Xarunta ADAMA

Qaxootiga iyo magangalyo-doonka Giriiga hadda waxay heli karaan caawimaad wax ku ool ah, talo iyo caawimaad ku saabsan sida looga shaqeysto suuqa Shaqaalaha ee Giriiga, iyada oo loo marayo Xarunta Isdhexgalka ee Atanis, oo ay maamusho Adeegyada Gargaarka Kaatooliga (CRS) iyo Caritas Hellas, oo taageero ka heleya UNHCR, Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay. Xarunta ADAMA waxay horey u aqbashay in ka badan 1,200 codsi oo ka yimid ragga iyo dumarka si ay ugu diyaar garoobaan shaqo iyo helitaanka adeegyada bulshada ee muhiimka ah ee dalka.

Qaxootiga ku nool dalka oo dhan waxay ka soo qayb gali karaan kulamo shaqsi ah iyo kuwo masaafo laga soo gelayo oo ku baxaya luuqadaha Ingiriisiga, Faarisi, Carabi, Faransiis, iyo Yukrayniyaan.

Xaruntu waxay qaxootiga u diyaarisaa suuqa shaqada iyadoo ka caawinaysa sameynta CV-ga una soo saareysa dukumiintiyada iyo ablikeyshanada muhiimka ah, waxayna ku xiriirisaa shaqo furantay oo gaar ah waxayna siisaa diyaargaraw wareysi, iyo sidoo kale tababar iyo taageero ay siiyaan markay shaqada ku jiraan.

Waxay sidoo kale qaxootiga baraysaa xuquuqda iyo masuuliyadaha shaqaalaha, heerarka mushaharka, anshaxa shaqada, iyo fursado daryeel caruureed oo loogu talagalay aabayaasha iyo hooyooyinka shaqeeya. Goob loogu talagalay ayaa carruurta loo diyaariyay si ay ugu ciyaaraan marka waalidkood ay ku jiraan kulamada la talinta.

Marka lagu daro taageerada shaqada, Xaruntu waxay sidoo kale leedahay adeegyo khaas ah oo loogu talagalay dadka nugul, oo ay ku jiraan dadka bilaa guryaha ah iyo dadka naafada ah, si ay uga kaalmeeyaan adeegyada bulshada ee muhiimka ah.

Wixii macluumaad dheeraada ah:

Khadka caawinta Xarunta ADAMA: Telefoon 6945267788

https://adamajobcenter.crs.org/