Helitaanka Waxbarashada

Helitaanka waxbarashada ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ku sugan Giriiga:

Nidaamka waxbarashada Giriigga waxaa masuuliyadiisu hoos tagtaa oo kormeera Wasaaradda Waxbarashada, Cilmi-baarista, iyo Arrimaha Diinta.

Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga oo ay bixisay Wasaaraddu ka heli kartaa halkanTilmaamaha luqadaha badan ku qoran  ee waxbarashada Giriiga ayaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Faarisiga.

Carruurtaydu waxbarasho ma ka heli karaan Giriiga?

Haa, haddii aad tahay magangelyo doon, ama qaxooti la aqoonsan yahay, ama qof helay ilaalin hoosaad, caruurtaada yaryar waxay nidaamka waxbarashada qaranka uga faa’iidaysan karaan qaab la mid ah sida kuwa muwaadiniinta Giriiga.

Si aad u qorto dugsiyada Giriiga, waxaad u baahan tahay dukumiintiyada taageerada ee laga codsado muwaadiniinta Giriiga qaar la mid ah. Waxa laga yaabaa in caruurtaada dugsiyada la qoro xitaa haddii aadan hayn warqadda dhalashada ama ta xaaladda qoyska. Si kastaba ha ahaatee dukumeentiyada soo socda ayaa loo baahan yahay:

Caruurta qaxootiga ah waxbarashadu waa u diyaar intay waddanka joogaan; dukumeentiyada xaadiritaanka waa lagu siin doonaa markaad Giriigga ka baxayso. Inaad waxbarasho ka heshay Giriiga ma waajibinayso in adiga iyo qoyskaagu aad joogtaan Giriiga.

Giriiga marka la joogo waxbarashadu ma khasabaa?

Waa khasab inay waxbarasho helaan dhammaan carruurta Giriiga joogta, waxana ka mid ah carruurta qaxootiga ah iyo kuwa magangalyo-doonka ah, wiilal iyo gabdhaba, ee jira inta u dhexaysa 5 illaa 15 sannadood. Waxbarashada khasabka ah waxaa ka mid ah waxbarashada dugsiga hoose ka hor (hal sano), waxbarashada dugsiga hoose iyo qaybta hoose ee dugsiga sare. Waxbarashada dugsiga hoose (Demotiko) waxay socotaa lix sano, waxbarashada qaybta hoose ee dugsiga sare (Gymnasio) waxay socotaa saddex sano.

Qaybta sare ee waxbarashada dugsiga sare waxay socotaa saddex sano waxaana ku jira qaybta sare ee dugsiga sare ee midaysan (Eniaio Lykeio) iyo dugsiga farsamada gacanta (TEE). Ardaydu waxay kala dooran karaan koorsooyinka farsamada gacanta iyo kuwa akadamiyeed markay gaaraan da’da 15, ee dhammaadka Gymnasio.

Waxbarashada dugsiga ka hor iyo xannaanooyinka carruurnimada hore

Giriiga, caruurta da’doodu tahay lix bilood ilaa shan sano jir waxay tagi karaan xarumaha dhallaanka (vrefonipiakos stathmos).

Haddii ilmahaagu da’diisu u dhaxayso 2 sano iyo badh iyo 5 sannadood, waxaad boos ka codsan kartaa xarunta caruurta (paidikos stathmos), kuwaas oo ay maamulaan degmooyinku ama si gaar ah loo maalgeliyo. Laga bilaabo da’da afar sano, carruurtu waxay dhigan karaan qaybta hore ee dugsiga hoose (nipiagogeio), kaas oo khasab ah in ilmuhu dhigto da’da shan sano ka dib.

Haddii aad ku nooshahay xarun hoy oo furan (xero), waxaad ka faa’iidaysan kartaa dugsiyada hoose ee ay Wasaaradda Waxbarashadu qorshaynayso inay samayso.

Haddii aad magaalo ku nooshahay, waxaad tagi kartaa qaybta xanaanada caruurta ee dugsiga hoose ee kuugu dhow si aad u qorto ilmahaaga.

Waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso codsi, soo gudbiso dukumeenti caddaynaya cinwaankaaga iyo in aad soo bandhigto ‘buug-yaraha caafimaadka’ ee ilmaha kaas oo sidoo kale caddaynaya in ilmaha la tallaalay. Diiwaangelintu waxay socotaa sanad kasta laga bilaabo 1-da Juun illaa 15-ka, laakiin codsiyada waxa sidoo kale la aqbali karaa taariikhahaas ka dib, haddii ay boosas ka bannaan yihiin dugsiga.

Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Qaybta Hoose ee Dugsiga Sare ee Gymnasium

Haddii ilmahaagu noqdo lix sano jir, iyada ama isaga waxaa laga yaabaa in la qoro fasalka A ee dugsiga hoose.

Carruurta ka weyn lix sannadood, waa inaad keentaa shahaadada ku habboon ama sheegtaa inta sano ee ay horey dugsi u soo dhigteen iyo waddanka ay ku soo dhigteen.

Haddii aad ku nooshahay guri dabaq ah ama hudheel ama dhisme magaalo ku yaal, waxaad caruurta da’doodu u dhaxayso lix iyo shan iyo toban sannadood qori kartaa fasallo waxbarasho. Xiisadaha subaxa waxaa lagu dhigtaa Dugsiyada hoose oo Dugsiyada sarena waxaa ka jira barnaamijka ‘Aagga Mudnaanaha Waxbarashada’ (ZEP) oo ay maamusho Wasaaradda Waxbarashadu. Carruurtu waxay dugsiga la dhiganayaan muwaadiniinta Giriiga. Fasallo soo dhawayn ah ayaa la sameyn doonaa si taageero dheeraad ah (caruurta) loo siiyo, khaasatan fahamka luuqadda Giriiga.

Waxaad u baahan tahay inaad tagto dugsiga kuugu dhow ee degaankaaga oo aad u sheegto inaad rabto inaad caruurtaada dugsiga qorto. Dukumeentiga ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay inaad sii qaadato waa caddaynta in carruurtaadu ay heleen tallaalo ku habboon.

Dugsigu wuxuu sidoo kale ku weydiin karaa inaad keento:

  • Caddeynta cinwaankaaga. Haddii aad ku nooshahay “xarun hoy furan” ama goob, guri ama xarun soo dhaweyn oo NGO ama qolo kale maamusho (sida degmada), waxaad hay’adda maamusha hoygaaga ka codsan kartaa waraaq aad cinwaankaaga ku caddeyso. Haddii qof Giriig ah ama qof kale oo soo galooti ah ama qaxooti ahi ku martigeliyay, waxaad u baahan tahay inaad soo gudbiso caddeyn rasmi ah, oo qoran oo qofkaasi ku sheegayo inuu ku martigelinayo. Tan waa inuu la socodaa lambarkooda canshuurta iyo saxeexooda oo laga soo caddeeyay Xarunta Muwaadiniinta ama KEP. Intaa waxaa dheer, waxaad u baahan doontaa caddayn muujinaysa inay yihiin milkiilaha ama kiraystaha cinwaanka, sida waraaqda kirada, heshiiska guriga ama nuqul ka mid ah biilka korontada ama biyaha.
  • Shahaadada caafimaadka. Waxaad heshay dukumeentigan ka dib mar uu ilmahaagu baaritaan caafimaad maray. Shahaadadani waxay dugsiga u sahleysaa inuu ogaado wixii dhibaato caafimaad ah ee ilmahaagu qabo ee u baahan kara taageero. Baaritaannada caafimaad waa bilaash waxaana lagu samayn karaa xarunta caafimaadka dadweynaha ama rugta caafimaadka ee kuugu dhow.
  • Kaarka Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ee ilmahaaga (ama kaarka magangelyo doonka), ama rukhsad degenaansho ansax ah .

Dugsigu nuqul ayuu ka sameysan doonaa dukumentiyadan.

Haddii aad ku nooshahay xarun hoy furan (xero ama goob), caruurtaadu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarashada saxda ah. Waxaa laga yaabaa inay galaan dugsiyada u dhow si ay uga qeyb galaan barnaamijka Aagga Mudnaanta Waxbarashada ama fasalada galabta ee ay soo qabanqaabiso Wasaaradda Waxbarashadu. Wixii macluumaad dheeraad ah, waxaad weydiisan kartaa Iskuduwaha Waxbarashada Qaxootiga ee goobtaada ama waxaad sidoo kale halkan ka heli kartaa macluumaadka dheeraadka ah ee ay Refugee Info ku bixiso luuqadaha badan.

Maxaa ka mid ah waxbarashada dugsiga sare?

Waxbarashada dugsiga sare waxaa ka mid ah laba heer:

  • Gymnasium oo socda 3 sannadood oo ah waxbarasho khasab ah;
  • Laysiiyamka Guud, Laysiyamka Xirfadaha iyo Dugsiyada Xirfaduhu, maaha waxbarasho khasab ah.

Sidee baan ilmahayga uga qoraa Gymnasium ama Lyceum?

Diiwaangelintu waa mid toos ah oo loogu talagalay carruurta ka qalin jabisay dugsiga hoose, ama Gymnasium-ka Giriiga ku yaal.

Haddii uu ilmahaagu waxbarashada dugsiga sare ku soo qaatay waddankaagii ama waddan kale, waxa laga yaabaa in lagaa dalbado inaad keento shahaadooyinkii xaadiritaanka. Hadii aadan haysan shahaadada xaadiritaanka, waxa laga yaabaa in ilmahaagu uu hortago guddi qiimeyneed si ay u qiimeeyaan.

Waa maxay Dugsiyada Hoose ee Gaarka ah?

Dugsiyada hoose qaarkood waxay leeyihiin shaqaale iyo macalimiin khaas ah oo wax bara ardayda naafada ah (caqabad weyni ay ka hayso dhanka maqalka, fahamka ama barashaada). Si la isu qoro dugsiyada baahiyaha gaarka ah, Xarunaha Baarista, Qiimeynta iyo Taageerada Dadka Baahiyaha Gaarka ah leh (KE.D.D.Y.) ayaa bixisa talada ku habboon oo sameysa gudbinta.

Waa maxay dugsiga dhaqamada kala duwani?

Dugsiyadani waxay hirgeliyaan barnaamijyo cilmi baaris iyo hal abuur oo gaar ah iyada oo xoogga lagu saarayo xiriirada dhaqamada iyo baahiyaha waxbarasho iyo dhaqan ee ardayda. Macalimiinta waxaa lagu doortaa oo lagu shaqaaleeyaa iyada oo lagu saleynayo waayo-aragnimadooda waxbarashada dhaqamada kala duwan, aqoonta afafka hooyo ee ardaydooda iyo Giriiga oo ay u barteen luuqad qalaad ahaan. Waxaa waddanka ka jira 13 dugsi hoose oo dhaqamada isku dhaf ah iyo 13 dugsi sare.

Waxaad liiska dugsiyada dhaqamada kala duwan ee Giriiga laga helaa halkan. Ogsoonow in macluumaadka lagu bixiyay linkiga uu ku qoran yahay luuqadda Giriiga.

Waxaad sidoo kale NGO-yada taageera muhaajiriinta/qaxootiga waydiin kartaa dugsiyada dhaqamada kala duwan ee ka hawlgala goobtaada.

Waa maxay Gymnasium-ka iyo Lyceum-ka Fiidnimadu?

Kuwani waa iskuulada loogu talagalay ardayda ka weyn 15 sano ee subaxdii shaqeeya. Sidoo kale waxa la dhigtaa 3 sannadood, 4 illaa 5 saacadood habeen kasta.

Waa maxay fursadaha la heli karo Lyceum-ka dib?

Carruurta ka qalinjabisay waxbarashada dugsiga sare ee Giriiga (Lyceum) waxay u fadhiisan karaan imtixaanno si ay u galaan Jaamacadaha ama Macaahidda Tiknoolajiyada Sare, ama ay iska diiwaan geliyaan Machadyada Tababarka Xirfadaha (IEK).

Waxbarashada dadka waaweyn ma laga heli karaa Giriiga?

Waxaa jira dhowr barnaamij waxbarasho oo dadka waaweyn loogu talagalay oo ay abaabulaan hay’adaha dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay, NGO-yada iyo ururada kale. Xoghaynta Guud ee Waxbarashada Muddada Dheer ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa masuulka ka ah inta badan barnaamijyada waxbarashada ee dadka waaweyn. Kuwan soo socda waa tusaalayaal kuwaas ka mid ah.

Iskuulada Fursada Labaad waxaa loogu talagalay dadka waaweyn ee aan dhameystirin waxbarashadii waajibka ahayd. Muddada waxbarashadu waa laba sano, oo ay ku jiraan fasalada galabta. Ardayda qalinjabisa waxay helaan shahaado u dhiganta midda Gymnasium-ka. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan Dugsiyada Fursadda Labaad kuwaas oo ka shaqeeya dhowr goobood oo dalka ah.

Xarumaha Waxbarashada Muddada Dheer waxay ka shaqeeyaan degmooyinka.

Koorsooyinka luqadda Giriiga ee loogu talagalay soo galootiga iyo qaxootiga waxaa qabanqaabiya Jaamacadaha, NGO-yada, iyo Xarumaha Tababarka Xirfadaha. Wixii tafaasiil ah ama kaalmo ah ee aad uga baahan tahay helitaanka iyo fulinta barnaamijyada, waxaad waydiin kartaa NGO-yada qaxootiga iyo soo galootiga taageera.

Koorsooyinka luuqadda ee internetka lagu soo gudbiyo waxaa bixiya Jaamacadaha Giriiga sida Jaamacadda Aegean oo haysa 1,000 boos oo bannaan. Jaamacadahani waxay ka qayb qaataan barnaamijka Erasmus OLS+ kaas oo siiya qaxootiga iyo soo galootiga fursad ay ku bartaan Luuqad Yurub lagaga hadlo. Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa halkan.

Ma is qori karaa waxbarasho heer jaamacadeed ah aniga oo jooga Giriiga?

Haddii aad ka qalin jabisay waxbarashada dugsiga sare ee Giriiga, waxaad heli kartaa waxbarashada jaamacadda ku heli kartaa shuruudo la mid ah kuwa looga baahan yahay muwaadiniinta Giriiga. Waxaad u baahan tahay inaad ka gasho imtixaannada ku habboon.

Haddii aad dugsiga sare kaga qalinjabisay waddan kale, waxaa laguula dhaqmayaa sida dadka kale ee soo galootiga ah, ma jiraan qodobo gaar ah oo sharci oo fududeynaya in qaxootiga iyo magangelyo doonka ay galaan Jaamacadaha ku yaalla Giriiga. Wasaaradda Waxbarashada waxey halkan Ku bixisaa macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Ingiriisiga.

Shahaadadayda dibloomada ee aan ka qaatay waddan kale ma laga aqoonsan yahay Giriiga?

Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay ama aad heshay ilaalin hoosaad, waxaa laguula dhaqmayaa si la mid ah muwaadiniinta Giriiga marka la aqoonsanayo shahaadooyinka shisheeye, shahaadooyinka iyo caddaynta waraaqaha rasmiga ah.

Haddii aadan bixin karin caddaynta shahaadooyinkaaga, masuuliyiinta Giriiga ee ku shuqulka leh waa inay fududeeyaan nidaamka; hase yeeshee nidaamyadii tixgelin lahaa xaaladaha khaaska ah ee qaxootigu weli ma dejisna.

Hadii aad tahay qof magangelyo doon ah, waxa laga yaabaa in shahaadaada ama dibloomadaada laguu aqoonsado, hase yeeshee waxaad u baahantahay inaad buuxiso shuruudo dheeraad ah.

Hay’adahan dawladda ee soo socda ayaa fududeeya aqoonsashada shahaadooyinka dibloomada.

Waaxda Daraasaadka, Barnaamijyada Iyo Arimaha Aqoonyahanka ee Wasaaradda Waxbarashada ee aqoonsiga heerarka Waxbarashada Hoose Iyo Sare. Ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga ayaa laga helayaa  halkan.

Ururka Qaran ee Aqoonsiga Shahaadooyinka iyo Isku-toosinta Xirfadlayaasha (.P.P..P.). Ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga  halkan.

Ururka Aqoonsiga Qaybaha Kala-duwan ee Heerarka Waxbarashada iyo Macluumaadka Kale Ka raadi macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadda Giriiga halkan.