Ilaalinta Caruurta

1- Waxaan ahay ilmo aan la wehlin ama ilmo gooni ah oo ay haysato walaac cabsi badbaado / Waxaan ahay ilmo wajahaya xadgudub, dayac, kutumasho ama kafaa’iidaysasho, yaan la xiriiraa?

Waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa qaybta Badbaadinta Carruurta adiga oo adeegsanaya emaylka shaqeynaya ([email protected])

ama

  • La xiriir khadka telefoonka ee UNHCR lambarradan inta lagu jiro saacadaha shaqada (Axadda ilaa Arbacada 09:00 – 15:00 iyo Khamiista 09:00 – 12:00)

0227390400

2- Waxaan ahay ilmo aan la wehlin ama ilmo gooni ah. Waa maxay adeegyada la heli karo ee I caawinaya?

UNHCR waxay lashaqeysaa dhowr hay’adood si ay u siiyaan taageero iyo adeegyo caruurta aan lala socon iyo kuwa goonida ah. Tan waxaa ka mid ah caawimaadda shaqaalaha kiiska shaqsiyeed si uu kaaga caawiyo caafimaadkaaga, waxbarashadaada, guryiyeyntaada, iyo baahiyaha kale.

Waxaad ka heli kartaa dhammaan faahfaahinta warqadan:   Arabic | English |  Tigrinya

3- Sidee ayey carruurta aan la wehelin iyo kuwa goonida ah ee u qalma kaalmadooda dhaqaale u heli karaan?

  • Caruurta aan la wehlin iyo kuwa goonida ah ee da’doodu tahay 16 iyo 17 sana jirka  waxay heli doonaan kaalmadooda dhaqaale bil walba ee xafiiska Boostada Fariimaha SMS-ta ayaa loo diri doonaa ilmo walba shaqsi ahaan, muddada qaadashada. Caruurtu waxay qaadanayan Caawinaadooda Dhaqaale iyagoo isticmaalaya kaarkoodda assalka ah ee UNHCR.  Saacadaha shaqada ee Xafiiska Boostada waa laga billaabo 8.00 – 15.00, Axad ilaa Khamiis. Caruurto waa in ay tagi karaan xafiiska boost ee kuyaal xaafadooda.
  • Caruurta aan la wehlin iyo kuwa goonida ah jira 15 iyo kayar waxa ay ku qaadan doonaa lacag ahaan Karitas dhexdeeda waxayna heli doonaan fariin SMS ogaysiinaysa taariikhda ballanta.

 

Haddii aad la kulanto wax caqabado ah oo ku saabsan qaadashada kaalmada, la xiriir shaqaalaha kiiskaaga ama [email protected]