Su’aalaha inta badan la isweydiiyo

Waa maxay ilaalinta caalamiga ah?

Ilaalinta caalamiga ah waa weedh inta badan loo adeegsado sharciga midowga yurub oo loola jeedo labada xaaladood ee ah qaxootinimo iyo ilaalin hoosaad. Qofka magangalyo ka dalbado Ireland wuxuu raadinayaa ilaalin caalami ah oo laga helo caddibaad ama waxyeeleyn culus oo ka soo gaarta wadankiisa.

Waa kuma qaxooti?

Qaxootigu waa qof aan dib ugu noqon karin wadankiisa sababtoo ah waxay leeyihiin cabsi aasaasi ah oo ah in lagu silciyo halkaas loo beegsanayo sababo jinsi, diin, dhalasho, xubin ka mid ah koox bulsho oo gaar ah ama fikrad siyaasadeed. Aqoonsiga qaxootinimo waa qaab ilaalin ah oo la siiyo dadka la kulma qeexidda qaxooti.

Waa maxay ilaalin hoosaad?

Ilaalin hoosaadku waxay kaabeysaa aqoonsiga qaxootiga. Waxay ka dhigan tahay in qofka aan lagu celin karin wadankii uu ka yimid ama degaankii uu ku noolaa sababtoo ah waxay la kulmayaan khatar dhab ah oo waxyeelo weyn leh. Waxyeello daran macnaheedu waxay tahay (i) ciqaab dil ama dil; (ii) jirdil ama ciqaab ka baxsan aadanaha ama sharaf dhac ama ciqaab; (iii) hanjabaad qatar ah iyo mid shaqsi oo loo geysto nolosha ama qofka rayidka ah sababo la xiriira rabshado aan loo meel dayin oo ka dhaca xaalad dagaal caalami ah ama mid gudaha ah.

Waa maxay ogolaanshaha lagu sii joogayo?

Oggolaanshaha siijoogitaanka waxaa la baari doonaa oo keliya haddii lagugu helo inaadan xaq u lahayn sharci qaxooti ama ilaalin hoosaad. Halkani waa meesha uu wasiirku ka tixgelinayo inuu ku siiyo ogolaansho aad ku sii joogto Ireland sabab kale sida reerkaaga ama duruufahaaga shaqsiyeed.

Wasiirka wuxuu tixgelin doonaa arrimaha ay ka mid yihiin: a. nooca xiriirka aad la leedahay Ireland, haddii ay jiraan wax; b. tixgelino bani’aadamnimo; c. dabeecadaada iyo anshaxaaga labadaba gudaha Ireland iyo meelo kale, ay kujirto wixi xukun dambiyeed ah; d. tixgelinta danta guud.

Marka la tixgelinayo ogolaanshaha sii joogista Wasiirka wuxuu sidoo kale xisaabta kudarsan doonaa mamnuucista qasab kucelinta.

Waa maxay dawlad la’aanta?

Qeexitaanka sharciyeed ee caalamiga ah ee qof aan wadanna lahayni waa “qof ayna tixgelinaynin wax dawlad ah inuu yahay mid udhashay wax wadan ah oo ku shaqeynaya sharcigiisa”. Si fudud marka loo eego, tani waxay ka dhigan tahay in qof aan dal lahayn uusan lahayn dhalasho waddan kasta. Dadka qaar waxay ku dhasheen dal la’aan, laakiin kuwa kale waxay noqdaan dal la’aan.

Wadan la’aan waxay kudhici kartaa sababo badan, ay kujirto midab takoor kadhan ah qowmiyad gaar ah ama kooxo diimeed ama kusaleysan jinsi; soo bixidda wadamo cusub iyo isku wareejin dhul oo udhexeeyo wadamo siijiray; iyo farqi udhexeeyo sharciyada dhalashada. Wax kastoo sababayba, wadan la’aantu waxay leedahay caqabado aad uxun kudhawaad wadan kasto iyo dhammaan gobolada adduunka.

Waa maxay mamnuucidda dib u celinta qasabka ah?

Mabda’an, micnihiisu waa in Wasiirka uusan cayrin Karin ama celin Karin qofna, habna waxkasto oo xuduuda dalka, aragtida Wasiirka (a) nolosha ama xoriyadda qofkaas loogu hanjabayo sababa la xiriira jinsiyad, diin, dhalasho, kamid noqosho urur bulsho oo gaar ah ama aragti siyaasad ama (b) jiritaanka Qatar xooggan in qofka loo geysanayo ciqaab dil ah, jirdil ama waxyaalaha kale ee binii’aadanimo ahayn ama kulak ac bahdil ama ciqaab.

Maxay ka dhigan tahay ku tiirsanaanta dalabka magangalyada caalamiga ah ee waalidka?

A. Waxay ka dhigan tahay in qiimeynta codsashada ilaalinta caalamiga ah ee ilmaha ku tiirsan lagu dari doono qiimeynta sheegashada waalidkooda waxayna ku xirnaan doontaa natiijada ka dhalata. Canuga ku tiirsan ma laha wareysi gaar ah ama baaritaan gooni ah oo ku saabsan baahidiisa ilaalinteeda. Waalidku waa inuu ku daraa wixii sababo ah codsigiisa ama codsigeeda sababta cunugu ugu baahan yahay magangalyada caalamiga ah iyo / ama waa in la siiyaa ogolaansho inuu ku sii joogo Ireland. Waxaa muhiim ah in la xasuusnaado in carruurtu ay waalidkood ka heli karaan baahiyo ilaalin oo dheeri ah ama ka duwan.

Ma codsan karaa ilaalin caalami ah gudaha Ireland haddii aan wadan la’aan ahay?

Haa, waad codsan kartaa xaalad qaxootinimo ama ilaalin hoosaad oo aanan ku noqon Karin wadankaadi ee caado ahaan udagneyd sababo ilaalin dartood. Codsigaada ayaa kadib la baari doonaa ayadoo loo fiirinayo wadanka caadiga aad dagan tahay sida wadanki aad horay ugu nooleed.

Kawaran haddii aan naafo ahay iyo/ama baahiyo gaar ah oo kale?

Waa inaad wargalisaa IPO sida ugu dhaqsaha badan wixi naafonimo ah ama baahiyaha kale ee gaarka ah marka lagaa qaadayo wareysiga si IPO, meelaha suurta galka tahay, ay maareyn karto baahiyahaaga.

https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/government-organizations/

Ma laga laaban karaa ku dhawaaqista xaaladdeyda qaxootinimo ?

Haa, cadeyntaada qaxootinimo ama cadeynta magangalyada hoosaad waa laga noqon karaa duruufaha qaarkood oo xadidan sida halka markii dambe lagaa helay inaad siisay macluumaad been ah ama marin habaabin ah inta lagu gudajiray baaritaanka dalabkaaga magangalyada caalamiga ah. Haddii taas dhacdo waxaa laguu soo diri ogeysiin, qoraal ahaan, soojeedinta wasiirka in lagaala laabto xaaladaada, ay kujirto wixi sababo ah. Waxaa fursad laguu siin doonaa inaad qoraal udirto Wasiirka jawaab ahaan 15 maalin shaqo gudahood markaad heshay ogeysiinta. Mar hadduu go’aansado Wasiirka lagaala noqoshadaada xaaladaada qaxootinimo, 10 maalin shaqo guadahood, racfaan udir maxkamadda Circuit Court.

Halkeen joogayaa inta uu socdo nidaamka ilaalinta caalamiga?

Waxaa lagaa siin doonaa hoy xarunta Direct Provision, si kastoy noqotaba, haddii aad yeelan karto hab aad adiga isudabareyso, waxaa xor u tahay inaa kunoolaato meeshaa rabto. Nidaamka soo dhaweynta waxaa xukumo S.I. No. 230 ee Bulshooyinka Yurub ee 2018 (Shuruudaha Soo dhaweynta) Xeerarka 2018.

UNHCR miyey isiin kartaa talasiinsharci?

Nasiib darro, kheyraadka oo xadidan awgiis iyo doorkeena Ireland, UNHCR ee xarunteedu tahay Dublin waxay kaliya bixisaa taageero xadidan marka loo eego kiisaska shaqsiga.

Talasiinta sharciga iyo wakiilnimada ayaa lagu heli karaa bilaash ayadoo loo maraayo Guddiga Caawinta Sharciga ama si dadban ayadoo lamarayo qorshaha xirfadda gaarka ah.

Macluumaad dheeraad ah booqo boggan.

https://help.unhcr.org/ireland/where-to-seek-help/legal-and-other-support/

Marki lagu wargeliyo, wakiiladaada sharciga waxay la xiriiri doonaan UNHCR hadey utixgeliyaan muhiim, si aad u codsato caawin arrimo gaar ah waa iney bixiyaan dukumiintiyo laxiriira oo xaqiijinayo kiiska, marki sidaa lasameynayo. Wakiilada sharciga iyo talabixinta magangalyo-doonka ayaa lasiin doonaa ayadoo lasoo marayo garyaqaano gaar ah ama hay’ado ku taqasusay sida Golaha Qaxootiga Ireland iyo Golaha Soogalootiga kuwaasoo bixin kara adeegyadooda si bilaash ah.

Haddii cunugaygu uu kudhasho Ireland, miyaa xaq loo siinayaa dhalasho?

Caruurta kudhasha Ireland wixi kadanbeeyey 1-da Janaayo 2005 waxaa xaq loo siinayaa dhalashada Ireland haddii mid kamid ah labada waalid ay yihiin ree Ireland ama mid kamid ah waalidiintooda uu si sharci ah u dagan yahay jasiirada Ireland 4-ti sano 3-sano isla markiiba kahor dhalashada. Mudooyinka daganaanshaha sharciga magangalyo-doon ahaan ama fiiso arday ma uqalmayaan ujeedooyinkan. Si kastaba ha noqotee, cunug ku dhashay Ireland oo aan xaq u yeelan doonin dhalasho wadan kale wuxuu xaq u yeelan doonaa dhalashada Irish. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan eeg boggan.

http://www.citizensinformation.ie/en/moving_country/irish_citizenship/irish_citizenship_through_birth_or_descent.html

Miyay tahay inaan magangalyo ka dalbado dalka ugu horeeya ee aan ka galo Yurub?

Maya. “Xeerka Dublin III ee Yurub” ayaa soojeedinayo in si dhaqso loo sameeyo loo sameeeyo hal Wadan oo Xubin ah inuu masuul ka noqdo baaritaanka codsiga magangalyo-doonka gudaha Midowga Yurub ama wadama la xiriira;Norway, Iceland, Switzerland iyo Liechtenstein.Norway, Iceland, Switzerland iyo Liechtenstein. Xeerka wuxuu ka caawinayaa in laga fogaado xaalad magangalyo-doonku laga diro wadan ilaa wadan kale ayadoo wax codsigiisa mas’uuliyadiisa qaadeyso ay jirin. Sinnaanta waxay ka hortageysaa ku xad gudubka nidaamka halkaasoo hal qof uu dirayo codsiyo badan oo magangalyo ah wadamooyin kala duwan.

http://www.ipo.gov.ie/en/ipo/pages/eu_dublin_regulations

Xeerku masoo saarayowax ciqaab ah magangalyo-doonka markey xuduudaha soo gudbaan. Taa bedelkeeda, waxay dejineysaa shuruudo isdaba jog ah taasoo ka caawinayo xukuumadaha iney go’aamiyaan wadanka mas’uulka kanoqonayo shaqsi kasoo magangalyo-doon ah.

Shuruuda ugu kore liiska waa xiriirka qoyska.Haddii codsadaha uu marhoreba joogin wadanki loo wakiil saaray, Nidaamka ayaa soosaarayo habka laraacayo diyaarinta sidi wadankaas loogu wareejin lahaa. Waxay sidoo kale ogolaadaan wareejin ikhtiyaari ah, halki ay Maamuladu isku raacaan, si loo mideeyo xubnaha qoyska.Marka, haddii dhalinyaro magangalyo-doon ah imaado Talyaaniga laakiin kadib u gudbo Faransiiska sababtoo ah waalidiinta oo halkaa ku nool, waxaa loo ogolaan doonaa inuu ka codsado magangalyo Faransiiska.

Kiiska ilmo aan lala socon, oo wax xubno qoys kulahayn Midowga Yurub ama wadamada la xiriira, wuxuu codsan karaa magangalyo wadanka uu joogo isla waqtigaas. Shuruucda la xiriirta soo galitaan sharci ama sharci darro ah xubin kamid ah wadamada ayaa xoogaa farsamo ah. Tusaale ahaan, isla marki uu magangalyo-doonku uu soo gudbo xuduud si aan joogto ahayn wadan xeerka hoos imaanayo, wadankaa ayaa loo arki doonaa inuu masuul kayahay haddii aysan jirin xubno qoys oo wadan kale jiro. Haddii si kastoy noqotaba 7 bilood kadib uu qofku aado wadan kale uuna halkaas kunoolaado uguyaraan 5 bilood intuusan codsan kahor magangalyo, markaa wadanki labaad ayaa mas’uul ka noqonayo codsiga. Faraha la galiyo magangalyo-doonka waxaa sida caadiga ah qaata saraakiisha socdaalka natiijooyinka ka soo baxa keydka xogta “Eurodac” ayaa badanaa  aasaas u ah go’aamada noocaas ah.