Kaalmo Lacageed

Kaalmada lacageed waa hab muhiim u ah UNHCR Liibiya si ay awood ugu yeelato caawinta dadka nugul ee UNHCR u diiwaan-gashan si ay isaga dabaraan baahiyahooda aasaasiga ah, gacan looga siiyo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen xaaladaha nololeed ee ay ku jiraan iyo in ay horumariyaan xaaladahooda dhaqaale iyo mida bulsheedba.

Iyadoo la kaashanayo hay’adda CESVI iyo hay’adda NRC, UNHCR waxaa ay dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo-doonka ahba siisaa Kaalmo lacageed si ay uga kaafiso baahiyaha aasaasiga ah – sida cunnada, biyaha, nadaafadda, daryeel caafimaad iyo kiradaba.

CESVI iyo NRC waxaa ay dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-geliyo doonka ahba siiyaan caawimaad lacageed, taasi oo qayb ka ah ka jawaabista baahiyaha guud ee qofka. In qof lacag la siiyo iyo in kale waxaa go’aamiya guddi howshaasi u idman kuwaasi oo sababo badan qiimeeya sida heerka baahida iyo nugaylka qofka.

Waxaan u baahanahay Kaalmo lacageed. Sidee ayaan ku codsan karaa?

Kaalmo lacageed waxaa la siin karaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyo-doonka ah ka dib marka qiimayn lagu sameeyo heerka baahida qofka, ayna sameeyso UNHCR ama hay’adda CESVI. Qiimaynta ay samayso. Qiimaynta ay sameeyaan UNHCR iyo CESVI waxaa ay ku salaysan yihiin Kaalmo siinta iyo garab-qabashada shaqsiyaadka ugu nugul ee magaalooyinka ku nool. Iyadoo waraysi la samaynayo, waxaa la samayn doonaa qiimayn dhanka badbaadada iyo xaq-dhowrka ah marka ay soo baxaan khataro ama halis mucayin ah ama soo boodo ah.

Hadii aan horay waraysi laguula yeelan, waxaad wici kartaa UNHCR, CESVI ama waxaad soo garaaci kartaa laynka Tawasul. Hadii horay waraysi laguula yeeshay, ma jirto isbadal ku yimid duruuftaada, dibna laguuma waraysanyo.

Waxaan Kaalmo lacageed helay laba bilood oo kaliya, wixii markaa ka dambeeyayna waxba ma helin. Sidee ayaan mar kale u codsan karaa?

Waxaa laguu oggolaaday in lagu siiyo Kaalmo lacageed oo deg deg ah, taasi oo lagu bixio shuruud ku salaysan heerka baahidaada. Kaalmoka lacageed ee deg degga ah waxaa la bixiyaa laba jeer oo kaliya.

Hadii horay laguu siiyay Kaalmo lacageed, xaaladdaadana ay ku timid isbadal wayn, waxaad la soo xiriiri kartaa/wici kartaa hay’adda jaalka la ah UNHCR ee CESVI, adigoo wacaya 📞 0910027717 or 📞 0910027716 (Axad ilaa Khamiis, 09.00 to 17.00).


Macluumaadka la xiriira: << Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta