Dib-u-dejinta & Daadgureynta

FIIRO GAAR AH! DHAMMAAN adeegyada UNHCR waa bilaash!

Waa maxay daadgureynta? Waa maxay shuruudaha daadgureynta?

Duulimaadyada daadgureynta waxaa diyaariya UNHCR oo gacan ka heleysa maamulka Libya iyo dowladaha loo daadgureeyo, si ay u caawiyaan qaar ka mid ah qaxootiga aadka u nugul iyo magangelyo-doonka inay ka duulaan Libya una duulaan meel amni.

Goobaha daadgureynta way xadidan yihiin waxaana go’aamiya wadamada sedexaad oo rajeynaya inay qaabilaan magangalyo-doonka ama qaxootiga baahiyaha badbaadada degdegga ah leh. In lagugu hayo xabsiga micnaheedu maaha in lagu siin doono mudnaanta duulimaadyadan, in kasta oo UNHCR ay si joogto ah ugu baaqdo in laga sii daayo magangalyo-doonka iyo qaxootiga xabsiga aan sharciga ahayn.

Kuwa loo xushay in la daadgureeyo waxa waraysan doona shaqaalaha UNHCR kana  waraysan doona duruufaha kugu kalifay in aad ka soo tagto wadankaagi iyo sidoo kale xaaladaada Liibiya. In laguu dooran doono daad-gureynta iyo in kale waxay ku xiran tahay go’aanada dawladaha kuqaabilaya,kuwaas oo iyaguna tixgelin doona xaaladaada.

Fadlan ogsoonoow in dhammaan adeegyada UNHCR ay yihiin BILAASH oo ay ku jiraan daadgureynta, wax lacag ahna kuma xirna.

Waa maxay dib-u-dejin? Waa maxay shuruudaha dib u dejinta?

Ujeedka kama dambaysta ah ee UNHCR waa in la helo xalal waara oo u ogolaanaya qaxootiga inay dib u dhistaan ​​noloshooda, si sharaf iyo badbaado kujirto. Xalalkani waxay noqon karaan dib-u-noqosho wadankaagi oo si ikhtiyaari ah, is-dhexgal maxali ah oo aad kahesho wadanka magangalyo ama qaxootinimada kuu aqoonsaday, ama dib-u-dejinta.

Dib-u-dejintu waxay quseeysaa xulashada iyo ka wareejinta qaxootiga wadanka ay magagalyo ka raadsadeen loona wareejiyo waddan kale, kaas oo ogolaaday in la qaabilo iyo, ugu dambeyntiina, in la siiyo deganaansho rasmi ah. Dib-u-dejintu ma aha wax xuquuq ah oo waxaa loo hayaa oo keliya kuwa leh baahiyo ilaalin oo gaar ah oo hoos yimaada mid ama in ka badan qeybaha gudbinta dib-u-dejinta ee UNHCR.

Diiwaangalinta aad iska diwaangaliso UNHCR macnaheedu ma aha inaad codsatay ama si toos ah laguu tixgelin doonaa dib-u-dejin. Kaliya tiro yar oo qaxooti ah ayaa dib-u-dejin heli kara – labadaba Libya iyo caalamkaba. Go’aanka kama dambaysta ah ee la’gu aqbalayo qaxootiga dib u dajinta waddan kale waxaa go’aamiya waddanka qaabilaya ee maaha UNHCR.

Sidee ayaan u codsan karaa in waraysiga daad-gureynta la ila yeesho ama dib-u-dejinta?

Marki aad iska diiwaan geliso UNHCR, waxaa lagu siin doonaa shahaado ay leedahay UNHCR taasoo xaqiijinaysa inaad tahay qof ilaalin u baahan. – ayada oo UNHCR ku ilaalinayso. Diiwaangelintu waa talaabada ugu horeysa ee tixgelinta dib-u-dejinta ama daad-gureynta.

Magangalyo doonka iyo qofka qaxootiga ah iskood uma codsan karaan daadgureynta ama dib u dejinta. Kaliya kuwa ay UNHCR u aqoonsatay inay yihiin kuwa ugu nugul ee hoos yimaada shuruudaha daad-gureynta ama dib-u-dejinta ayaa loogu wacaayaa wareysiga, fursadaha xaddidan ee ay bixiyaan wadamada saddexaad aawgeed.

Waxa aan iska diiwaan galiyay UNHCR ilaa sanado badan, laakiin qofna iiguma soo wicin waraysi ku saabsan dib-u-dejin ama daadgureyn. Waa maxay sababta?

Kaliye kuwa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu nugul oo hoos yimaada shuruudaha daad-gureynta ama dib-u-dejinta ayaa loogu yeeraa wareysiga, fursadaha xaddidan ee ay bixiyaan wadamada saddexaad aawgeed.

Waxa kale oo laga yaabaa in UNHCR ay isku dayday in ay kula soo xiriirto balse ay u suurtageli wayday in ay ku hesho. Waxa muhiim ah in la hubiyo in UNHCR la ogeysiiyo isbedel kasta oo ku yimaadda lambarada xiriirkaaga. Hadii nambarkaaga isbedelay, fadlan u soo dir fariin SMS, WhatsApp, ama Viber qadka tooska ah ee Diiwaangelinta 📞 0911633466  adigoo soo diraayo sidoo kale, lambarkaaga kiiska ee UNHCR, lambarkaaga telefoonka ee la cusbooneysiiyay iyo faahfaahinta macluumaadka mesha lagala soo xiriiri karo.

Sidee ayaan u eegi karaa natiijada waraysiga ee daadgureynta ama dib u dejinta?

Hadii aad wareysi la yeelatay UNHCR oo aan weli lagula soo xiriirin natiijada wareysigaaga, waxay la micno tahay in kiiskaaga weli la tixgelinayo. UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta marka go’aan la gaaro, ama si loo raadiyo macluumaad dheeraad ah, hadii loo baahdo.

Fadlan dulqaadho oo hubi in UNHCR ay hayso teleefoonkaaga saxda ah.

Miyaan ku soo wargeliyaa UNHCR hadii nambarka telefoonkaygu isbeddelo?

Haa! Aad ayay muhiim u tahay in UNHCR ay haysato talefoonkaaga cusub.

Hadii nambarkaga uu isbedelay, fadlan u soo dir SMS, WhatsApp, ama Viber khadka tooska ah ee Diiwaangelinta 📞 0911633466 adoo soo raacinayo sidoo kale nambarka kiiskaaga ee UNHCR, lambarka taleefoonkaaga oo aad cusbooneysiiyay iyo faahfaahinta ciwaanka lagala soo xiriiri karo.

Faahfaahinta nambarkaaga ama mesha lagaala soo xiriirayo waxaa lagu cusboonaysiin doonaa kaydka xogteena, mudo 7 maalmood oo shaqo ah.Waxaad heli doontaa fariin xaqiijinaysa in macluumaadkaaga la cusboonaysiiyay.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta