Wargalinta/dacwaynta anshax-xumada

Fiiro Gaar ah!  Dhamaan adeegyada UNHCR waa BILAASH!

Warbixintada waxaa loola dhaqmi doonaa si taxadar leh waxaana loo ilaalin doonaa si adag.

Waa maxay anshax-xumo?

Anshax-xumado waa “fashil dhaqan oo u uku kaco xubin ka tirsan shaqaalaha oo u hogaansami waayey waajibaadkiisa ama axdiga qaran ee xeerarka shaqaalaha iyo xeerarka kale ee maamulka ama ilaalinta halbeegaha dhaqanka alaga filaayo shaqalaha ee caalamiga ah.”

Maxay tahay qaybaha anshax-xumada?

  • Galmo-uga-faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmo ee loo gaysto dadka ay hay’addu u adeegto.
  • Khiyaamada( tusale. Been abuurka dukumenti si aad u hesho dheef/faa’iido.
  • Musuq-maasuq(tusale, in lacag laga qaato dadka qaxootiga ah iyo kuwa kale).
  • Wax-is-daba-marin la xiriirta hanaanka diiwaan-gelinta iyo dib-u-dajinta.
  • Tuugaysi iyo maranhabin(tusale, xadida qalabka ama lacag).
  • Tacaddi laga gaysto goobaha shaqaalaha (uladhaqanka xubnaha shaqalaha si an cadaalad ahayn).
  • Dhibataynta galmo( dhaqan galmo oo aan raalli laga ahayn).
  • Ku-takri-fal awoodeed (tusale, u eexashada ama takoorka shaqalaha laga dhex sameeyo).
  • Weerar ama hanjabaad loo geesto dadka kale.
  • Si xun u isticmaalida hantida UNHCR.
  • Faafinta siraha iyo xogaha.
  • Habdhaqan ama fal sumcad daro u keenayso UNHCR.
  • U hogaansami la’aanta sharciga deegaanka looga dhaqmo.
  • Ku xadgudubka mudnaanta iyo xasanada.
  • Dayacaad xooggan.
  • Hawlo ama shaqo dibada ah oon laguu fasixin.

Waxaa la I waydiiyey lacag si la iiga diwangaliyo UNHCR? Maxaan sameyaa?

Dhamaan kaalmooyinka iyo howlaha badbaada/xaqdhowrka ah ee la siiyo dadka qaxootiga iyo kua magan-galyo-doonka waa MID BILAASH AH. Fadlan ogow adeeg kasto UNHCR iyo bah-wadaagteedu ay bixiyaan lagaagama baahna wax lacag ah, hana aqbalin wax badal ah sida jirkada iyo wax kale (oo ay kamid yihin, lacag, shay kasta ama adeeg kasta)

Waxaad si qarsoodi ah u soo wargalin kartaa UNHCR xad-gudub kaste oo ka mid kuwaas. Si aad u soo wargalisid fal khiyaano ah, masmasuq ah, xadgudub galmo iyo tacaddi kasta la xirir xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee UNHCR:

Santuuqa cabashada ee UNHCR Liibiya waxaa ay yaallaan xafiiska Serraj. Hanaanka cabashada waxaa uu dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo-doonka ah, ee aaminsan in ay dhibanayaal u yihiin falal anshax xumo ah oo ay kaceen shaqaalaha UNHCR, Turjumaanada ama waardiyayaasha, in ay maamulka sare ee UNHCR u soo gudbiyaan macluumaadyada la xiriira falalka ama dhaqannada aanan haboonayn ee la geysto. Nidaamka u degsan UNHCR waxaa uu wax ka qabanayaa falalka anshax xumida ah ama kuwa caddaalad darrada ah ee ay geystaan shaqaalaha UNHCR, turjumaan ama waardiye.

Hadii aad rabto inaa cabasho gudbiso, fadlan cabashada ku dir/rid santuuqa cabashada ee bashqadaysan. Masuulka ugu sarreeya ee UNHCR Liibiya ayaa kaliya arki kara waxa ku jira santuuqa cabashada; waxaana cabashadaada loo eegi doonaa si sir ah xafidnaani ay ku dheehan tahay.

Fadlan xasuusnow in UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya  in aysan SINNABA UGU DULQAADAN KARIN marka ay timaado khiyanada, musuqmasuqa, gal-uga-faa’iidaysiga qof duuraysan, dhibataynta iyo si xun ula dhaqanka/ku tacaddiga dadka.

Waxaa laiwaydiyey lacag si laiga qaado waraysiga UNHCR ee daadguraynta meel amaan ah? Maxaan sameeyaa?

Dhamaan caawimadyada iyo ilaalinta la siiyo qaxootiga iyo magangalyo doonka waa MID BILAASH AH. Fadlan ogow adeeg kasta oo UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya ay bixiyaan in aan lagaaga baahnayn wax lacag ah, hana aqbalin wax badal si loogu caawiyo adeegyada UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya ay bixiyaan. Waxaad si qarsoodi ah u soo wargalin kartaa UNHCR xadgudub kasto oo kamid kuwaas. Sid aad u soo wargalisid qiyamad, masmasuqa, xadgudubka galmada iyo xadgudub kasta la xirir xafiiska jernaalka UNHCR:

Santuuqa cabashada ee UNHCR Liibiya waxaa ay yaallaan xafiiska Serraj. Hanaanka cabashada waxaa uu dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo-doonka ah, ee aaminsan in ay dhibanayaal u yihiin falal anshax xumo ah oo ay kaceen shaqaalaha UNHCR, Turjumaanada ama waardiyayaasha, in ay maamulka sare ee UNHCR u soo gudbiyaan macluumaadyada la xiriira falalka ama dhaqannada aanan haboonayn ee la geysto. Nidaamka u degsan UNHCR waxaa uu wax ka qabanayaa falalka anshax xumida ah ama kuwa caddaalad darrada ah ee ay geystaan shaqaalaha UNHCR, turjumaan ama waardiye.

Hadii aad rabto inaa cabasho gudbiso, fadlan cabashada ku dir/rid santuuqa cabashada ee bashqadaysan. Masuulka ugu sarreeya ee UNHCR Liibiya ayaa kaliya arki kara waxa ku jira santuuqa cabashada; waxaan cabashadaada loo eegi doonaa si sir ah xafidnaani ay ku dheehan tahay.

Fadlan xasuusnow in UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya  in aysan SINNABA UGU DULQAADAN KARIN marka ay timaado khiyanada, musuqmasuqa, gal-uga-faa’iidaysiga qof duuraysan, dhibataynta iyo si xun ula dhaqanka/ku tacaddiga dadka.

Waa maxay khiyaamada,? Sideen usoo wargaliyaa qiyanada iyo masuqmasuqa looga shakisanya qaxootiga, magangalyo doonka ama qofkale?

Falkasta oo ay kujiraan been abuur, iyo ama qarinta xaqiijoyinka maadiga ah ee og ama olakac marin habaabinayo ama iskudayo in maran hababiyo, si loo helo faaido mid toos ah am mid aan toos aheen ha ahaato qofka nafsadiisa ama cid sadexaad. Tusaale falka been abuurka ah waxaa kamid ah:

  • Bixinta macluumad been ah oo ku sabsan xaladiisa shaqsi ahaaneed siuu ugu faaidaysto kaalmada ama adeega.
  • Isticmaalka dukumenti been abuur ah ama dukumenti run ah oo been abuur ah.
  • Lacag u doonista dano gaar ah ama lacag bixinta faaidada gargaarka ama adeega.(tusale, diwangalinta, dib-idajinta)
  • Inaa been ka sheegtid inaa u shaqaysid UNHCR, hay’ado kale, ama wakaaladaha sharuudaha.

Fadlan soo sheeg wixii walac ah ama tuhun khiyaamo iyo musuqmasuqa ay sameyeen

Qaxootiga iyo magan galyodoonka 📧 [email protected] dhaman wargalinta waxaa loola dhaqmi doona si sir ah.

Sideen kuso wargaliyaa cabashada anshax-xumo ee ay geesteen shaqalaha UNHCR, turjumanada, waardiyasha iyo hawlwadagayasha?

Waxaad si qarsoodi ah ugu soo sheegi kartaa UNHCR xadgudub kasto. Si aad u soo wargalisid khiyanada, musuqmasuqa, kafaidaysiga galmada, dhibataynta iyo sixun ola dhaqanka, xafiiska jernaalka UNHCR:

Hadii aad rabto inaa cabasho gudbiso, fadlan cabashada ku dir/rid santuuqa cabashada ee bashqadaysan. Masuulka ugu sarreeya ee UNHCR Liibiya ayaa kaliya arki kara waxa ku jira santuuqa cabashada; waxaana cabashadaada loo eegi doonaa si sir ah xafidnaani ay ku dheehan tahay.

Dhammaan howlaha kaalmada ah iyo badbaada/xaqdhowrka ah ee la siiyo dadka Qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo-doonka ah waa BILAASH AH. Fadlan ogsoonoow in aanan wax lacag ah ama wax kale lagaaga baahnayn si aad caawimaad uga hesho UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya.

Waa maxay tacaddi iyo galmo-uga-faa’iidaysi?

Mawqofkayagu wuu cad yahay waxana wax badan ku celceliye  gudoomiyayaga sare:

  • Anshax-xumada galmadu waa mid aan sabab lahayn waana in laga ciribtiraa howl-galada UNHCR
  • Anshax-xumada iyo xadgudubka galmada waxay samayn u geestaan dadka qaxootiga ah.
  • Galmo-uga-faa’iidaysi waxaa lagu qeexaa xad-gudub la sameeyay ama la isku dayay iyadoo laga faa’iidaysanyo duruufta u qof nugul ku sugan yahay (sida qof adiga kugu tiirsan nolol ahaan, baahi cunno, baahi ah buugaagta iskuulka iyo baahi ah gaadiid ama adeegyo kale), waxaa kale oo lagu qeexi karaa kala sarrayn awoodeed ama kalsooni, si faa’iido galmo qof looga faa’iidaysto, waxaa ka mid ah balse aan intaasi ku koobnayn, in nacfi dhaqaale, mid bulsho ama siyaasadeed uu qofka masabka sare jooga u bandhigo kan nugl. Waxaana tacaddiyaasi ka mid ah ka ganacsiga dadka iyo ka ganacsiga jirka.
  • Xadgudubka galmo macanaheedu waa faragalin toos ah ama hanjabaad galmo ee xaalada qofka ha’ahaato xoog ama xaalad aan sinayn, ama qasab ah. Waxaa kamid ah adoonsiga  galmoodka sawirada qaawan, ku xadgudbida caruurta, iyo faraxumayn galmo.

Sideen ku soo wargalin karaa xadgudubka galmo iyo dhibaateenta?

Hadii aad ka waranto, ama aad ka shakisantahay xaalad xadgudub galmo ah oo ay geesteen shaqaalaha UNHCR,UN, ama hay’adaha kale, fadlan soo wargali adigoo sitoos ah ugu soo aadinaya xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee UNHCR:

Wixii warbixinno ah oo dheeri ah, waxaad booqan kartaa UNHCR – Reporting sexual exploitation and abuse (SEA).

Maxaa la iiga bahanyahay markii aan dacwaynayo anshax-xumo?

Waa lagama maarmaan ah inaad u soo gudbisaa UNHCR warbixin run ah. Fadlan ku dar aqbaraadkan in aad awoodo:

  • Muxuu yahay qaladka aad soo wargalinaysid? Sharax waxa dhacay oo ay kujiraan tafaasil badan intii suurtogal ah ood aad ogtahay.
  • Yaa sameeyey qaladka aad soo wargalinaysid? Miyaad garanaysaa in dadkale kulug leeyihin? Hadeey macquul tahay sheeg magacyadooda oo sadexan, shaqada ay ka qabtan hay’ada.
  • Halkee iyo goormee ayuu dhacay dhacdada? Sheeg taariikhda iyo waqtiga hadii la heli karo?
  • Sidee buu qofka khaladka uu ku edaysanyahay u sameeyey?
  • Maxaad u aminsantahay in hawsha ay aheed mid aan habooneen?

Fadlan sheeg hadii aad hayso wax cadayn ah oo xoojinayo edaymahaagu, hadii nala wadaagi karto.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta