

5 Degmada Saddexaad , Xarunta Al-xigaz

6 Degmada Koowaad – , Sheekh Zayed, oo ku xiga Isbitaalka Dadweynaha

7 Oktoobar Degmada 6-aad ee ugu weyn, oo ku xigta Bartamaha Oktoobar 2

Giza

8 Ard El Lewa wadada Taraet Al-Zumar , Ard El Lewa

9 Haram Central Haram Street, ee ka soo hor jeedda Qaahira Mall, oo ku xigta bartamaha haram

10 Kafr Tohormos Agabka Kafr Tohormos baqarka pipe

11 El Maleka Camr Bin Al-Aas xaafad ka baxsan wadada El Maleka, Faysal

12 El Mohandessin 1 Musa Galal isgoyska, Mohandessin, gadaashiisa Suuqa Sacuudiga

13 Rabie El Gizy Al-Rabi’ Al-Jizzi Complex ee Maamulka

Bartamaha iyo Waqooyiga Qaahira

14 Qaahira Main 1 Abdel Khaleq Tharwat Street

15 Ramsis 57 Ramsis wadada

Koonfurta Qaahira

16 El Maadi 9th wadada , Maadi

17 Hadayek El Maadi wadada 105, Hadayek El Maadi

Bariga Qaahira

18 Zahraa Ain Shams 121 Zahraa St., Ain Shams

19 Ain Shams 5 Kamel Mahdi wadada  – ka Qamar Street – Axmed Essmat

20 Martyr Abdel Moneim Riad 23 Luulyo Villas – Aziz Al Masry – Gesr El Suez

21 Qubaa East 59 Quba Masjid Street – Magaalada Quba

22 Abbasiya First 5 Salim Abdo St. – Abdo Pasha Square – Abbasiya

23 Xaafadda Sideedaad Ka Dib Dugsiga Al-Manhal- 14 Waddada Axmed Xasan – Xaafadda Sideedaad

24 Xaafadda Tobnaad ee Degmada Tobnaad- Waddada Mahdi Carafa – Dhismaha No. 14 – Taawar Rawda

25 Hadayek El Qobba 133 Misr Sudan Street – Hadayek El Qobba

26 Dhismaha Mashruuca Swiss 94 – Mashruuca Swiss

Kattameya

27 Guryaha Dhalinyarada Obour Obour Youth Obour City

28 Obour City Obour City

29 Xaafadda Koowaad 10-ka Ramadaan

30 Waalan

31 10 ka Ramadaan 10 ka Ramadaan

32 Xaafadda Sagaalaad 10ka Ramadaan

Damietta

33 Dhismaha Hay’adda Dhismaha Cusub ee Damietta

34 Kulliyadda Ganacsiga New Damietta, oo ku xigta Kuliyadda Ganacsiga

35 New Damietta Xaafadda Labaad Labaad, Degmada Koowaad – Dhismaha Suuqa ee New Damietta

36 Mubaarak Housing oo ku xigta qaybta taraafigga ee New Damietta

Dakahlya

37 El Bahr El Sagheer Mansoura, Gohar Al-Saqali Street, ka baxsan Al-Geish Street, oo ku xigta boosteejada basaska caalamiga ah

Alexandria

38 El Mandara El Mandara oo ku yaal afaafka hore ee saldhigga tareenka

39 Sidi Beshr Abu Qir Street ee ka soo hor jeedda Saldhiga Sidi Gaber

40 Madinet Faysal Magaalada Faysal, Siidii Bishar

41 Alexandria Main Chamber of Commerce Street, oo ku xigta Abu Ghareeb

42 El Saray Sidi Bishr Tram Station

Borg El Arab

43 El Agamy Bitash Al-Ajami, oo ka hooseeya Tower Qoysaska

44 Guriyeynta El Amiriya El A’ameria

45 Old Borg El Arab Magaaladii hore ee Borj Al Arab, oo ku xigta golaha magaalada

Aswaan

46 Aswan Aswan, New Street, gadaashiisa B.Tech

Sideen ku ogaan karaa in aan lacagta caddaanka ah ku helayo iskaanka Iris ama kaarka UNHCR?

Waxaad xogtan ku ogaan doontaa ogeysiiska fariin qoraal ( SMS-ka )ee aad ka heli doonto UNHCR. Haddii aad rabto inaad kaalmada lacagta caddaanka ah ku hesho scan Iris, tan waxaa lagu caddeeyey fariin qoraled ( SMS-ka.) Sidoo kale, hyperlink ee liiska xafiisyada boostada ee Awooda u leh sawirka indhaha ayaa lagu bixin doonaa SMS-ka.

Haddii kale, iyo haddii SMS-ku aanu sheegin in aad iris-awood u leedahay, markaa waxaad ka heli kartaa kaalmadaada lacagta caddaanka ah laanta boostada ee Masar oo dhan adiga oo isticmaalaya kaarkaada UNHCR ee sax ah.

Tusaalaha SMS-ka ee aad heli doonto ayaa hoos lagu muujiyay

Aruurinta Lacagta Karti-Qaran:

“Kiiskaga [INSERT CASE NUMBER] wuxuu xaq u leeyahay gargaar lacageed oo joogto ah. Waxaad ka heli doontaa cadad lacageed oo ah [INSERT VALUE] EGP iyada oo loo marayo iskaanka IRIS ee Xafiiska Boostada ilaa [GALI DHAMMAAN DATE]. Si aad u hesho Xafiiska Boosta ee Iris-Enabled ee kuugu dhow fadlan

Hubi [GALI URL]. Muddada gargaarku waxay ku xirantahay  helitaanka maalgelinta iyo buuxinta shuruudaha u-qalmitaanka.

Qaadashada  Lacagta sawirkaindhaha:

“Kiiskaga [INSERT CASE NUMBER] wuxuu xaq u leeyahay gargaar lacageed oo joogto ah.  Waxaad Xafiiska Boostada ku heli doontaa cadad kaash ah [INSERT VALUE] EGP ilaa [GALI END DATE]. Raac xiriirkan si aad u hesho Xafiiska Boosta ee kuugu dhow [INSERT URL]. Muddada gargaarku waxay ku xidhan tahay helitaanka maalgelinta iyo buuxinta shuruudaha u-qalmitaanka.”

Haddii aadan weli hubin in ay tahay in aad gargaarkaaga ku hesho iris-scan, fadlan kala xiriir khadka caawinta ee Caritas 15946 waxayna ku siin doonaan macluumaadka lagama maarmaanka ah.

Maxaan ku sameeyaa xafiiska boostada si aan u ururiyo kaalmadayda?

Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo midkood:

U soo bandhig kaadhka aqoonsiga UNHCR oo ansax ah khasnajiga boostada. Xafiiska boostada ayaa dib u eegi doona sawirkaaga, lambarkaaga kiiska, magaca iyo kaadhka taariikhda uu dhacayo. Markaas, waxaad heli doontaa kaalmada lacagta caddaanka ah. Nidaamku waa isku mid dhammaan xafiisyada boostada.

AMA

  • Ka baadh iris-kaaga sawirka iris-ka ee xafiiska boostada. Haddii sawirka iris-kaagu uu la mid yahay diiwaannada UNHCR, waxaad heli doontaa kaalmada lacageed. Fadlan hubi inaad ku hayso iris-scanner isla heerka indhahaaga, ma hoos, iyo inaad si toos ah u eegto iris-scanner oo indhahaagu furan yihiin, si aad u hubiso aqoonsiga saxda ah ee indhahaaga. Fadlan ha libiqsin oo ha eegin dhinac marka iriskaaga la sawirayo. Sidoo kale, fadlan iska hubi inaadan xidhan muraayadaha indhaha ee midabaysan ama qaabaysan.

 

Labada xaaladoodba waxa aad u baahan doontaa in aad keento kaarkaagii UNHCR oo sax ah.  Waa muhiim inaad wakhti ku habboon u cusboonaysiiso kaadhkaaga UNHCR maadaama kaadhadhka UNHCR ee dhacay aanay aqbalin Egypt Post.

Waxaan tagay Xafiiska Boostada, waxaana la ii sheegay inaysan lacag ii haynin, inkastoo SMS-ku igu soo dhacay.

Fadlan hubi inaad raacdo tilmaamaha fariin qoraaledka(SMS) oo xusuusnow:

  • Keliya codsadaha maamulaha kiiska lagu sheegay fariin qoraaled (SMS) ayaa caawin kara. Ma jiro qof kale oo qaadi kara kaalmada lacagta caddaanka ah isagoo ka wakiil ah codsadaha maamulaha. (ilaa aad ka codsatid ergada Caritas oo aad magacowdo qaade beddel ah)
  • Hubi inaad qaadato caawimada ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee qadadhada lacagta caddaanka ah – lagu tilmaamay farinta qoraalka ah (SMS-ka).
  • Xafiiska boostada, hubi inaad isku heer ku hayso sawirka indhaha , iyo inay indhahaagu furnaadaan oo si toos ah u eegayaan iskaanka marka iriskaaga la sawirayo. Iska hubi inaadan libiqsin ama aanad dhinac u eegin inta ishaada la sawirayo. Sidoo kale, iska hubi inaadan xiran muraayadaha indhaha ee midabka leh ama qaabaysan.
  • U dhowow xafiisyada boostada ee iris-awood u leh ama isku day mar kale maalin kale.

 

Haddii dhibaatada aan la xalin ka dib marka la raaco dhammaan kuwan kor ku xusan, fadlan kala xiriir  Caritas Baahiyaha Aasaasiga ah 15946 sida ugu dhakhsaha badan si aad cabashadaada ugu duubto nidaamka. Tani waa tallaabo aad muhiim u ah. Haddii aan cabasho rasmi ah laga keenin Caritas Baahiyaha Aasaasiga ah, UNHCR ma awoodi doonto inay si wax ku ool ah wax uga qabato arrinta. La-taliye ka socda Caritas ayaa kaala hadli doona oo kaa caawin doona xallinta dhibaatada wuxuuna sidoo kale ku qori doonaa cabashadaada nidaamka.

UNHCR waxay baari doontaa sababaha arrintaada haddii lagu ogaado inaad raacday tillaabooyinka kore, UNHCR waxay dib u bixin doontaa kaalmada lacagta caddaanka ah ee saxda ah 60 maalmood gudahooda laga bilaabo wakhtiga kama dambaysta ah ee lacagta caddaanka ah. Waxaa lagugu ogeysiin doonaa SMS goorta, meesha, iyo sida aad u qaadan karto kaalmadaada. Fadlan si joogto ah uga hubi teleefankaaga diiwaangashan SMS-ka UNHCR.

Fadlan ogow in dhammaan cabashooyinka la xiriira gargaarka lacagta caddaanka ah ee UNHCR ay tahay in lagu diiwaangeliyo baahiyaha aasaasiga ah ee Caritas. Laguma diiwaangeliyo xafiisyada UNHCR.

Waxaan helay SMS ogeysiis ah in aan xaq u leeyahay kaalmada lacagta caddaanka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaan haystaa kaarka UNHCR oo dhacay. Maxaan sameeyaa?

Haddii kaarkaagu uu dhacay, waxaanu si adag kuugula talinaynaa inaad sida ugu dhakhsaha badan u codsato balan cusboonaysiinta adigoo la xidhiidhaya UNHCR Infoline Fadlan u sheeg UNHCR inaad ku jirto kaalmo lacageed wakhtiga aad codsanayso balanta cusboonaysiinta. Fadlan ogow in Egypt Post aysan aqbalin kaarka UNHCR ee dhacay, mana awoodi doontid inaad hesho kaalmada lacagta caddaanka ah haddii uu kaadhkaagu dhacay.

Waxaan qabaa xaalad degdeg ah mana tagi karo xafiiska boostada si aan u helo kaalmada lacagta caddaanka ah (maalintii aan helay SMS-ka). Maxaan samayn karaa?

UNHCR waxay siisaa qaxootiga iyo magangelyo-doonka waqti ku filan oo ay ku soo ururiyaan kaalmada lacagta caddaanka ah. Sidaa darteed, UNHCR waxay inta badan ku kordhisaa muddada ururinta shan maalmood oo shaqo . Wakhtiga saxda ah waxa ku jira fariinta qoraalka ah ee ay soo dirtay UNHCR, markaa fadlan la xidhiidh xafiiska boostada ee kuugu dhow ka hor inta aanu dhammaan wakhtiga lacag ururinta, haddii kale ma awoodid inaad soo qaadato kaalmada lacageed.

Waxa aan helay fariin SMS ah oo igu wargelinaysa in aan u dhawaado xafiiska boostada si aan uga soo qaato kaalmadayda lacagta caddaanka ah ee aan ku isticmaalayo iskaanka iris, laakiin xaalad caafimaad ayaa indhahayga ku taal. Maxaan sameeyaa?

Haddii aad la ildaran tahay cillad aragga ama dhibaatooyinka indhaha ee waaweyn sida indho-beelka ama lagugu sameeyay qalliin lagugu sameeyay xaaladaha isha taasoo horseedda cilladda iris-ga, fadlan hubi inaad tan u soo wargeliso Caritas ugu yaraan saddex maalmood ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee ururinta iyo habka ururintaada. Wax laga beddeli doono. Caritas waxay ku wayddiin doontaa inaad bixiso warbixino caafimaad oo sax ah oo ay ku jiraan ogaanshahaaga caddayn ahaan xaaladahaaga isha, markaa fadlan diyaar u noqo inaad dukumentiyadan la wadaagto Caritas. Waxaad heli doontaa SMS kale oo kuu sheegaya wakhtiga cusub ee kaalmada lacagta caddaanka ah ee kaadhkaaga UNHCR. Fadlan mar walba ka hubi teleefankaaga diiwaangashan SMS-ka UNHCR ka dib marka aad dacwooto.

Yaa soo ururinaya kaalmada lacagta caddaanka ah?

Codsadaha maamulaha ah ee ka diiwaangashan UNHCR waxa uu helayaa kaalmada lacagta caddaanka ah isagoo ka wakiil ah qoyska. Ilaa madaxa qoysku go’aansado in uu u wakiisho shakhsi kale oo kiiska ku jira si uu u helo lacag isaga/iyada ka wakiil ah sababo adag oo macquul ah oo ka dhigaya maamulaha codsadaha in aanu tagi karin xafiiska boostada. Si aad u wakiisho qof ku jira kiiskaaga si uu kuugu soo ururiyo kaalmada lacagta caddaanka ah isagoo ku hadlaya magacaaga, fadlan la xidhiidh Caritas 15946 si aad u buuxiso oo aad u saxeexdo codsiga ergada.

Waxaan rabaa in xubnaha qoyskayga [ilmaha, walaalka, xaaska] uu u soo ururiyo lacagta kaalmada aniga oo ku hadlaya magacayga, maxaan sameeyaa?

Waxaad u wakiin kartaa ururiye kale oo ku saabsan kiisas gaar ah oo kaliya haddii aad leedahay sababo aad u adag oo kaa hor istaagaya inaad aado xafiiska boostada si aad u hesho kaalmada lacagta caddaanka ah, tusaale ahaan xaaladaha caafimaad ee saameeya dhaqdhaqaaqa. Si aad u magacawdo ururiye kale, fadlan la xidhiidh Caritas Basic Needs 15946 arrinta waxayna ku geyn doonaan habka. Waxaa lagaa filayaa inaad magacawdo ururiye kale oo leh isla lambarka kiiska UNHCR si uu u helo kaalmadaada lacageed. Waxa kale oo lagaa filayaa inaad u tagto Caritas Baahiyaha Aasaasiga ah ee shakhsi ahaan adiga iyo ururiyaha beddelka ah ee la magacaabay oo labadiinaba waxaad buuxin doontaan oo aad saxeexi doontaan foomka ergada. Nidaamyada waxaa loo dejiyay si loo ilaaliyo xaqa aad u leedahay. Iskaashigaaga ayaa loo baahan yahay. Fadlan ogow in ergadaadu ay shaqaynayso ugu badnaan 12 bilood, ka dib waxay si toos ah u dhacaysaa Haddii aad rabto in aad dib u cusboonaysiiso weftiga, waxa aad u baahan doontaa in aad la xidhiidho Caritas oo aad saxeexdo foom wefti cusub ugu yaraan hal bil ka hor inta aan la gaadhin wareegga xiga ee lacag ururinta.

Qofka aan u magacaabay in uu helo kaalmada aniga oo wakiil ka ah ayaa diiday in uu i siiyo lacagta. Maxaan sameeyaa?

Waxaad soo gudbin kartaa codsi ah in aad tirtirto/ka noqoto magacaabistaada ururiyaha kale ee Caritas. Codsigaaga dib ayaa loo eegi doonaa, codsigaaga ah in la baabi’iyo magacaabistaada ururiye kale waxa uu noqon doonaa mid hirgala laga bilaabo wareegga xiga ee lacagta caddaanka ah codsigaaga ka dib.

Maxaan sameeyaa haddii aan ku khilaafo madaxa qoyska qaybinta lacagta???????

In kasta oo kaalmada lacagta caddaanka ah loo qaybiyo codsadaha maamulaha ee ka diiwaangashan UNHCR, waxaa loola jeedaa in laga faa’iidaysto qoyska oo dhan. UNHCR ma farageliso isku dhacyada qoyska si ay u go’aamiso qofka madaxa u ah qoyska iyo cidda u soo ururisa kaalmada lacageed. Waxaan idinku dhiirigelinaynaa inaad qoys ahaan wax wada qabtaan oo aad isku daydaan inaad xal u raadisaan khilaafkan.

Maxaan sameeyaa haddii qoyskeena uu isbedelay? (Tusaale ahaan: ku-dar-ku-darka xubin qoyska ka tirsan, geeridii codsade maamulaha)

Fadlan qabso ballan isdiiwaangelin sida ugu dhaqsaha badan si aad u hubiso in xubnaha saxda ah ee qoyskaagu ay si sax ah uga muuqdaan xogta UNHCR. Haddii codsadaha maamulaha ee soo ururiya kaalmada lacagta caddaanka ah uu geeriyoodo, waxaan aad kuugu dhiirigelinaynaa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu tagto si shakhsi ah si aad ballan uga qabsato Xafiiska UNHCR. Ma awoodi doontid inaad hesho kaalmada lacagta caddaanka ah adigoon bedelin codsadaha maamulaha.

Ma helayo SMS-ka kaalmada lacageed; laakiin markaan tago xafiiska boostada, waxaan ka helaa magacayga liiska, waa maxay sababta?

Farriimaha qoraalka ahi waa habka ugu muhiimsan ee ay UNHCR ku wada xiriirto, iyada oo loo marayo lambarka taleefanka aad siisay UNHCR. Haddii aadan helin ogeysiiska SMS-ka, fadlan hubi in dhammaan macluumaadkaaga xiriirka ay la cusboonaysiisay UNHCR. La xidhiidh UNHCR Infoline haddii ay dhacdo inaad beddesho lambarkaaga telefoonka. Sidoo kale, fadlan hubi in isku xidhka taleefankaagu uu shaqaynayo. Isku xirnaanta xun waxay saameyn kartaa gaarsiinta SMS-ga. Haddii aadan helin SMS wakhtiga caadiga ah ee bixinta lacagta caddaanka ah waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Caritas si aad wax uga weydiiso waqtiga iyo muddada lacag ururinta.

Markii aan u tagay si aan u helo kaalmadayda lacagta caddaanka ah, waxa la iga codsaday in aan bixiyo kharashyo dheeraad ah xafiiska boostada. Maxaan sameeyaa?

Helitaanka kaalmadaada lacagta caddaanka ah ee laamaha Boosta inta lagu jiro maalmaha shaqada iyo saacadaha caadiga ah (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista, laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 subaxnimo) waa lacag la’aan, mana aha inaad bixiso kharash dheeraad ah si aad u hesho lacagtaada gargaar. Haddii lagu weydiiyo inaad bixiso wax kharash ah oo dheeraad ah maalmahan iyo saacadahan caadiga ah ee shaqada, fadlan diid oo u soo sheeg dhacdadan Caritas/UNHCR.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu dhigayo xeerarka Egypt Post, haddii aad ka hesho kaalmadaada laamaha Boosta ee ka baxsan maalmaha shaqada ama saacadaha kor ku xusan, tusaale ka dib 3:00 galabnimo ama maalmaha Sabtida, waxa ku waydiin doona telifoonka inaad bixiso lacag dheeraad ah oo ah 10 EGP. Sidoo kale, haddii aad caawimadaada ka heshid xafiiska Boosta ee Kiosk/laanta mobilada wakhti kasta, waa inaad bixisaa lacag dheeraad ah oo ah 5 EGP.

Waxa aan aaday xafiiska boostada laakiin aad ayay u camiran tahay, waxa aan sugay wakhti dheer ka hor inta aanan helin kaalmadayda. Maxaan sameeyaa si aan taas mustaqbalka uga fogaado.

Haddii aad ku qaadanayso kaalmadaada lacagta caddaanka ah adigoo isticmaalaya kaarka UNHCR oo keliya, markaas waxaad aadi kartaa mid ka mid ah 4,000 ee laamood ee Masar Post oo laga qaybiyey Masar oo dhan. Haddii aad ku heleyso gargaarkaaga adigoo isticmaalaya iris-scanning, markaas waxaad la xiriiri kartaa mid ka mid ah 46 ka laamood ee hoos ku qoran si aad u hesho kaalmadaada. Haddii aad aragto mid ka mid ah laamahaas oo cidhiidhi ah, fadlan u tag xafiiska boostada ee Iris-awood u leh ee kuugu dhow sida ku qoran liiska hoose, ama weydii shaqaalaha xafiiska boostada ee xafiisyada boostada kale, waxayna ku bari doonaan si waafaqsan.

Waxa aan seegay xilligii ururinta UNHCR wali ma ii soo diri kartaa lacagta?

Maya. Kaalmada lacagta caddaanka ah ayaa laga heli karaa xafiiska boostada ilaa wakhtiga kama dambaysta ah lagu sheegay SMS.

Fadlan hubi inaad ku soo ururiso gargaarka lacagta caddaanka ah waqtigii loogu talagalay, gaar ahaan marka aad hesho SMS-ka taleefankaaga. Marka ay dhamaato xilliga lacag ururinta UNHCR waxay soo ceshataa gargaarkii lacagta caddaanka ah, mana jiri doonto suurtogalnimada in laguu soo diro kaalmada lacageed ee seegtay.

Yaan la xidhiidhaa haddii ay ila kulmaan dhibaatooyin kale ururinta kaalmadayda lacagta caddaanka ah?

Fadlan wac Khadka Caawinta Baahiyaha Aasaasiga ah ee Caritas 15946 haddii aad la kulanto dhibaato. La-taliyayaasha Caritas ayaa ku siin doona talada kugu habboon waxayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo loo baahdo. (Fadlan sida ugu dhaqsaha badan u samee ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee ururinta lacagta caddaanka ah si aad u awooddo inaad xalliso dhibaatadaada wakhtiga ku habboon).

Fadlan ogow in DHAMMAAN weydiimaha iyo cabashooyinka la xidhiidha gargaarka lacagta caddaanka ah ee UNHCR waa in lagu diiwaangeliyaa iyada oo loo marayo baahiyaha aasaasiga ah ee Caritas. Laguma diiwaangeliyo xafiisyada UNHCR. Cabashada rasmiga ah ee Caritas la’aanteed baahiyaha aasaasiga ah UNHCR ma awoodi doonto in ay arrintaada wax ka qabato si wax ku ool ah.

Go’aamada u-qalmitaanka iyo magdhawga ee ay qaadato UNHCR waxa si toos ah laguugu soo sheegi doonaa SMS Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in lambarkaaga teleefoonkaaga la cusbooneysiiyo. Adigoo la xidhiidhaya Diiwaangelinta UNHCR ama Infoline si aad u cusboonaysiiso lambarkaaga.

Maxaa dhacaya haddii aanan soo ururin kaalmada lacagta caddaanka ah?

Haddii aad ku guul daraysato in aad soo ururiso gargaarka lacagta caddaanka ah, waxa laga yaabaa in UNHCR ama lammaane kula soo xidhiidho telefoon oo lagu weydiiyo haddii aad la kulanto wax dhibaato ah helitaanka gargaarka. Haddii aadan u soo ururin kaalmada lacagta caddaanka ah laba wareeg oo qaybinta oo isku xigta, kiiskaaga waa laga saarayaa liiska lacagta caddaanka ah waxaana meeshaada lagu dari doonaa qoys kale oo nugul. Fadlan hubi inaad la xidhiidho Caritas Helpline 15946 mar kasta oo aad la kulanto xaalad kasta oo kaa horjoogsata inaad soo ururiso kaalmadaada lacagta caddaanka ah.

Waxa la i soo wacay taleefoon urur oo iga soo wacay su’aalo ku saabsan kaalmadayda lacagta caddaanka ah. Tani ma caadi baa? Miyaan bixiyaa jawaab celin iyo jawaab celin?

Xilliyada qaar UNHCR waxay si aan kala sooc lahayn u doorataa kooxo qaxoonti ah oo kaalmo lacageed ah si ay u ururiyaan aragtiyaha ku saabsan barnaamijka caawimada lacagta caddaanka ah iyada oo adeegsanaysa shirkad kormeere oo cid saddexaad oo idman oo la yiraahdo “SAGACI”. Sidoo kale, sahanno kale waxaa laga yaabaa inay UNHCR ku sameyso hay’ado kale (tusaale, CAPMAS) Haddii laguu doorto in lagu wareysto sahankan, waxaad heli doontaa SMS ka hor sahanka UNHCR si laguugu ogeysiiyo doorashadaada iyo magaca hay’adda samaynaysa sahanka oo wakiil ka ah UNHCR

Fadlan u fur oo sax jawaabahaaga marka ay caawinayaan UNHCR iyo La-hawlgalayaasheeda horumarinta adeegyada la siiyo qaxootiga. Sahanku ma saamaynayo u-qalmitaankaaga si aad u hesho kaalmo lacageed. Dhammaan sahannada la socodka waa ikhtiyaar mana saameynayaan kaalmadaada, jawaabaha aad bixiso waxaa loola dhaqmi doonaa si qarsoodi ah.

Hadda kama helayo kaalmada lacageed ee UNHCR, mana garanayo sababta. Maxaan sameeyaa?

UNHCR waxay si joogto ah u eegtaa xogta qoysaska Masar ka diiwaangashan. Ka hor wareeg kasta oo lacag caddaan ah, tiro qoysas ah oo aan buuxin shuruudaha xaq u yeelashada UNHCR ayaa laga saarayaa kaalmada lacageed iyadoo lagu saleynayo falanqaynta xogta la ururiyey. Sidoo kale, kiisaska aan soo ururin gargaarkooda lacagta caddaanka ah laba wareeg oo isku xigta oo qaybinta, iyo kiisaska leh faylal xiran iyo kuwa aan shaqayn ayaa laga saaray liiska lacagta caddaanka ah. Kiisaska aan hadda u qalmin gargaarka lacagta caddaanka ah waxay heli doonaan SMS ogaysiis ah UNHCR talefoonadooda diiwaangashan oo lagu ogeysiinayo go’aanka iyo taariikhda bilawga ah ee ka saarida.

Haddii xaaladaadu si weyn isu beddeshay tan iyo qiimayntii/waraysigii u dambeeyay (sida luminta isha ugu muhiimsan ee dakhliga/shaqada) fadlan la xidhiidh Caritas ugu badnaan laba toddobaad gudahood markaad hesho SMS-ka oo tilmaamaya isbeddellada xaaladdaada. Codsigaaga dib ayaa loo eegi doonaa, waxaana laga yaabaa inay kula soo xidhiidho Caritas si aad waraysi kale u samayso si loo go’aamiyo inaad weli buuxinayso shuruudaha u-qalmitaanka UNHCR iyo in kale.

Uma maleynayo in go’aanka la iga saaray liiska kaalmada lacageed uu ahaa mid sax ah. Waxaan rabaa inaan ka cawdo

UNHCR waxay si joogto ah u eegtaa xogta qoysaska Masar ka diiwaangashan. Saddexdii biloodba mar, tiro qoysas ah ayaa lagu daraa/laga saarayaa kaalmada lacagta caddaanka ah iyadoo lagu saleynayo falanqaynta xogta la ururiyay. Haddii aad aaminsan tahay inaad weli u qalanto kaalmada lacagta caddaanka ah waxaad la xidhiidhi kartaa Caritas laba toddobaad gudahooda markaad hesho go’aanka ka saarida kaalmada lacagta caddaanka ah si aad u soo gudbiso rafcaan. Codsigaaga waxaa dib u eegi doonta UNHCR, waxaana laga yaabaa in ay kula soo xiriirto UNHCR/Caritas si aad xog dheeraad ah uga qaadato.    Waxa aad SMS ka heli doontaa UNHCR haddii ay dhacdo in lagugu daro kaalmada lacagta caddaanka ah. Fadlan had iyo jeer hubi inaad cusboonaysiiso xogtaada diiwaangelinta UNHCR.

Hadda waxaan kaalmo lacageed ka helayaa UNHCR, waxaana ila soo xidhiidhay Caritas si aan waraysi kale u qaado. Waa maxay sababta, maxaan sameeyaa?

UNHCR waxay si joogto ah u eegtaa xogta qoysaska helay gargaarka lacagta caddaanka ah si loo hubiyo inay weli buuxiyeen shuruudaha u-qalmitaanka UNHCR ee gargaarka lacagta . Sidaas darteed, haddii ay kula soo xiriiri karto Caritas si aad u ballansato wareysi qiimeyn cusub si aad u cusboonaysiiso xogtaada UNHCR. Fadlan kala shaqee Caritas samaynta waraysiga qiimaynta. Sidoo kale, fadlan ogow in ku guuldareysiga inaad soo xaadirto wakhtiga ballanta iyadoon ogeysiis hore la helin ay keeni karto in si toos ah looga saaro kaalmada lacagta caddaanka ah.

Waxaan kala hadlay shaqaalaha UNHCR/Caritas kaalmadayda lacagta caddaanka ah, wayna edeb daran yihiin. Maxaan sameeyaa?

Haddii aad aaminsantahay in shaqaalaha bini’aadantinimo aysan u dhaqmin si xirfadeysan inta lagu guda jiro isdhexgalkaaga, waxaad raaci kartaa mid ka mid ah falalka soo socda:

  1. Ka codso la-taliye jooga Caritas si aad ugala hadasho welwelkaaga
  2. Soo gudbi cabasho qoraal ah oo ku rid sanduuqyada cabashada UNHCR;
  3. U gudbi cabasho qoraal ah shaqaalaha UNHCR marka aad booqanayso goobtaada;
  4. U dir email cabashadaada ah: [email protected]

Cabashooyinka qarsoodiga ah lagama baaraandegi doono Waa inaad sheegtaa magacaaga, lambarka kiiskaaga iyo macluumaadkaaga xiriirka. Fadlan hubi in aqoonsigaaga aan la sii wadaagi doonin ogolaanshahaaga la’aanteed. Fadlan hubi in cabashadaadu aanay sinaba saamayn ugu yeelanayn kaalmadaada. Fadlan la soco kanaalada sare waxa kaliya oo la isticmaalaa haddii aad cabasho ka qabto UNHCR/Caritas shaqaalaha ee maaha wax ku saabsan ku darista kaalmada lacageed ama macluumaadka guud.

Kiisaskee ayaa mudnaanta la siinayaa in la maro qiimeynta?

Kiisaska ay aqoonsadeen oo ay soo gudbiyeen waaxaha Ilaalinta ee UNHCR sababo la xiriira khataraha ilaalinta oo la adkeeyay lana xaqiijiyay.

Kiisaska codsanaya qiimayno cusub oo leh taariikhda qiimayntii ugu dambaysay laba sano ka hor ama ka badan.

Halkeen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada lacagta caddaanka ah ee ay bixiso UNHCR?

Wixii su’aalo ah, ra’yi-celin ah, ama cabasho ah oo ku saabsan kaalmada lacagta caddaanka ah, fadlan kala xidhiidh lammaanahayaga mashruuca Baahiyaha aasaasiga ah ee Caritas mid ka mid ah lambarrada telefoonka ee hoos ku qoran. Caritas waxay ka jawaabi doontaa dhammaan su’aalahaaga, waxay ku siin doontaa macluumaadka loo baahan yahay, oo waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, haddii loo baahdo.

Caritas Greater Qaahira:

  • Maalmaha shaqada iyo saacadaha shaqada: Axada ilaa Khamiista laga bilaabo 8 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo. Xidhan Jimcaha iyo Sabtida

Nambarada xiriirka (Lambarada macluumaadka): 15946

Caritas Alexandria:

  • Maalmaha shaqada iyo saacadaha shaqada: Axada ilaa Khamiista laga bilaabo 8:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo.
  • Xidhan Jimcaha iyo Sabtida.

Nambarada xiriirka (lambarada macluumaadka):15946

Caritas Damietta:

  • Maalmaha shaqada iyo saacadaha shaqada: Axada ilaa Khamiista laga bilaabo 9:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo.
  • Xidhan Jimcaha iyo Sabtida.

Nambarada xiriirka (lambarada macluumaadka):15946

Caritas Aswan:

  • Maalmaha shaqada iyo saacadaha shaqada: Axada ilaa Khamiista laga bilaabo 8:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo.
  • Xidhan Jimcaha iyo Sabtida.

Nambarada xiriirka (lambarada macluumaadka):15946