Caafimaadka guud iyo caafimaadka maskaxda

Xaquuqda ah in aad caafimaad hesho waxaa ay daruuri u tahay xaqiijinta xaquuqaha kale ee aadanimo. Waa xaquuq gaar ah oo ay tahay in aad daryeel caafimaad hesho isla marka aad u baahato iyo waliba in aad hesho daryeel caafimaad oo kugu haboon iyo in aad hesho waxyaabaha caafimaadkaaga sare u qaadaya sida biyo nadiif ah iyo faya-dhowr wanaagsan; cuno nadiif ah oo kugu filan, hooy aad ku noolaato, bay’ad wanaagsan iyo waliba in aad hesho macluumaad la xiriira arimaha caafimaadka. UNHCR waxaa ay la shaqaysaa hay’adaha dowladda Liibiya ee qaabilsan caafimaadka iyo waxaana ay isku xir u samaysaa hay’adaha gaarka ah ee arimaha caafimaadka ka shaqeeya si loo xaqiijiyo in la helo bixinta ama fidinta adeegyo caafimaad oo dadka ku filan, sare u qaadista adeegyada caafimaad ee deegaanka iyo in dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo doonka ahba ay qayb ka noqdaan nimaamka qaran ee caafimaadka.

Hay’adda IRC waxaa ay adeegyo kala duwan u fidisaa qaxootiga iyo dadka magan-gelyo-doonka ah sida adeegyo caafimaad oo laga bixiyo xarunta bulshada ee Tripoli iyo waliba goobo kale oo aad ka heli karo caafimaad aasaasi ah:

Almgarief Xarunta Caafimaadka guud ee Dadweynaha (Arbaco, Khamiis)

Zawyet Al-Dehmani Xarunta Caafimaadka guud ee Dadweynaha (Axad, Isniin, Talaado)

CESVI waxay bihisaa adeegyada caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka dhimirka  qaxootiga iyo magangelyo-doonka u baahan gargaar maskaxeed.  IRC waxay bixiyaan adeegyada taageerada caafimaadka dhimirka iyo bulshada oo ay ku jiraan la-talinta dhimirka.

Waxaan u baahanahay gargaar caafimaad. Maxaan sameeyaa?

Howlaha caafimaadka waxaa UNHCR u qaabilsan hay’adda IRC. Dad gaar ah oo ballamo qabsaday ayaa maalin kaste loo adeegaa, haddaba, waxaad u baahan tahay in aad ballan qabsato (hadii ay xaaladdaadu ahayn mid deg deg ah), waxaad wici kartaa nambarada soo socda:

La talin caafimaad: 📞0910347365

La talin ku saabsan Caafimaadka Taranka ama Uurka: 📞 0910354818

Saacadaha shaqada: Axad ilaa Khamiis – inta u dhexeysa 09:00 ilaa 16:30.

Xaalad caafimaad oo deg deg ah ayaa I haysata, waxaana u baahanahay gargaar deg deg ah. Maxaan sameeyaa?

Hadii ay timaado xaalad ay naftaadu halis ku jirto, fadlan, wac 📞 0910354839 (24/7) Kooxda Kaalmoka degdegga ah ee IRC ayaa ku caawin doona.

Waxaan u baahanahay taageero nafsi/maskaxeed. Sideen ku codsan karaa?

Waxaad la xiriir kartaa Khadka lacag la’aanta ah ee hay’adda CESVI si aad ballan uga qabsato, saacadaha wicitaanka waa 09:00 ilaa 17:00. Axad ilaa khamiis, nambarada aad wici kartana waa 📞 0910027717 ama 📞 0922767166.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta