Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash!
Health for All waa mashruuc ay fulisay Bisha Cas ee Masar, iyada oo kaashanaysa Laanqayrta Cas ee Jarmalka iyo Laanqayrta Cas ee Swiss oo ay maalgelisay EUTF. Mashruucu waxa uu bartilmaansan yahay soogalootiga, qaxootiga iyo xubnaha nugul ee bulshada martida loo yahay ee ku nool 6 goobood oo ku yaala Qahira weyn sida hoos ka muuqata;
Xarumaha ERC ee ku yaala goobahan waxay bixiyaan adeegyo caafimaad, siminaaro wacyi-galin ah oo caafimaad, fadhiyada taageerada caafimaadka dhimirka iyo cilmi-nafsiga bulshada iyo tababaro hab-nololeedka ah.