Ku saabsan howlaha UNHCR

Waa maxay doorka ay leedahay UNHCR Liibiya?

Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) waa  hay’adda Qaramada Midoobay ee u xil-saaran arrimaha Qaxootiga sida ku cad Axdiga/sharicgii Qaxootiga ee 1951dii, kaasi oo hay’adda u igmaday in ay bixiso ama u fidiso badbaado/xaq-dhowr caalami ah iyo in ay ka baaraan-degto, islamarkaana xal-waara u soo bandhigto dadka qaxootiga ah. UNHCR waxaa ay ka shaqaysaa sidii loo xaqiijin lahaa xaquuqda uu qof kastaa u leeyahay in uu magan-gelyo doonto iyo in uu magan ka helo dal kale, iyadoo ay daba socoto dhowr ikhtiyaar oo qofka u furan sida in uu dalkiisii dib ugu laabto, in uu dego dalka uu maganta ku yahay, iyo in dib-u-dajin loo helo. Marka uu barakac yimaado, UNHCR waxaa ay ka shaqaysaa in dadkaasi ay u fidiso badbaado sharci iyo mid nafeedba, iyo waliba dhimista halista ah in tacaddiyo yimaadaan sida fara-xumayn galmo. UNHCR waxaa ay sidoo kale dadka qaxootiga ah u fidisaa hooy, cunno, biyo, iyo daryeel caafimaad isla marka ay yimaadaanba.

Marka Liibiya la joogo, UNHCR waxaa ay gacan siisaa maamulada Liibiya si ay sare ugu qaadaan xaaladaha nololeed ee barakacayaasha iyo dadka ay colaaduhu saameeyeen ee Liibiyaanka ah; waxaa ay sidoo kale hay’addu la shaqaysaa hay’ado/bah-wadaag kale si loo caawiyo dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-geliyo-doonka ah ee nugul/duruurta gaarka ah le.

Yaan caawinnaa?

  • Dadka magan-gelyo-doonka ah: Magan-gelyo-doon waxaa la yiraahdaa qof doonaya badbaado caalami ah, kaasi oo codsigiisa eegis iyo tixgalin lagu wado. Marka Liibiya la joogo, dadkaasi waxaa la siiyaa Shahaadada magan-gelyo-doonka ee ay bixiso UNHCR.
  • Qaxootiga: Qaxooti waa qof aanan ku laaban karin ama aanan doonayn in uu ku laabto dalkii uu assal ahaan ka yimid iyadoo sabab u tahay cabsi maangal ah oo qofkaasi loogu dhibaatayn/wax-yeellayn karo asbaabo ay ka mid yihiin sababo isir ahaaneed, mid diimeed, mid dhalasho, sabab la xiriirta in qofkaasi uu ka mid yahay bulsho gaar ah, ama sabab salka ku haysa afkaar siyaasadeed. Marka Liibiya la joogo, waxaa la siiyaa Shahaadada Qaxootinimada ee ay bixiso UNHCR.
  • Dadka barakacayaasha ah: Qof dalka guduhiisa ku barakacay (IDP) waa qof ka soo qaxay hooyigiisii/gurigiisii, balse aan la mid ahayn dadka qaxootiga, oo waxaa ay ku barakaceen meel kale oo dalkooda ka mid ah. Marka Liibiya la joogo, waxaa ay ka faa’iidaysan karaan adeegyada ay bixiyaan UNHCR iyo hay’adaha la shaqeya.

Sida loola soo xiriiro/ halka ay ku taalla UNHCR Liibiya?

Liibiya, Xafiiska UNHCR waxaa uu ku yaallaa Tripoli:

Xarunta Diiwaan-gelinta ee Serraj

Jidka Sehel Aljfara, agagaarka is-goyska Almashtel, xaafadda Serraj, Tripoli

Ka hor inta aadan imaan xafiiska UNHCR, fadlan soo wac oo codso in ballan laguu qabto. UNHCR kala xiriir taleefankan:

Taleefanka lagala xiriri karo Xafiiska Diiwaangelinta UNHCR: 📞 0911633466 (Axad ilaa Khamiis 08:30 subaxnimo-16:30 galabnimo)

Si aad u booqato bogga Facebook ee UNHCR Liibiya, fadlka halkaan ku dhufo.


Dhammaan adeegyada UNHCR waa LACAG LA’AAN. Macluumaad Muhiim ah: << Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta