Shahaadooyinka Dhalashada ee Dhallaanka

Sida lagu sheegay sharciga madaniga ah ee Masar, dhammaan dhallaanka cusub waa in lagu diiwaangeliyaa 15 maalmood gudahood laga billaabo taariikhda dhalashada. Diiwaangelinta dhalashada waxa ay kaa caawinaysaa ka hortagga jinsiyad la’aanta maxaa yeelay waxa ay dejinaysaa diiwaan sharci ah oo ku saabsan halka cunuggu ku dhashay waxa ayna badanaa shardi asaasi ah u tahay helitaanka dukumenti cadaynaya dhalashada.

Halkeen ka diiwaan gelin karaa dhalashada caruurteyda?

Fadlan aad xafiiska caafimaadka ee meesha dhalashada. Fadlan xusuusnow in aad keento dukumintiyada la codsaday oo dhan si aad u hesho shahaadada dhalashada.Dukumiintiyada loo baahan yahay:

  • Dukumiinti guur ama sharci furitaan sharci ah lana oggol yahay.
  • Warqadda ogeysiinta dhalashada ee isbitaalka ama xarunta caafimaadka.
  • Kaarka diiwaangelinta ee UNHCR ama baasaboorrada sharciga ah ee waabaha iyo hooyada.
  • Shahaadada dhimashada haddii aabuhu dhintay, Xaaladda dhalamo ee guriga, fadlan u sheeg xafiiska caafimaadka si aad u soo saarato warqadda ogeysiisnta dhalashada.

Kaliye Dadka soo socda ayaa ka codsan kara warqada dhalashada xafiiska caafimaadka:

  • Aabaha
  • Hooyada (oo wadata aqoonsiga aabaha)
  • Walaal qaangaar ah ee dhanka aabaha ah (oo wata aqoonsiga aabaha)
  •  Awoowe/Ayeeyo ama Eedo/Adeer dhanka aabaha ah (oo wata aqoonsiga aabaha)

Haddii shahaadada dhalashada aan lagu helin 15 maalmood gudahood, fadlan tag mid kamid ah xafiisyada Guddgiga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Wasaaradda Arrimada Gudaha Masar.

Dukumiintiyada loo baahan yahay:

  • Dukumiinti guur ama sharci furitaan sharci ah lana oggol yahay.
  • Warqadda ogeysiinta dhalashada ee isbitaalka ama xarunta caafimaadka.
  • Kaarka diiwaangelinta ee UNHCR ama baasaboorrada sharciga ah ee waabaha iyo hooyada.
  • Shahaadada dhimashada haddii aabuhu dhintay, Xaaladda dhalamo ee guriga, fadlan u sheeg xafiiska     caafimaadka si aad u soo saarato warqadda ogeysiisnta dhalashada.
  • Laba sawir ee dhallaanka (cabbirka 4 *6)
  • Foomka 26, ee laga heli karo xafiis kasta ee diiwaangelinta madaniga ah.

 Haddii aadan heli karin dukumintiyada loo baahanyahay, haddii aabuhu uusan joogin ama haddii lakulanto dhibaatooyin kale, fadlan la xiriir khadka telefonka ee UNHCR.