Badbaadada/Xaq-dhowrka

UNHCR iyo haayadaha la howlgala ee kusugan Libya ayaa siiya dadka u qalma qaxootiga iyo magangalyo doonka adeegyo kala duwan oo ay kujiraan lacagta cadaanka, iyo waxayaabaha aan cunada ahayn iyo la-talin, tageero nafsi iyo mid bulsho. Si loo go’aamiyo baahiyahaaga iyo u-qalmitaankaaga adeegyada kala duwan ee jira waa in marka hore ay kuwareystaan UNHCR ama haayadaha lahowlgala si ay u qiimeyaan baahiyaha ilaalinta.

Qiimaynta baahiya ilaalinta waxa ay dabooli doonta xaaladaada inta aad kusugantahay Libya waxa ayna go’aamin doontaa in aad u qalintid adeegyada iyo gargaarka. Wareysiga ma damaanad qaadayo in aad heli doonto kaalmo iyo adeeg hadii ay dhacdo in aadan buuxin shuruudaha u qalmida ama taageerada gaarka ah ee aad u baahan tahay aysan ku siin UNHCR ama hayadaha la howlgala.

Waxaan jeclaan lahaa in aan la yeesho waraysiga ilaalineed/badbaado ee UNHCR. Sideen u codsan karaa?

Qiimaynta baahiyaha ilaalinta ee ay sameeyaan UNHCR iyo CESVI waxa ay la xiriirta  siinta kaalmada ilaalinta iyo taageerada shakhsiyaadka aadka u nugul ee jooga magaalooyinka. habka waraysiga awgeed, qiimaynta baahiyaha ilaalinta waxa la sameeyaa kaliya marka ay jiraan qataro ilaalineed iyo walaacyo gaar ah. Hadii aadan horay u sameyn, waxaad wici kartaa UNHCR, CESVI ama khadka Tawasul si aad uga warbixiso arrimahaaga ilaalinta oo aad u hubiso in laguu tixgelin karo. Haddii aad horay u yeelatay mid, oo aanay jirin wax isbeddel ah oo ku imaaday duruufahaaga, dib laguuma waraysan doono.

Khadka ilaalinta ee UNHCR: 📞 0917127644

Tawasul – Khadka habka jawaab celinta guud: 📞 1404

CESVI hotlines (Axad ilaa Khamiis, 09.00 ilaa 17.00):

  1. 📞 092 2767166
  2. 📞 091 0027716

Waxaan ahay qof u dhiban xadgudub galmado. Sideen ku heli karaa adeegyo?

Haddii aad tahay qof ka badbaaday xadgudubka galmada, helitaanka daryeel caafimaad oo degdeg ah ayaa mudnaan leh waana in isla’ markiiba laguu ogolaado helitaanka daryeel caafimaad oo jira 72 saacadood gudahooda ee dhacdada si loo ilaaliyo caafimaadkaaga.

Fadlan wac 📞 0910354839  maalin walbo 24/7, kooxda caafimaadka degdega ah ee IRC ayaa ku caawin doonta.

Waxa jira haayado u xilsaaran caawinta dadka dhibanaha u ah xadgudubka kusalaysan jinsiga oo ay kamid tahay kuwa la kulma xadgudub galmo ama dhibaatayn. Tageerada shaqaale u tababaran arimahan oo kasocda haayad qaas ah, waxa lagugu taageeri karaa in aad hesho adeegayada muhiimka ah hadaad dooratid.kuwan waxa kamid noqon kara, caafimaadka dhimirka, iyo adeegayada bulsho iyo mid nafsi, hoy lala yeesho daryeelaha bulshada,macluumaad sharci iyo talo siin, kaalmo lacageed, iyo waxyaabaha aan cuntada ahayn.la shaqaynta dhibanayasha udhiban xadgudubka jinsiga, haayad walbo oo aad la kulanto waa in ay mudnaanta siiyaan badbaadhadhaada iyo amnigaga. U ilaaliyaan si sir ah macluumaadka aad la wadaagto, xaqiijiyaan in ay kuugu adeegaan si siman oo cadaalad ah iyada oo aan loo eegin asalkaaga, ixtiraamaan ra’yigaaga iyo doorashooyinkaaga adeegyada aad jeceshahay inaad hesho.

Si laguu caawiyo waxaad wici kartaa:

Khadadka CESVI (Axad ilaa Khamiis, 09.00 ilaa 17.00):

  1. 📞 092 2767166
  2. 📞 091 0027716

Khadka ilaalinta UNHCR: 📞 0917127644


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta