Waxyaabaha aan cuntada ahayn iyo Hooyga

Ka hay’ad ahaan, maadaama aan nahay tan qaabilsan bixinta waxyaabaha aan cuntada ahayn, qaybinta alaabaha aan raashinka ahayn waa howl ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ay UNHCR Libiya qabato. Iyadoo la kaashanayo hay’adda IRC iyo hay’adda LibAid, waxaanu wax gaarsiinaa dadka ugu nugul ee hay’adda u welwesho, waxaana ka mid ah dadkaasi barakacayaasha, qaxootiga iyo dadka magan-gelyo-doonka ah iyo kuwa ku jira xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo iyo waliba kuwa laga soo badbaadiyay badda taasi oo qayb ka ah howlaha naf-badbaadinta ah.

Sidee ayaan u codsan karaa alaabaha aan raashinka ahayn (NFI)?

Waxaad wici kartaa qaybta badbaada/xaqdhowrka ee UNHCR adigoo garaacaya 📞 0917127644 ama taleefanka hay’adda CESVI ee 📞 0910027717 iyo 📞 0922767166, ka dibna sharraxaad ka bixi codsiga aad wadato.

Hadii aad noqoto qof u qalma, alaabtana la heli karo, waxaa kula soo xiriiraya hay’adda jaalka la ah UNHCR ee IRC iyadoo kaala hadli doonto sida aad alaabto u heli karto.

UNHCR ma ii heli kartaa guri?

Maadaama aysan UNHCR bixin guri ama hooy hadana waxaan alaabo siinaa dadka ugu nugul ee qaxootiga ah ama magal-gelyo-doonayaasha ah.

Hadii aad caawimaad u baahan tahay, fadlan na soo wac oo sharraxaad ka bixi xaaladdaada adigoo garaacaya mid ka mid ah xarumaha soo socda:

  • Khadka/taleefanka qaybta badbaada/xaq-dhowrka ee UNHCR 📞 0917127644
  • Taleefnka/laynka CESVI 📞 0910027717 ama 0922767166
  • Tawasul – Hanaanka Falcelinta Guud – 📞 1404  

Haddii aad u qalanto taageero, waa lagula soo xiriiri doonaa si loo sameeyo qiimeyn dheeri ah ama kaalmo.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta