Dib umideynta Qoyska

Waa maxay Dib u mideynta qoyska?

Dib u mideynta qoyska waa hab lagu ilaalinayo midnimada qoyska kiisaska halka qoyska qaxootiga uu kunool yahay dibadda Ireland.

Hadii lagusiyay cadeyn qaxotinimo ama ilaalin hoosaad waxaad ka Codsan kartaa, 12 bilood gudahood oo markii aad heshay cadeynta,  wasiirka  caddalada  iyo sinnaanta (yacni wasiirka) ogolaanshaha xubnaha qoyskaada kamid ah inay soogalaan ama soo dagaan Ireland, hadii ay awal jogeen gudaha Ireland inay siijogaan ama kula sii daganaadaan.

Daba socoto baaritaan iyo go’aanka wasiirka, xubin qoyska ah waxaa la siinayaaogolaansho uu ku dago Ireland muddo cayiman oo kayareyn 1 sano, iyo kiis cusbooneysiin, oo aan kayareyn 2 sano.

 

Kumaa ah xubin qoyska ah ee howlaha dib u mideynta qoyska?

Haddii aad tahay codsade qaan gaar ah, xubnaha qoyskaada waxaa lagu qeexi karaa sida (i) xaaskaada ama lammaane madani ah, bixinayo guurka ama iskaashi madani ah uu socday marki lacodsanayey ilaalinta caalamiga; (ii) canugaada, ilaa inta ay ka yar yihiin 18 sano oo aan guursan wakhtiga aad codsanayso midaynta qoyska.

Waxaan ahay cunug aan lala socon. Kumaa ah xubin qoyska ah ee aniga ee howlaha dib u mideynta qoyska?

Waalidiintaada iyo walaalahaada oo ay da’doodu ka hooseyso 18 oo ayna guursan. Qoyskaada waxaa lagu qeexaa waqtiga codsashada dib u mideynta qoyska.

Sideen u codsan karaa dib u mideynta qoyska?

Waad codsan kartaa isu keenista qoyska, mar haddii lagu siiyo caddeyn xaalad qaxooti ama badbaadin hoosaad, adigoo qoraal ugu qoraya Qeybta Isukeenista Qoyska, Adeegga Jinsiyadda iyo Socdaalka ee Irish, 13/14 Burgh Quay, Dublin 2.

Waa maxay nidaamka loo marayo dib u mideynta qoyska?

Waa inaad dalbataa dib u mideynta qoyska 12 bilood kudahood xiligga cadeynta qaxootinimada ama cadeynta ilaalin hoosaad oo ka heshay wasirka. Tusaale, hadii lagusiyay cadeynta qaxootinimada 1-da Maarso 2017-ki, waa inaad dalbataa dib umideynta qoyska kahor 1-da Maarso 2018-ki.Waa inaad qoraal ku codsataa Qaybta Midaynta Qoyska, INIS oo aad siisaa macluumaadka soo socda:

  • Magacaada, lanbarka aqoonsigaada iyo cinwaanka;
  • Taariikhda lagu siiyay sharciga qaxootinimo ama ilaalin hoosaad ee Wasiirka;
  • Xubin kastoo katirsan qoyska: magacooda, xirirka idinka dhexeeyo adiga, taarikhda dhalashadooda, dhalashada iyo cinwaanka hadda.

Waxay noqon kartaa mid faa’ido leh inaad sidoo kale siiso nuqul cadeyntaada qaxootinimo ama nuqul kuwa ilaanta hoosaad waraaqadahaaga. Daba socoto codsigaan waxaad heli dontaa su’aalo oo ay tahay inaad buuxiso oo kaaga imaanaya qeybta dib umedeynta qoyska. Marxaladan, waxaa kale oo lagaa codsan doona inaad soo gudbiso dukumiintiyada asalka ah oo kusaabsan xubnaha qoyskaaga sida shahaadooyinka dhalashadooda, kaararka aqoonsiga iyo baasaboor ay wehliso labo sawir oo hada lagalay oo saxiixan. Waxa kale oo lagaa rabaa inaad bixiso dukumintigaaga safarka iyo caddaynta dukumiintiga ee cinwaankaaga hadda. Ayadoo la eegaayo duruufahaaga shaqsiyeed waxaa laga yaabaa in lagaaga baahdo inaad soo gudbiso shahaadada guurka hadii aad raadineysid inaad la midoowdid qoyskaaga ninkaga ama xaaskaga ama warbixino kale oo la xariira ama cadeemo dukuminti.

Markaad dhameyso soona gudbiso su’aalahaada, qeybta dib umideynta qoyska waxay baaritan kusameyn donaan codsigaada waxaana heli dontaa waraaqda go’an gaarista. Hadii dib u mideynta qoyskada lasoo aqabalo waxaad heli dontaa waraaqda go’aanka kusiineyso ogalaanshaha, xiliga qoysku soogalayo ama soodagayo wadanka. Waa muhiim inaad diyaariso safarkooda kahor taarikh daas hadii xubnaha qoyskaaga aysan soo galin Ireland kahor ama maalintaas, markaa ogalaanshaha dib umideynta qoyska waa lajoojin doonaa.

Qofka la siiyay rukhsad uu ku sii joogo xaq uma laha dib u mideynta qoyska marka loo eego Xeerka Caalamiga ah ee Ilaalinta. Isaga / iyadu waxay dalban karaan mideynta qoyska iyadoo loo marayo habraaca socdaalka ee caadiga ah; hase yeeshe, shuruudo kala duwan iyo tixgelin ayaa lagu dabaqi doonaa.

Waxaan ahay xubin qoyska ah oo dhowaan helay ogolaanshaha ku biirista xubin qoyskeyga ah oo jooga Ireland.Maxay yihiin xuquuqdaydu?

Waxaad haysataa ogolaansho aad ku soo gasho ama ku degto Ireland mudo aan ka yarayn hal sano, iyo marka cusboonaysiinta, ugu yaraan wax ka yar laba sano. Xubin qoys ahaan, waxaad leedahay xaquuqo la mid ah kan ku kafaala qaadaya , haddii shardi ilaaliyaha caalamiga ah uu shaqeynayo oo aad degan tahay Gobolka