Helitaanka Lacagta Kaalmada ama Cayrta

Helitaanka nidaamka kaalmada daryeelka iyo gunnooyinka qaxootiga ee Giriiga:

Haddii aad tahay qof qaxooti ah oo la aqoonsan yahay ama qof helay ilaalin hoosaad, waxaad sharciyan xaq u leedahay inaad hesho kaalmada bulsho ee lagama maarmaanka ah si la mid ah xaaladaha muwaadiniinta Giriigu ku helaan. Nidaamka kaalmada daryeelka ee Giriiga waxaa kormeera Wasaaradda Shaqada, Badbaadada Bulshada iyo Isku-haynta Bulshada, Xoghaynta Kaalmada Daryeelka.

Hay’adaha soo socda ayay kormeertaa Wasaarada.

  • Hay’adaha sharciga ah ee Sharciga Dadweynaha, Bixiyeyaasha Kaalmada Daryeelka, sida Xarunta Waxbarashada iyo Dib-u-dejinta Dadka Indhoolayaasha ah, Hay’adda Qaran ee Dhagoolayaasha iyo Xarunta Qaranka ee Isku-xidhka Bulshada (EKKA);
  • Xarumaha Daryeelka Bulshada ee Gobolada Dalka oo dhan;
  • Hay’adaha kaalmada daryeelka gaarka loo leeyahay ee Giriiga, kuwaas oo ay aqoonsan tahay dawladdu sida ururada, NGO-yada;
  • Hay’adaha Giriiga ee ka diiwaan gashan Diiwaanka Qaranka.

Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga, ayna soo saartay Wasaaraddu, ka heli kartaa halkan.

Ma heli karaa taagerada dhaqaale ee qaranka?

Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay ama aad heshay ilaalin hoosaad oo aad haysato rukhsad deganaansho ansax ah, waxaad awood u yeelan kartaa inaad hesho nidaamka kaalmada bulshada ee qaranka. Waxaa cinwaan looga dhigay Dakhliga Isku-xidhka Bulshada (SSI) wuxuuna isku soo daraa:

  • Taageerada dhaqaale (ugu badnaan 200€ oo la siinayo madaxa qoyska, oo lagu daray 100€ oo la siinayo qof kasta oo qaangaar ah oo kale, oo lagu daray 50€ oo la siinayo ilmo kasta oo qoyska ka tirsan; lacagta ugu badan ee bil kasta qoys heli karaa waa 900€, iyada oo aan loo eegeyn tirada qoysku ka kooban yahay).
  • Helitaanka adeegyada bulshada ee is-dhammeystiraya, faa’iidooyinka iyo alaabooyinka sida daryeel caafimaad oo bilaash ah, ka mid noqoshada xarumaha daryeelka bulshada iyo taageerada;
  • Adeegyada horumariya dhexgalista suuqa shaqada

Haddii xubin ka mid ah qoyskeyga ay naafo tahay, taageero ma ka heli karnaa Giriiga?

Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay ama qof helay ilaalin hoosaad oo haysta rukhsad deganaansho ansax ha, ama codsade ilaalin caalami ah – magangelyo-doon haysta kaarka magangelyo-doonka oo shaqeynaya oo aan degenayn Xarunta Soo Dhaweynta, waxa laga yaabaa inaad nidaam qiimeyn ah marto si loo go’aamiyo inaad u aqalanto lacagta kaalmada naafada.

Si aad u hesho lacagta naafada waa inaad qaaddaa talaabooyinka soo socda.

Tallaabada 1aad: Soo gudbi codsigaaga. Waxaad codsiga ka soo dhex gudbin kartaa dhanka khadka ee halkan. Ogsoonow in macluumaadka linkiga ku jira ku qoran yahay luuqadda Giriiga. Ama waxaad codsi u gudbin kartaa Xarunta Aqoonsiga Naafada (KE.P.A.) ee degaankaaga. Waxaad ka heli kartaa liiska xafiisyada KE.P.A. ee Giriiga ee halkan. Ogsoonow in macluumaadka linkiga ku jira ku qoran yahay luuqadda Giriiga. Tafaasiisha iyo tilmaamaha ku habboon qaybta waxa laga helayaa halkan iyadoo luuqadda Giriiga ku qoran.

Codsigaad soo gudbisay, waa inaad sidoo kale soo raacisaa:

  • Fayl dhameystiran oo dhakhtarkaaga ka socda, kaas oo saxiixan, shaambadeysan, oo sido kale wata xaqiijinta saxiixa dhakhtarka. Foomka ku habboon wuxu ku jiraa halkan isagoo luuqadda Giriiga ku qoran.
  • Rukhsadaada degenaanshaha ama kaarka magangelyo doonka;
  • Buugyarahaaga caafimaadka, haddii aad caymis haysato;
  • Lambarkaaga amniga bulshada (AMKA).

Tallaabada 2aad: Ka dib markaad soo gudbiso codsigaaga, waxaa lagugu soo wargelin doonaa (badanaa telefoon ahaan) ballanta aad kula kulmi doonto Guddida Caafimaadka. Hal ama laba bilood ka dib, waxaa laguugu soo sheegi doonaa go’aanka kama dambaysta ah iyo ‘heerkaaga’ naafonimo. Heer 67% ayaa laga rabaa in dadka naafada ahi gaaraan, dadka HIV qaba iyana waxa laga rabaa heer 50% ah, si ay ugu qalmaan in la siiyo kaalmo naafo. Haddii aadan ku raacsaneyn qiimeynta iyo heerka, waxaad xaq u leedahay inaad diidmo ku soo gudbiso 10 maalmood gudahood ka dib wargelinta. Ogsoonow inaad talo iyo taageero sharci uga baahan tahay NGO ku yaal goobtaada si aad u soo gudbiso diidmo.

Tallaabada 3aad: Talaabada ugu dambeysa ee nidaamku waa inaad codsi u gudbisato adeegyada degmada ee aagaaga. Sidoo kale waa inaad soo gudbisaa:

  • Fikradda ama go’aanka KE.P.A.;
  • Rukhsadaada degenaanshaha ama kaarka magangelyo doonka oo shaqeynaya;
  • Waraaqda aad cashuuraha iskaga bixisay (ekkatharistiko);
  • Caddeynta meesha aad degan tahay;
  • Tafaasiisha xisaabta bangiga.

Xaddiga lacagta kaalmada naafanomadu way kala duwan tahay, waxayna ku xiran tahay nooca naafada oo muddadiiba marbaa wax laga beddelaa waxaana la baxshaa labadii biloodba mar. Haddii aad dhibaato kala kulanto codsigaaga, waxaad weydiisan kartaa taageero NGO ku yaal goobtaada.

Waxa kale oo aad la xiriiri kartaa Ururka Qaran ee Dadka Naafada ah adigoo isticmaalaya faahfaahintan:
+30 210 9949837 ama iimayl: [email protected].

Ma jirtaa taageero loo heli karo qoysaska ballaaran?

Hadii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay oo haysta rukhsad deganaansho oo aad si sharci ah oo joogto ah u degenayd Giriigga wax ka badan toban sannadood, adiga iyo caruurtaada oo wada jira, waxaad codsan kartaa kaalmada lacagta gaarka ah ee qoysaska ballaaran. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga halkan, luuqadda Ingiriisidana halkan. Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad sidoo kale ka codsan kartaa NGO aagaaga ku sugan.

Haddii da’daydu ay ka weyn tahay 67 sannadood jir, wax taageero ah ma ka helayaa Giriiga?

Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay oo aad buuxiso shuruudaha soo socda, waxaad xaq u leedahay lacagta hawlgabka ee waayeelka aan caymiska lahayn, oo ay bixiso Hay’adda Caymiska Beeraha (OGA).

  • 67 sano jir ama ka weyn;
  • In qofku haysto rukhsad deganaansho ansax ah;
  • Inaanu caymis lahayn;
  • In aanu lacag hawlgab ka helin waddan kale;
  • In aanu lacag kaalmo ah oo kale ka helin Giriiga
  • In aad waddanka Giriiga sifo sharci ah ku joogtay 15 sannadood oo xiriir ah.

Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga ka heli kartaahalkan ama waxaad taageero ka codsan kartaa NGO ku yaal goobtaada.