Codsashada Magangalyo

Waa maxay magangalyo?

Haddii aad ka baqeyso inaad ku noqoto waddankii aad ka soo jeedday / waddankii aad hore u deggenayd sababtoo ah waxaad khatar ugu jirtaa inaad la kulanto dhibaato daran waxaad dalban kartaa magangalyo gudaha wadanka Ireland. Tallaabada ugu horreysa ee lagu helayo badbaadin waa in la dalbado magangelyo. Fadlan la soco waa inaad joogtaa Ireland, ama dekedda laga soo galo (tusaale ahaan garoonka diyaaradaha ama dekedda) intaadan dalban magangelyo.Dhammaan sheegashooyinka magangalyada waxaa laga soo gudbiyaa hay’adda dowladda ee loo yaqaan ‘International Protection Office’ (IPO). Hay’addan dawladeed ayaa baari doonta dalabkaaga magangalyo waxayna siin doontaa go’aan. Go’aannadan waxaa lagu gaaray heshiiskii 1951 ee Qaramada Midoobay ee la xiriiray Xaaladda Qaxootiga iyo hab maamuuskeedii 1967. Go’aanka macnihiisu waa in lagu siiyo sharci qaxootinimo, ilaalin hoosaad, ogolaansho joogitaan ama dalabkaaga waa la diidi doonaa. Haddii dalabkaada magangalyo la diido, waxaad dooran kartaa inaad si ikhtiyaari ah ugu laabato wadankaagii hooyo ama waa lagugu celinayaa si bilaa ikhtiyar ah.

Tallaabada 1: Codsashada Magangalyo

Mar haddii aad Ireland joogto, codsigaada magangalyo doonka waa inaad udirtaa shaqsi ahaan ee International Protection Office (IPO). Xafiiskooda waxaa laga heli karaa 79-83 Lower Mount Street, Dublin 2, D02 ND99.Sidoo kale waxaad ka codsan kartaa garoonka diyaaradaha ama dekedda. https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/government-organizations/

Waxaad sidoo kale codsan kartaa magangalyo shaqsi ahaan, laakiin sidoo kale caruurtaada kuwaasoo kula joogo kana yar 18 jir. Haddii carruurtaada midkood dhasho intaad ku sugan tahay Ireland, si otomaatig ah ayaa loogu darayaa dalabkaaga magangelyo. Tani waxaa lagasoo reebayaa haddii ay marhore ahaayeen muwaadiniin Irish ah. Codsiyada magangalyada ee khuseeya aad ayey muhiim u tahay, waana inaad u sheegtaa wixii walaac ah ee ilaalin ka ah ee aad u qabtid caruurtaada inta aad ku dhex jirtid howsha magangelyada maamulada ay khuseyso.

Tallaabada 2: Wareysiga Hordhaca

Markaad soo gudbiso kadib inaad dooneyso inaad dirsato codsi magangalyo gudaha Ireland, sarkaal qaabilsan socdaal ama sarkaal kasocda International Protection Office (IPO) ayaa kaa qaadi doona wareysiyo hordhac ah. https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/government-organizations/

Ujeedada wareysigan hordhaca ah waa aruurinta macluumaadka ku saabsan aqoonsigaaga, wadanka aad ka soo jeedo, wadada aad ku tagtay Ireland iyo sababta aad u codsaneyso magangalyo.Waxaa wareysigan hordhaca loo isticmaali doonaa in lagu go’aamiyo in aad codsankarto magangalyo Ireland.

Waxaa jiri kara sababo aanan lagaaga aqbali Karin magangalyadaada. Tani waxay dhici kartaa marki aad marhore kacodsatay magangalyo wadan kale aadna awoodo inaad halkaa kulaabato. Tani waxaan unaqaanaa Xeerka Dublin. https://www.unhcr.org/en-ie/frequently-asked-questions-for-asylum-seekers-and-refugees-in-ireland.html

Haddii wareysigaaga hordhaca ahi ka dhacay dekedda laga soo galo (sida garoonka diyaaradaha ama dekedda), waxaa lagugu hagaajin doonaa xafiiska IPO. Halkan, adiga iyo cunug kasto kugu tiirsan ayaa lagaa qaadi doonaa sawir waxaana lagaa qaadi doonaa farahaaga. Faraha iyo sawirada ayaa ka caawinaya IPO inay go aansato in Xeerka Dublin uu quseeyo kiiskaaga iyo inkale. Intaa kadib waxaa lagu siin doonaa waraaqaha degenaansho oo kumeelgaar ah oo muujinaysa inaad fasax u haysato inaad joogtid Ireland inta go’aan laga gaarayo codsigaada magangalyo.Ma aha kaar aqoonsi oo rasmi ah, laakiin waa in aad marwalbo haysataa.

Tallaabada 3:Weydiimo

Wareysigaada hordhaca kadib, International Protection Office (IPO) wuxuu kusiin doonaa buug oo kusaabsan nidaamka magangalyada Ireland iyo weydiimo. Waa muhiim inaad talo ka hesho qareen ka hor intaadan dhammeystirin weydiimaha. Waa inaa sidoo kale akhriso buuga macluumaadka kahor intaadan dhameystirin weydiimaha.

https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/government-organizations/

Waxaa muhiim ah inaad si dhammaystiran u buuxiso foomka weydiimaha oo aad siiso jawaabta ugu saxsan su’aal kasta oo aad awoodid. Haddii aadan fahmin qaybo ka mid ah weydiimaha, weydii qareenkaaga caawimaad. Weydiimahan waa in lagu soo celiyaa IPO 20 maalmood oo shaqo gudahood ah; 4 toddobaad. Haddii aad u baahan tahay waqti dheeri ah si aad u buuxiso foomka weydiimaha, waa inaad la hadasho qareenkaaga.

Waxa muhiim ah inaad sidoo kale keento dukumiinti kasta oo xaqiijiniyo oo aad u maleyneyso inay ku habboon yihiin codsigaada. Middan waxaa ku jira wixii macluumaad ah ee la xiriira codsigaada ee oggolaanshaha inaa sii joogto.

Tallaabada 4: Wareysi Shaqsi ah

Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) waxay kuusoo diri doonaan warqad oo leh taariikhda iyo waqtiga wareysigaada. Wareysiga ayaa kuu ah fursad aad kusoo gudbiso sababaha iyo waxa kugu qasbay in aad magangalyada ka codsato Ireland. Haddii aad hayso macluumaad dheeraad ah oo aad jeclaan lahayd in lagu daro codsigaada magangalyo tan iyo markii aad gudbisay su’aalahaaga, isku day oo u ogeysii IPO ugu yaraan hal toddobaad ka hor wareysigaaga. Taariikhda wareysiga waa la beddeli karaa, hase yeeshee waxaa loo baahan doonaa inay jirto sabab aad u wanaagsan oo aadan oga qayb geli karin tusaale ahaan; aad ayaad u xanuusan tahay.

https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/government-organizations/

Haddii ay kugu adagtahay inaad ku hadasho English, IPO waxay ku siin doontaa turjumaan wareysiga. Maalinta wareysiga, waxaa muhiim ah inaad hubiso haddii adiga iyo turjumaanka aad is fahmi kartaan. Haddii ay dhibaato kuhayso, waa inaad u sheegtaa qofka ku wareysanaya IPO inuu ogaado. Sidoo kale, haddii aadan fahmin mid ka mid ah su’aalaha lagu weydiinayo inta lagu guda jiro wareysigaaga, weydii wareystaha inuu ku celiyo.

Rikoor qoraal ah oo wareysiga ah ayaa lagu keydin doona wareystaha ka socda IPO. Inta uu socdo wareysiga, wareystaha wuu joojin doonaa wuxuuna ku weydiin doonaa inaad aqriso qoraalada waxa aad sheegtay iyo inaad wax saxdo.Kadib waxaa lagu weydiin doonaa inaad saxiixdo diiwaanka wareysiga si loo xaqiijiyo inaad aqrisay oo aad u maleyneyso inay sax tahay. Haddii ay jirto wax ku jira diiwaanka wareysiga oo aan saxba ahayn, ama haddii wax ka maqan yihiin, fursad usii wareystuha inuu ogaado.

Inkastoo qareenkaadu uu wareysigaada aadi karo, tani ma badna. Haddii aad tahay ilmo aanan lala socon, qofka mas’uulka kaa ah ama wakiilkaada oo kasocda Tusla (Hay’adda Qoyska iyo Ilmaha) waa iney kugu wehliyaan wareysiga.

Tallaabada 5: Talooyinka Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah

Wareysigaada kadib, Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) wuxuu tixgelin doonaa dhammaan macluumaadka aad kabixisay kiiskaaga. Tani waxaa kujira waraysigaaga (waraysiyadaada), weydiimo iyo wixii dukumiinti ah ee aad gudbisay. IPO ayaa kadib ‘talobixin’ siin doonta dawladda.

Haddii talabixinta aan lasameyn lix bilood gudahood waxaad codsan kartaa qiyaasta marka aad mid ka heli karto Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO).Talabixinta waxaa lagu heli doonaa boosto diiwaangashan waana laguu soo diri doonaa adiga iyo / ama looyarkaaga.

Talobixinta suurta galka ah ee IPO ay sameyn karaan waa:

  1. Iney kusiiyaan aqoonsi Qaxootinimo
  2. Iney kusiiyaan Ilaalin Hoosaad
  3. Iney kusiinin aqoonsi Qaxootinimo ama Ilaalin Hoosaad

Haddii IPO ay kugula talinayso in lagu siiyo aqoonsi Qaxooti, ​​Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta (Wasiirka) ayaa kuu soo diri doona cadeyn qaxooti toddobaadyo badan gudahood.Si kastaba ha noqotee, Wasiirku waa uu diidi karaa inuu raaco talabixinta IPO halkaasoo ay u arkeen in codsaduhu mid khatar ku ah yahay xagga amniga ah.

Haddii IPO kugu talabixiso in aan lagu siin aqoonsi qaxootinimo ama ilaalin hoosaad Wasiirka ayaa go’aansan doona haddii lagu siiyo ‘Oggolaanshaha kusii Joogto’. Waxaad ka aqrin kartaa macluumaad dheeraad ah oo arintan kusaabsan ama waxyaalo kale halkan.

https://www.unhcr.org/en-ie/guide-to-the-international-protection-procedure-in-20-languages.htm

Natiijooyinka kala duwan ee kasoo bixi kara ee talabixinta IPO waxaa lagu caddeeyey jadwalka hoose:

Tallaabada 6 Rafcaanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Ilaalinta (IPAT)

Waxaad rafcaan ka qaadan kartaa talabixinta Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO) oo ah inaadan xaq u lahayn aqoonsiga Qaxootinimada ama Ilaalin hoosaad ee Maxkamada Racfaanada Caalamiga ah (IPAT). Ma jiro wax racfaan ah oo loo dirayo Maxkamadda Ilaalinta Caalamiga ah ee Racfaanka (IPAT) diidmada ee ogolaanshaha sii joogista.

Si rafcaan oga qaadato go’aan, waa inaad buuxisaa oo aad u gudbisaa foomka racfaanka IPAT. Iyada oo kuxiran natiijooyinka IPO, waxaa macquul ah in lagaa codsado dhageysi afka ah ee racfaankaaga. Waxaa kaliya haysataa wakhti cayiman oo aad ku soo gudbiso codsi racfaan waxaana lagugu wargalin doonaa waqtiga aad ku haysato warqadda talabixinta ka socota IPO.

Waa lagula soo xiriiri doonaa marka iyo taariikhda la qabanayo dhageysigaaga racfaanka. Intay socoto dhageysiga afka ah xubin kamid ah IPO ayaa kula joogi doona adiga, qareenkaaga iyo ‘Xubinta Maxkamada’ (kani waa xubin shaqaale ee Maxkamada Racfaanka Ilaalinta Caalamiga).

Xubinta Maxkamada waxaa sidoo kale wehlin kara marqaati goob jog u ah si ay u siiso cadeynta la xiriirta qeyb ka mid ah dalabkaaga racfaanka. Maalinta dhageysigaada, haddii turujubaan loo baahan yahay, xaqiiji inaad hubiso haddii labadiinuba aad is fahmeysaan. Maalinta dhageysigaada, haddii turujubaan loo baahan yahay, xaqiiji inaad hubiso haddii labadiinuba aad is fahmeysaan. Haddii kugu adagtahay fahmidda turujumaanku, waa inaad tan ku wargelisaa Xubinta Maxkamada.

Haddii IPAT ay ka noqoto talo diidmo ka timid IPO, Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta (Wasiirka) ayaa kuu soo diri doona caddeynta cusub sida aqoonsiga Qaxootinimo ama Ilaalin Hoosaad.

Tallaabada 7 ee dib u eegista ogolaanshaha sii joogista

Haddii Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO) uusan ku talabixin in laguu ogolaado inaad sii joogto, rafcaanka aad udirtayna Maxkamadda Ilaalinta Racfaanada Caalamiga ah (IPAT) aanan lagu guuleysan, Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta (Wasiirka) ayaa dib u eegi doona go’aanka ah inaan lagu siinin ogolaansho inaad kusii sugnaato meesha aad ku soo gudbisay wixii macluumaada ee cusub tan iyo markii go’aanka hore ah la qaatay. Waxaad heli doontaa ogolaansho inaad ku sii ahaato foomka dib-u-eegista si aad u buuxiso. Waxaad kaliya haysataa 5 maalin shaqo inaad ku gudbiso wixi macluumaad oo cusub. Sidaa darteed, waa muhiim inaad isu keento wixi dukumiinti ah oo aad rabto inaad horay kasii sii gudbiso. Haddii ay jireen wax isbeddel ah oo ku yimid xaaladdaada waqtiga u dhexeeya oggolaanshaha Wasiirka ee sii joogitaankaada iyo go’aanka IPAT ee ku saabsan rafcaankaaga, waa inaad u sheegtaa Wasiirka sida ugu dhakhsaha badan.

Wasiirka wuxuu sidoo kale bixin karaa ogolaanshaha siijoogitaanka haddii uu ku guuldaraysto taas waxay keeneysaa in lagu xadgudbo mamnuucida qasab ku celinta. Waxaad ka akhrin kartaa wax badanoo kusaabsan qasab kucelinta halkan. https://www.unhcr.org/en-ie/1951-refugee-convention.html