Ku saabsan UNHCR Ireland

UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, waa hay’adda Qaramada Midoobay ee loo xilsaaray ilaalinta dadka lagu qasbay iney ka cararaan guryahooda ayna kahelaan nabadgelyo wadamo kale.

Xafiiska qaranka ee UNHCR Ireland wuxuu ka shaqeeyaa ilaalinta xuquuqda iyo fayoqabka qaxootiga, magangalyo-doonka, iyo dadka bilaa dalka ah ee ku nool Ireland iyada oo loo marayo bixinta hagitaan, tababar, iyo taageerida maamulada iyo kor u qaadida heerarka caalamiga ah ee ugu wanaagsan ee sharciga, siyaasadda, iyo nidaamka.

Sidoo kale waxaan bixinaa, mararka qaar, kaalmo, taageero iyo talo siinta shaqsiyaadka qaxootiga, magangalyo-doonka, dadka wadan la’aanta ah iyo dadka ushaqeeyo ee wakiilka ka ah.

Maxay kuuqaban kartaa UNHCR?

Waxaad la xiriiri kartaa xafiiskeena haddii uu shaki kaaga jiro halka aad kaheli karto caawin, ay kamid yihiin sababahan soosocdo:

  • Haddii aad bilaa waddan ku tahay Ireland una baahan tahay caawimaad
  • Si looga xaqiijiyo macluumaadka ku haboon ee shaqaalaheena jooga xafiisyada UNHCR ee wadamada kale.Tusaale ahaan, waxaan xaqiijin karnaa haddii adiga iyo/ama xubin qoyska ah horay looga siiyey qaxootinimo wadan kale, ay UNHCR u aqoonsatay qaxooti ahaan wadankale, ama soomartay xero ay UNHCR kuleedahay wadan kale.Hubinta macluumaadkan waxay muhiim utahay sheegashadaada xaaladda aad kusugantahay Ireland iyo/ama ujeedada dib ula midoobidda qoyska
  • Ka xaqiijinta diiwaan gelintaada hore ee Hay’adda Shaqada iyo Gargaarka Qaramada Midoobay ee Falastiin ee Bariga Dhow (UNRWA)
  • Si aad uhesho macluumaadka ku saabsan barnaamijkeena caawinta safarka kaasoo caawiyo qaxootiga ama dadka lasiiyey ilaalin hoosaadka si ay oga gudbaan caqabadaha maamul iyo kuwa dhaqaale ee ku gudban dib u mideynta qoyska. Barnaamijkan waxaa taageeray Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo hay’adda Laanqayrta Cas ee Ireland.
  • Si aad u hesho macluumaadka kusaabsan mawduucyada sida dib udejinta iyo dib u mideynta qoyska.

Dhammaan taageerada iyo talo siinta UNHCR waa lacag la’aan:

Fadlan la soco in UNHCR aysan bixin talabixin sharci ah

Waxaad kaheli kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan kaalmo sharci iyo habka magangalyada ee Ireland

https://www.unhcr.org/en-ie/guide-to-the-international-protection-procedure-in-20-languages.html

La xiriiridda UNHCR

Tilifoon: (01) 631 4510

WhatsApp: 089 247 2984

Iimayl: [email protected]

Cinwaanka Xafiiska:

102 Pembroke Road, Ballsbridge, Dublin 4

Sideen ku tagaa xafiiska?

Ku tagidda tareen

Xarunta tareenka ee ugu dhaw xafiiska waa Lansdowne Road.

Kutagidda Baska

Waxaa jira basas dhowr ah oo istaaga meel udhow xafiiska:

4, 7, 7a, 18, 25x, 38, 38a, 38b, 38d, 39, 39a

Kutagidda lugta

Waxaan kaliya 30-daqiiqo oo socod ah ujirnaa bartamaha magaalada, tooska wadada Baggot Street ilaa Pembroke Road.

Fadlan la soco inkastoo xafiiska mararka qaar uu fududeyn karo howlaha kadiska ah, badanaa waxaa fiican inaad kahor soo wacdo si aad uqabsato ballan.


Macluumaadka la Xiriira