Maka yartaay 18 sano?

Ma ka ka yar tahay 18 sano? Bogaan adaa laguugu talagalay! Waxaad ka helaysaa aqbaarad ku sabsan adeega la siiyo cruurta iyo dadka yaryar oo ka soo qaxay wadankooda hooyo oo hada joogo Libya.

Who Waa kuma qofka qaxootiga ah? πŸ‘§πŸ½πŸ‘¦πŸ½

Qofka Qaxootiga ah waa dad caadi ah oo ku noolaa waqti ad u culus. Dalka ay ku noolayeen ayaa galiyey cadaadis, iyo iska horimaadyo. Ma aysan helin ikhtiyaar kale oo aan ahayn inay cararaan. Qaxootigu sidaa darteed maysan sii joogin waddankooda waxayna ka gudbeen ugu yaraan hal xuduudo. Colaadaha socda ayaa halis gelin kara haddii ay ku noqdaan ama ay halis ugu jiraan inay waxyeello u geystaan dhalashadooda, jinsigooda ama jihaynta galmada ama sababta oo ah waxay la xiriiraan diin, koox bulsheed, ama ra’yi siyaasadeed. Waxaa jira sharciyo caalami ah oo lagu difaacayo qaxootiga dibna looguma celinkaro dalalkooda haddii ay qatar geliyaan.

Si aad wax badan uga ogaato qaxootiga iyo UNHCR ee Liibiya, waxaad ka daawan kartaa fiidiyowgayaga.

Sideen iskaga diiwaangelin karaa / u wajihi karaa UNHCR? πŸ’»πŸ’πŸ‘§πŸ½πŸ‘¦πŸ½πŸ“†

Haddii aad ku sugan tahay Liibiya oo qoyskaaga kula joogan, waxaa laga yaabaa inay fikrad fiican tahay inaad lahadasho waalidiintaada ama qof weyn oo aamin ah marka hore, laakiin sidoo kale waad nagala soo xiriiri kartaa adiga😊. Haddii aad rabto inaan kudiwaangalino, waxaad marka hore u baahan tahay inaad qaadato ballan. Waxaad naga soo wici kartaa khadka tooska ah ee diiwaangelintayada πŸ“±πŸ“ž091 163 3466.

Qofka khadka ku jira wuxuu ku weydiin doonaa dhowr su’aalood oo ay ku jiraan magacaaga, taariikhda dhalashada, meesha aad ku dhalatay, iyo sababta aad uga tagtay wadankaaga oo aan kuu ogeysiin doono haddii / goorta aad isdiiwaangalin karto oo aad ku siin karno ballan diiwaangelin.

Marka aad waraysiga u imaanaysid, waa inaad soo qaadataa dukumiintiyadaada oo dhan, haddii aad haysatid, oo ay ku jiraan baasaboorkaaga, kaarka Aqoonsiga, shahaadada dhalashada, iwm. Ha ka baqin inaad soo bandhigto wax dukumiinti ah oo aad hayso, maadaama ay muhiim tahay. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah fiidiyowga ku jira boggayaga diiwaangelinta.

Aniga keligay baan ku ahay Liibiya, waxaanan u baahanahay caawimaad. Maxay UNHCR ii qaban kartaa? πŸ‘§πŸ½πŸ‘¦πŸ½

Waxaad marka hore u baahan tahay inaad iska diiwaangeliso UNHCR – waxaad eegi kartaa shaxda kore oo kugu hagayso tilmaahama aad raaci karto. Marka aad tilmaahahaa raacdo, iyadoo la eegayo baahiyahaaga, waxaan kuu caawin karnaa siyaabo kala duwan, waxaadna daawan kartaa muuqaalka si aad u ogaato siyaabaha kala duwan ee aan Liibiya gudaheeda caawimaad kuugu fidin karno, halkaan ayaad daalacan kartaa faahfaahinta ku saabsan adeegyadaan.

Waxaad u baahan tahay inaad nagala soo xiriirto mid ka mid ah khadadka hoose ee hoos ku taxan oo aad noo sharaxdo xaaladdaada iyo kaalmada aad u maleyneyso inaad u baahan tahay, oo waxaan kuu sheegi doonnaa waxa la sameeyo. Waa kuwaan nambarada aad nagala soo xiriiri karto:

πŸ“±πŸ“žKhadka Diiwaangelinta ee UNHCR: 091 163 3466 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 08:30-16:30)

πŸ“±πŸ“žKhadka furan ee qaybta xaq-dhowrka ee UNHCR: 091 712 7644 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 08:30-16:30)

πŸ“±πŸ“ž Khadka Furan ee lagala xiriiri karo xarunta Tawasul: 1404 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 09:00-23:00) – Waa khadka taleefanka oo lacag la’aan ah oo waddanka oo dhan ah si aad u hesho macluumaad ku saabsan barnaamijyada bina-aadamnimada, u codso cabashadaada oo aad u bixiso jawaab celin. Marka loo eego baahiyahaaga, waxaa sidoo kale laguu gudbin karaa ururada samafalka ee ay quseyso.

πŸ“±πŸ“ž Khadadka furan ee CESVI: 091 002 7717 ama 092 276 7166 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 09:00-17:00) – CESVI waa mid ka mid ah hay’adaha la shaqeeya carruurta adiga oo kale ah ee u baahan caawimaad ay ka mid yihiin kuwa kaligood/wehel la’aanta ah ee jooga Liibiya.

Waxaan ahay canug, kaligiis ku ah Liibiya, balse dad qaraabadiisa oo qoyskiisa ka tirsani ay joogaan dal kale, waxaana doonayaa in aan iyaga u tago. UNHCR miyay iga caawin kartaa? 🌍✈️

Waxaa muhiim u ah cunugga inuu la joogo qoyskiisa / inta ugu macquulsan. Haddii aad la xiriirto UNHCR, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan kuu caawin lahayn. Waxaan isku dayi doonnaa inaan helno oo xiriir la sameyno qoyskaaga. Waxaan sidoo kale isku dayi doonnaa inaan kula mideyno qoyskaaga; si kastaba ha noqotee, habraacyadu waa ay ku kala duwan yihiin dalalka. Fadlan nagala soo xiriir khadka tooska ah ee qaybta xaqdhowrka ee UNHCR: πŸ“±πŸ“ž 091 712 7644. Waxaad sidoo kale macluumaad dheeri ah ka heli kartaa ➑️halkaan.

Qof ayaa i dhib ii geystay, ama waxaan ka baqayaa inay dhibaato kale I gaarsiiyaan. Maxaan sameeyaa?  

Ma jiro qof xaq u leh inuu ku xadgudbo, dayaco ama si xun ula dhaqmo qof ilmo ah – xitaa waalidkood, eheladooda, ama macallimiintooda. Hadii qof uu kuu geysto waxyeello, ama uu kuu taabto si aadan jeclaysan, ama aad ka cabsanayso in dhibaato ku soo gaarayso, waxaa jira hay’ado ku caawin kara. Haddii aad la xiriirto UNHCR, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan kuu caawin lahayn. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa lambarada hoose:

πŸ“±πŸ“ž Khadka/laynka furan ee qaybta Xaqdhowrka UNHCR: 091 712 7644 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 08:30-16:30)

πŸ“±πŸ“ž CESVI khadka tooska ah: 091 002 7717 ama 092 276 7166 (Laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 09:00-17:00)

Haddii aad la kulantay nooc ka mid ah tacaddi islamarkaana aad u baahato inaad isla markiiba aragto dhakhtar, waad la xiriiri kartaa:

πŸ“±πŸ“ž IRC ee Caawinta CaafimaadkaKhadka tooska ah ee caafimaadka: 091 035 4839 (24/7 – Maalin kasta waqti kasta)

Hadda Iskuul ma aado, laakiin waan jeclaan lahaa. Sideen ku heli karaa caawimaad si aan iskuul u aado? πŸ«πŸ“š

Cunug kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu aado iskuul, UNHCRna waa ay ku caawin kartaa iyadoo kugu hagaysa UNICEF. Iyada oo lagu hagayo, waxaa suurta gal ah in lagaa diiwaangaliyo iskuulada dadweynaha ama lagaa caawiyo inaad iska diiwaangeliso waxbarashada aan rasmiga ahayn ee xarumaha Baity ee ay maamusho UNICEF. Waad nala soo xiriiri kartaa, sida aan kor ku xusnayba, waana ku hagi doonaa inta uu howshu ka dhamaanayso. Fadlan nagala soo xiriir adiga oo soo wacaya Khadka furan ee qaybta xaq-dhowrka ee UNHCR eeπŸ“±πŸ“ž 091 712 7644.

Waxaan ahay Naafo, ma la I caawin karaa?

Annaga, oo ay weheliyaan lammaanaheenna CESVI, waxaan awoodnaa inaan bixinno caawimaad gaar ah oo ay ku jiraan aaladaha caawinta, u gudbinta bixiyeyaasha adeegyada qofku u baahan yahay, taageerada nafsaani ah, dhaqan-celin aasaasi ah, iyo booqashooyin guriga laguugu imaanayo. Haddii aad si uun naafo u tahay, oo aad u baahan tahay caawimaad, fadlan la xiriir hay’adda CESVI khadka tooska ah: πŸ“±πŸ“ž 091 002 7717 ama πŸ“±πŸ“ž 092 276 7166.

Waxaan soo maray dhbaatooyin badan intii aan safarka ku soo jiray, waxaan dareemayaa murugo, xanaaq, walwal, cabsi, ama jahwareer. Tani caadi ma tahay?

Waa caadi in la dratemo xanaaq ka dib markii aad ka soo tagtay dalkaaga oo ah aad aragto ama aad la kulanto waxyaabo badan oo naxdin leh. Waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada bixi waayaan dhacdooyin mahadho ah oo aad la soo kulantay. Waxaa lagaa yabaa in aad ka soo tagtay dad aad jeceshahay, ama iyaga u cabsi qabto, amaba aad ka cabsanayso waxa kugu dhici kara. Waxaad dareemi kartaa in wax walba ay qariib kugu yihiin. Waxaa jira waxyaabo basiid ah oo kugu caawin karo in aad isku ilowsiiso xaaladahaasi adag. Hadii aad waalidkaaga la joogtid, ama qof kuu dhow oo aad ku kalsoonaan karto, la hadal oo kala sheekayso sida aad dareemayso

Haddii aad u maleynaysid inaad u baahan tahay caawimaad si aad ugala hadasho sida aad dareemeyso, waxaad kala xiriiri kartaa hay’adda CESVI πŸ“±πŸ“ž 091 002 7717 ama πŸ“±πŸ“ž 092 276 7166 (laga bilaabo Axadda ilaa Khamiista 09:00-17:00).

Haddii ay kugu dhacday nooc tacaddi ah ah oo kuu baahan inaad isla markiiba aragto dhakhtar, waad la xiriiri kartaa:

πŸ“±πŸ“ž IRC ee Caawinta CaafimaadkaKhadka tooska ah ee caafimaadka: 091 035 4839 (24/7 – Maalin kasta waqti kasta)