Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash!
Dib-u-dejintu waa hab keenaya xal rasmi ah oo waddan saddexaad ah oo loogu talagalay qaxootiga aan awoodin inay gudaha ku dhexgalaan ama ku noqdaan waddankoodii hooyo oo leh baahiyo ilaalin oo joogto ah waddanka ay ku nool yihiin.
Dib-u-dejintu waa xal xaddidan oo ay heli karaan qaxootiga buuxiya shuruudo gaar ah. Shuruudaha waxaa lagu qeexay Dalka Dib-u-dejinta, baahiyaha ilaalinta gaarka ah iyo dayacanka . UNHCR waxay si joogto ah ula socotaa kiisaska gaarka ah ee qaxootiga waxayna go’aamisaa kuwa u qalma tixgelinta dib u dejinta.
Dib-u-dejintu maaha xuquuq mana heli karo qof kasta oo la siiyay sharci qaxootinimo. Goobuhu waa xadidan yihiin wadamada dib udejinta ayaa doorta inta qaxooti ee dib u dajinta loo samaynayo.