Shaqada iyo waxbarashada

Fursadaha shaqada

Gudaha Ireland, magangalyo-doonku waxay codsan karaan ogolaansho si ay uga soo galaan suuqa shaqada ayadoo leh shuruudo gaar ah. Waxaad heli kartaa ogolaanshahan haddii aadan wali helin talobixinta koowaad oo ku saabsan ilaalintaada caalamiga ah 6 bilood kadib. Tani waxay khuseysaa codsiyada la helo ka dib ama ka dib 18kii Janaayo 2021.

Oggolaanshahani wuxuu kuu oggolaanayaa inaa lagu shaqaa leysiiyo ama iskii u shaqeysto. Waxay shaqeyn doontaa 12 bilood. Waad cusbooneysiin kartaa rukhsadda haddii aadan helin go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan dalabkaaga magangelyo 12-da bilood gudahood. Go’aanka kama dambaysta ah waxaa loola jeedaa markaad soo dhamaystirto dhamaan hababka rafcaanka. Macluumaad dheeraad oo kusaabsan waxaa laga heli karaa halkan. http://www.inis.gov.ie/en/inis/pages/labour-market-access

Link-yo waxtar leh:

Waxbarashada

Waxbarashada dugsi hoose iyo sare

Dhammaan caruurta waxaa looga baahanyahay in wax labarolaga bilaabo da’da 6 ilaa 16 (ama ilaa inti ay ka dhameynayaan sedex sano ee heerka labaad ee waxbarashada).

Markey dhammeeyaan dugsiga hoose/dhexe, kadib uwareeji ardayda dugsiga kuxiga (heerka labaad) waxbarashada.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/primary_and_post_primary_education/going_to_primary_school/primary_education_life_event.html

http://www.citizensinformation.ie/en/education/primary_and_post_primary_education/going_to_post_primary_school/post_primary_education_life_event.html

Waxay kubiirayaan Junior Cycle ee waxbarashada dugsiga sare, kaasoo qaadanaya 3 sano.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/state_examinations/junior_certificate_programme.html

Wareeggan markuu dhamaado, ardaydu waxay sameynayaan Imtixaanka shahaadada hoose.

Ardayda kadib waxay usii gudbayaan Wareegga Sare, kaasoo qaadanayo 2 ama 3 sano ugudbinayana ardayda Imtixaanka Shahaadiga Bixitaanka.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/state_examinations/established_leaving_certificate.html

Caruurta leh baahiyaha gaarka waxbarashada naafonimo darteed waxay heleyaan taageero dheeraad ah iskuulkooda ama iskuulka gaar ah midkood.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/the_irish_education_system/special_education.html

waa khayraad dheeraad ah ee caruurta aan kuhadlin Ingiriiska. Caruurta waxay bilaash kuheli karaan taageero luqadooda hooyo. http://www.citizensinformation.ie/en/education/primary_and_post_primary_education/educational_supports/non_nationals_and_non_english_speakers.html

Dadka waaweyn waxay heli karaan fasallo kubaxayo luqadda Ingiriiska taasoo ay bixiso Guddiga tababarada iyo waxbarashada deegaanka (ETB).Helitaanka iyo mudada uu soconayo fasaladan waxaa go’aamiyo ETB deegaanka. http://www.etbi.ie/etbs/directory-of-etbs/

Waxbarasho dheeraad ah

Dadka haysta aqoonsiga qaxootiga ama ilaalin hoosaad, haysta tegid banii’aadanimo ay kusii joogaan ama kutagaan iney sii joogaan sida ahaan waalid ilmo kudhashay Ireland waxay heli karaan koorsooyin ‘shahaadada kabixitaanka dugsi sare’ ee la ogolaaday. waxay sidoo kale ka qayb qaadan karaan Qorshaha Fursadaha Tababa barka Xirfadaha (VTOS) haddii ay kasoo baxaan shuruudaha caadiga ah ee VTOS. Waxaad ka aqrin kartaa waxbadan oo kusaabsan helitaanka koorsooyinka waxbarashada muwaadiniinta aan udhalan Midowga Yurub. Halkan.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/returning_to_education/vocational_training_opportunities_scheme.html

https://www.citizensinformation.ie/en/moving_country/asylum_seekers_and_refugees/refugee_status_and_leave_to_remain/education_for_refugees.html

Heerka sedexaad ee waxbarashada

Dadka kujira xaaladda qaxootinimo ama ilaalin hoosaad iyo kuwa haysta fasaxa binii’aadanimo waxaa lasiinayaa waxbarasho heerka sedexaad oo bilaasha ah ( jaamacad ama kuleej) haddii ay kunoolaayeen Ireland 3 sano iyo kabadan. Sidoo kale waxaa lasiinayaa deeqda dayactirka heerka sedexaad. Macluumaad kusaabsan xaq uyeelashadooda ee lacagta iskuulka bilaashka studentfinance.ie.

http://www.citizensinformation.ie/en/education/third_level_education/fees_and_supports_for_third_level_education/fees.html

http://www.citizensinformation.ie/en/education/third_level_education/fees_and_supports_for_third_level_education/maintenance_grant_schemes_for_students_on_third_level_courses.html

http://www.studentfinance.ie/mp9377/course-fees/index.html

Kuwa fasaxa kumaqan waa inay ahaadaan waalid, cunug Irish ku dhashay xaq uma laha wax barasho bilaash ah ama deeqo dayactir.

Deeqo waxbarasho iyo taageero.

Qaar badan oo ka mid ah hay’adaha heerka saddexaad ee wadanka Ireland ayaa xubno ka ah Jaamacadaha iyo Kulliyadaha Shabakadda gabaadka. Jamacada gabaadka ee Ireland (UoSI) waa dadaal loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo loona dabaaldego dhaqanka wanaagsan ee jaamacadaha, kulliyadaha iyo machadyada soo dhaweynta qaxootiga, magangalyo-doonka iyo muhaajiriinta kale ee bulshada jaamacadooda isla markaana kobcinaya dhaqanka soo dhaweynta iyo ka mid noqoshada dhammaan kuwa doonaya hooy iyo gabaad. Qaar badan oo ka mid ah hay’adahan waxay bixiyaan deeqo waxbarasho oo kala duwan iyo taakuleyn kale oo la siiyo magangalyo-doonka iyo qaxootiga. Macluumaad dheeraad ah booqo boggan. https://ireland.cityofsanctuary.org/universities-and-colleges-of-sanctuary

Golaha Qaxootiga ee Irish wuxuu maareeyaa qorshe deeq-lacageed oo yar kaas oo siiya caawimaad dhaqaale dadka ku jira nidaamka ilaalinta si ay u helaan waxbarasho dheeraad ah. Waxay sidoo kale soo saaraan buug yar oo macluumaad ah oo ay ku qoranyihiin macluumaad ku saabsan tacliinta sare ee Ireland iyo deeqaha waxbarasho iyo fursadaha ay jaamacadaha iyo kuleejooyinku siiyaan dadka ku jira hawsha magangelyo doonnka ah. Macluumaad dheeraad ah booqo. https://www.irishrefugeecouncil.ie/Listing/Category/education

Macluumaadka la xiriira.