Isukeenida Qoyska

Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash!

Magangelyo-doon iyo qaxooti badan ayaa raba inay dib ugu laabtaan dalkooda isla marka aysan ka baqin in la dhibaateeyo, dalalkooda iyo aagga ay ka yimaadeenna waa nabad inay ku noqdaan. Mabda ‘ahaan, dib-u-celinta ikhtiyaari ah ee Masar waa suurtagal wakhti kasta, haddii shuruudaha waddankii asal ahaan loo helo inay ammaan yihiin oo ku habboon soo noqoshada. Dib-u-celinta ikhtiyaari ah waa inay had iyo jeer ku dhacdaa ammaan iyo sharaf waxayna ku saleysan tahay go’aan xog-ogaal ah – UNHCR ayaa ku siin doonta macluumaadka ku saabsan xaaladaha dalkaaga.

Haddii aad ku fikirayso inaad ku laabato dalkaagi, fadlan kala xidhiidh UNHCR khadka caawinta.

UNHCR Masar, waxay kaa caawin kartaa arrimaha soo socda:

  • Tagitaanka ka hor: Hubinta in soo laabashadaadu ay ku dhacdo xaalad badbaado, sharaf iyo ammaan ah oo ay kaa caawiso qorshaynta safarkaaga soo laabashada. UNHCR waxa laga yaabaa inay ku siiso macluumaadka ku saabsan xaaladaha dalkaaga si ay kaaga caawiso inaad gaadho go’aan xog ogaal ah.
  • Kharashka gaadiidka: UNHCR Masar waxay kuu jari doontaa tigidhada duulimaadka waxayna ku siin doontaa kaalmo lacag caddaan ah si aad u daboosho kharashyada aasaasiga ah iyo safarka gudaha waddankaagi.