Sharciga iyo taageerada kale

Golaha Qaxootiga Ireland

Golaha Qaxootiga Ireland waa hay’ad qaran oo aan dawli eheen (NGO) taasoo ku takhasustay la shaqeynta qaxootiga Ireland, ayadoo sal ahaan diiradda saareysa la shaqeynta dadka kujira nidaamka magangalyada kuwaasoo codsanayo in loo aqoonsado qaxooti ahaan. http://www.irishrefugeecouncil.ie/

Golaha Qaxootiga Ireland ayaa maamusha xarun lacag la’aan ah oo xogta xifdineyso oo laheli karo Isniinta, Talaadada iyo Khamiis kasta taasoo bixisa habka magangalyada, Direct Provision iyo dib u mideynta qoyska.

Waxay kaloo bixin karaan taageerada kusaabsan arimaha sida guriyeynta, shaqaaleysiinta, waxbarashada, dib u dejinta iyo kafaala qaadida bulshada.

Kala Xiriir:

Guddiga Gargaarka Sharciga

Guddiga Gargaarka Sharciga .Waa guddi loo igmadaty bixinta kaalmada sharciga ee Ireland. Waxay ku hawl galaan Adeegga Sharciga Qaxootiga kaasoo bixiya adeegyada sharciga madaxa bannaan oo xafidayo sirta ee dadka codsanayo magangalyada Ireland. Kaalmada sharciga waxay kaa caawin kartaa haddii aadan awoodin iney qabsadaan qareen gaar ah, ayagoo bixinaya kaalmo sharci, talabixin iyo wakiilnimo. http://www.legalaidboard.ie/en/

Kala Xiriir:

Golaha Muhaajiriinta ee Ireland

Golaha Muhaajiriinta ee Ireland waxay bixisaa kaalmada iyo wakiilnimada sharciga ee shaqsiyaadka ee xaaladooda socdaalka. Tani waa adeeg bilaash ah, laakiin xaddidan oo loogu talagalay xaaladaha gaarka ah ee adag ama kiisaska keena walaacyada siyaasadeed ee gaarka ah.Tani waa adeeg bilaash ah, laakiin xaddidan oo loogu talagalay xaaladaha gaarka ah ee adag ama kiisaska keena walaacyada siyaasadeed ee gaarka ah.

http://www.immigrantcouncil.ie/

Isla lanbarkaas ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa in lagula xiriiro khadka kooxda ka hortagga midab takoorka, taasoo bixisa caawinta, macluumaadka iyo gudbinta dadka ay lasoo daristay ama kala kulmay dhacdooyin midab takoor Ireland.

Kala Xiriir:

  • Adeegga Caawinta Tilifoonka iyo Khadka Ka Hortagga Midab Takoorka:+353 1 674 0200

Adeeggan taakuleynta waxaa lagu heli karaa taleefan Isniinta, Talaado, Khamiis iyo Jimco 10 am-1pm

Xarumaha Talabixinta Sharciga Bilaashka (FLAC)

FLAC waa Xarun Sharci oo Madax-bannaan taasoo bixisa macluumaadka sharciga sir xafidan oo bilaash ah iyo tala bixinta dadweynaha. http://www.flac.ie/

Talabixinta sharciga waxaa laga raadsan karaa webseedkooda , macluumaadka tilifoonkooda iyo khadka gudbinta ama mid kamid ah xarumaha talabixinta sharciga.

Kala Xiriir:

Nasc

Nasc waxay ka shaqeysaa isku xirka muhaajiriinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay xuquuqdooda iyadoo la ilaalinayo xuquuqda aadanaha, kor u qaadista isdhexgalka iyo u ololeynta isbedel iyo sidoo kale bixinta adeeg sharci oo bilaash ah. NASC waxay kutaalaa gobolka Cork waxayna bixisaa caawinta koonfurta dalka iyo guud ahaanba dalka. http://www.nascireland.org/

Kala Xiriir:


Macluumaadka la xiriira