Diiwaan-gelin

FIIRO GAAR AH! DHAMMAAN adeegyada UNHCR waa bilaash!

Sidee la igu diwaan galin karaa UNHCR?

Diiwaan galinta dadka magangalyo doonka ah ee kusugan Libya, waxaa sameeya UNHCR. Maamulka Libya ayaa kaliya u ogolaanaya UNHCR in ay diiwaangeliso dadka ka soo jeeda jinsiyado gaar ah.

Waxaad kala soo xiriiri  kartaa qadkeena diwaangelinta 📞 0911633466, shaqaalaha Diiwaangelinta ayaa kaa la’ talin doona habka diiwaangalinta. Haddii aad u qalanto, waxaa lagu siin doonaa taariikh ballan ah si aad ula kulanto shaqaalaha UNHCR ee Tripoli ama meel kale oo diiwaangalinta lagu qawan doono. Inta lagu guda jiro waraysigaaga diiwaangalinta, UNHCR waxay aruurin doontaa macluumaadka adiga kugu saabsan, oo ay ku jiraan magacaaga, taariikhda dhalashada, meesha aad ka timid, iyo sababta aad uga soo tagtay waddankaagii hooyo.

Maxaan la imaada maalinka waraysiga diwaangalinta?

Dhamaan xubnaha qoyskaaga (lamaanahaga, carruurtada ama xubnaha kale ee qoyskaaga ee kugu tiirsan) waa inay kula joogaan maalinta diiwaangalinta.

Waa inaad keentaa dhammaan dukumeentiyada asalka ah ee aad haysato, oo ay ku jiraan:

  • Kaarka aqoonsiga qaranka
  • Shahaadada dhalashada
  • Warqada ogolaanshaha shaqada
  • Shahaadooyin la xidhiidha guurkaaga
  • Shahaadooyinka waxbarashada
  • shahaado qaxooti ama magangalyo doon oo aad kahaysato UNHCR ama dowlada, ama aad kalatimid wadama kale
  • Dukumeentiyo kale oo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsigaaga

Waxa kale oo aad soo qaadan kartaa dukumeentiyo kale haddii aad u malaynayso inay la xiriiraan sababta aad uga soo tagtay wadankaagi hooyo.

Fadlan ogow xitaa hadii aadan haysan dukumeenti, waxaad weli iska diiwaan gelin kartaa UNHCR.

Sideen u cusbooneysiin karaa dukumeentigeyga UNHCR?

Waxaad soo wici kartaa qadka isdiiwaangelinta 📞 0911633466. Waxa lagu siin doonaa ballan aad kuimaato UNHCR Tripoli ama meel kale.

Sideen u cusbooneysiin karaa cinwaankayga iyo qadka xiriirkayga?

Waxaad fariin ku soo diri kartaa qadka Diiwangelinta ee 📞 0911633466 lambarka kiiskaaga UNHCR, ciwaankaaga cusub iyo macluumaadkaaga xidhiidhka. Waxaad ku diri kartaa fariinta SMS, WhatsApp, ama Viber.

Faahfaahinta qadka xiriirkaaga waxaa lagu cusboonaysiin doonaa kaydka xogteena todoba maalmood oo shaqo ah gudahood. Waxaad heli doontaa fariin xaqiijinaysa in macluumaadkaaga la cusboonaysiiyay.

Sideen xubnaha qoyskayga ugu dari karaa kiiskayga?

Waxaad soo wici kartaa qadka diwaangalinta ee 📞 0911633466. Waxaa lagu siin doonaa ballan in aad tagto xafiiska UNHCR ee Tripoli ama meel kasta oo kale oo UNHCR ay ka qabato hawlaha diiwaangelinta.

Feelkayga wuu xiran yahay Sideen u codsan karaa in dib loo furo?

Haddii feelkaaga la xidhay, waxaad u baahan tahay inaad wacdo qadka diwaangalinta ee 📞 0911633466 oo aad samaysato ballan isdiiwaangelin ah. Maalinta ballanta, UNHCR waxay ku waydiin doontaa inaad buuxiso foom si aay u hesho macluumaadka loo baahan yahay si dib loogu furo feeelkaaga.Fadlan soo qaado baasaboorkaaga iyo dhammaan dukumeentiyada aqoonsiga shakhsi ahaaneed.

Hada waxaan ku xiranahay xarun dadka lagu hayo, waxaan doonayaa in aan iska diiwaan geliyo UNHCR. Maxaan samayn karaa?

UNHCR kama samayso hawlo diiwaangalin ah xarumaha dadka lagu hayo. Si kastaba ha ahaatee, UNHCR ayaa u doodi doonta sii dayntaada marka lagu sii daayo waxaa lagu siin doonaa ballan diiwaan gelin ah.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta