Ka hay’ad ahaan, maadaama aan nahay tan qaabilsan bixinta waxyaabaha aan cuntada ahayn, qaybinta alaabaha aan raashinka ahayn waa howl ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ay UNHCR Libiya qabato. Iyadoo la kaashanayo hay’adda IRC iyo hay’adda LibAid, waxaanu wax gaarsiinaa dadka ugu nugul ee hay’adda u welwesho, waxaana ka mid ah dadkaasi barakacayaasha, qaxootiga iyo dadka magan-gelyo-doonka ah iyo kuwa ku jira xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo iyo waliba kuwa laga soo badbaadiyay badda taasi oo qayb ka ah howlaha naf-badbaadinta ah.
Sideen u codsan karaa agabka gargaarka aasaasiga ah (Agabka aan cuntada ahayn – NFIs)?
Waxaad wici kartaa xarunta wicitaanka UNHCR Tawasul: 1504 oo sharaxaad ka bixi kartaa codsigaaga.
Haddii aad u qalanto oo agabku la heli karo, waxaa kula soo xiriiri doona hay’adaha la-hawlgalaya UNHCR (LibAid ama LRC) si laguu ogeysiiyo sida aad u heli karto agabka. Fadlan hubi inaad UNHCR la wadaagto cinwaankaaga iyo lambarka taleefanka ee la cusboonaysiiyay.
