U doodista & Gargaar Sharci

UNHCR waxa ay ku baaqaysaa in la sii daayo qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee sida sharci darada ah loogu hayo xabsiga Libya lana soo afjaro. iyada oo loo marayo samaynta nidaam dib-u-eegis garsoor oo waafaqsan heshiiskii Berlin iyo horumarinta badelka xabsiga. Ayada oo la tixgalinaayo baahiyaha bini’aadinimo ee degdega ah, UNHCR waxa ay ku bixisaa xarumaha dadka lagu hayo gargaarka bini’aadinimo iyo mid caafimaad oo nafta lagu badbaadiyo ayada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo helitaanka dabagal ilaalin,aqoonsi,xaqiijin, u doodista sii daynta iyo raadinta badelka xabsiga. Howlaha UNHCR ay ka qabato xarumaha dadka lagu hayo ma matalaan siyaasada xabsiga ee Libya.

Hadda waxa la igu hayaa xarunta dadka lagu hayo. UNHCR ma u doodi kartaa sii dayntayda?

UNHCR waxa ay u doodaysaa in dhamaan dadka qaxootiga ah iyo magan-galyo-doonka laga sii daayo xabsiga sharci darada ah. UNHCR waxay booqata xarumaha rasmiga ah ee dadka lagu hayo ee hoos imaada Agaasinka la dagaalanka socdaalka sharci darada ah ee (DCIM). Xarumahan, UNHCR iyo hayadaha la shaqeeya ayaa bixiya gargaar naf-baddaadin, oo ay ku jiraan bixinta gargaar caafimaad iyo qaybinta alaabta nadaafada iyo agab kale ee gargaar oo asaasi ah.

Hada waxaan ku xiranahay xarunta dadka lagu hayo, waxaana doonayaa in aan iska diiwaan geliyo UNHCR. Maxaa samayn karaa?

UNHCR kuma samayso diwaangalinta xarumaha dadka lagu hayo. Si kastaba ha ahaatee, UNHCR, waxa ay u doodi doonta sii dayntaada, marka lagu sii daayo waxaa lagu siin doonaa ballan diiwaan gelin ah.

Waxaa iga lumay xiriirki aan la lahaa qaraabadayda, oo la xiray. Ma iga caawin kartaan in aan helo isaga/iyada?

Waxaad soo wici kartaa Khadka/telefonka qaybta badbaadada/xaq-dhowrka ee UNHCR 📞 0917127644 oo aad kabixin kartaa faahfaahinta qaraabadada.

UNHCR waxa ay booqataa xarumaha rasmiga ah ee dadka lagu hayo kuwaas oo hoos imaada agaasinka la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah ee (DCIM) si loogu xaqiijiyo UNHCR dadka magangalyo doonka ah. Haddii ama marka UNHCR ay hesho qaraabadaada, iyo haddii qaraabadaada uu ogolaado, waa lagula soo xiriiri doonaa.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta