Ururada Dowlada

Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO)

Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) ayaa mas’uul ka ah baaritaanka codsiyada ilaalinta caalamiga (sida codsiyada magangalyada).

Madax banaanida saraakiisha IPO ee ka go’aan gaarista codsiyada magangalyada waxaa  dhawraya sharciga Ireland.

Si aad usheegato magangalyada Ireland marka laga reebo meelaha laga soo galo(sida garoonka diyaaradaha ama dekedda), waa inaad shaqsi ahaan toos uga codsato xafiiska IPO.

http://www.ipo.gov.ie/

IPO ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socdo:

  • Diiwaan gelinta magangalyo doonka iyo siinta magangalyo-doonka waraaqaha aqoonsiga deganaanshaha kumeel gaar ah
  • Baaritaanka codsiyada magangalyada iyo soojeedinta in haddii qof la siinayo qaxootinimo ama ilaalin hoosaadka.
  • Fulinta Oggolaanshaha Dib-u-eegista ee Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta

Kala xiriir:

Maxkamadda Racfaanka ilaalinta Caalamiga (IPAT)

IPAT waa maxkamad racfaan oo madax banaan. Waxay baareysaa rafcaannada dadka uu Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO) kula taliyo in aysan helin magangalyada caalamiga ah (yacni, heerka qaxootiga ama ilaalinta hoosaad).

IPAT ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socdo:

  • Dhageysiga iyo go’aaminta racfaanada la xiriira go’aanada diidmada magangalyada
  • Dhegeysiga iyo go’aaminta rafcaannada ku xusan Xeerka Dublin
  • Dhageysiga iyo go’aaminta racfaanada  codsiyada xiga iyo codsiyada aan la ogolaan karin
  • Dhageysiga iyo go’aaminta racfaanada  hoos yimaada Bulshooyinka Yurub(Shuruudaha Qaabilaada) Nidaamyada 2018 https://www.refworld.org/docid/5b55a9b57.html

Kala Xiriir:

Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka Ireland (INIS)

Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka Ireland ka mas’uul ah fulinta howlaha wasiirka caddaalada iyo Sinnaanta marka loo eego magangalyada, socdaalka (ay kujirto fiisaha) iyo arimaha dhalashada. http://www.inis.gov.ie/

INIS ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socdo, oo ay kamid tihiin:

  • Fiisooyinka ay ku imaanayaan Ireland dadka aan kasoo jeedin EU/EEA (Midowga Yurub) & aanan udhalan Switzerland
  • Ka shaqeynta codsiyada dhalashada
  • Laabasho Ikhtiyaari ah

Faahfaahinada xiriirada adeegyada kala duwan ee INIS waxaa laga heli karaa halkan:

http://www.inis.gov.ie/en/INIS/Pages/contact

Guddiga Sinnaanta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ireland (IHREC)

Guddiga Sinnaanta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ireland waa hay’adda sinnaanta iyo xuquuqda aadanaha qaranka ee Ireland, oo ay u igmatay dawladda ilaalinta iyo kor uqaadida xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta Ireland ayna dhisto dhaqan ah xushmeynta xuquuqul insaanka, sinnaanta iyo isfahamka is-dhexgalka dhqamada kala duwan ee dawladda.

Inkastoo ay maalgaliso dawladda, waa ay ka madax bananaan tahay dawladda. https://www.ihrec.ie/

IHREC ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socdo:

  • Iney siiso dadweynaha Ireland macluumaadka ee dhanka xuquuqdooda aadanaha iyo helitaanka xal hoos imaanaya sharciga sinnaanta iyo xuquuqda aadanaha ee Ireland
  • Talooyin usoo jeedinta dawladda ee ku aadan tallaabooyinka lagu xoojinayo, lagu ilaalinayo laguna hubinayo xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta ee Qaranka
  • Bixinta caawin la taaban karo, ay kamid tahay caawin sharci xaaladaha qaar, dadka beri yeelaya xuquuqdooda

Kala Xiriir:

Xafiiska Socdaalka Qaranka ee Garda (GNIB)

Dhammaan dadka aanan udhalan dalka kuwaasoo eheen muwaadiniinta wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, Aagga Dhaqaalaha Yurub ama Switzerland, waa iney iska diiwaan galiyaan Xafiiska Socdaalka Qaranka ee Garda damacsan yihiin iney sii joogaan Ireland in kabadan 3 bilood iyo marwalbo ku haystaan waraaqaha diiwaangalinta oo ansax ah foomka kaarka oggolaanshaah deggenaashaha Ireland (IRP). Xafiiska Socdaalka Qaranka ee Garda (GNIB) musaafurinta, ilaalinta xuduudaha iyo baaritaanada la xiriira soo galootiga sharci darada ah.

http://www.inis.gov.ie/en/INIS/Pages/registration-offices

GNIB ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socda:

  • Ogolaanshaha socdaalka ee joogitaanka Ireland in kabadan 90 maalmood
  • Adeegyada diiwaan galinta marki laguu ogolaado inaad sii joogto Ireland
  • Bixinta Ogolaanshaha Degenaansha Ireland (IRPs)

Kala Xiriir:

Adeegga Ilaalinta Degenaanshaha Caalamiga (IPAS)

Adeegga Ilaalinta Degenaanshaha Caalamiga (IPAS) ayaa ka mas’uul ah soo iibinta iyo maamulidda guud ee guryaha ay bixiso dowladda iyo adeegyada kale ee magangalyo-doonka iyo kuwa loo maleynayo iney dhibane uyihiin tahriibinta dadka. http://www.ria.gov.ie/en/RIA/Pages/Home

IPAS ayaa ka mas’uul ah adeegyadan soo socda:

  • Diyaarinta guryaha iyo adeegyada kale ay u baahanyihiin magangalyo-doonka iyo kuwa loo maleynayo iney dhibane uyihiin tahriibinta dadka.
  • Dajinta magangalyo-doonka xarumaha soo dhaweynta kuyaalo Dublin xilliyada ugu horreeyso si loosiiyo jiheyn, baaritaan caafimaad oo ikhtiyaari ah, qiimeynta baahiyaha iyo caawinta tallaabooyinka koobaad ee codsiyada magangalyada
  • Kormeerka howlaha dejinta xarumaha iyo isku dubaridka adeegyada laga bixyo xarumaha

Kala Xiriir:

Tusla, Hay’adda Qoyska iyo Carruurta

Tusla Waa hay’ad dawli ah oo ay ka go’antahay mas’uuliyadda ilaalinta carruurta. Waxay bixisaa ilaalinta carruurta, fara galinta hore iyo adeegyada taageerada qoyska ee Ireland. Tani waxaa kamid ah mas’uuliyadda xanaaneynta ilmaha cidina wehlin kuwaasoo joogo Ireland oo doonayo magangalyo. http://www.tusla.ie/

Kala Xiriir:

Guddiga Macluumaadka Muwaadiniinta

The Guddiga Macluumaadka Muwaadiniinta waa guddi sharci kaasoo taageero bixinta macluumaadka, talabixinta iyo udooditaan ballaaran ee dadweynaha iyo adeegyada bulshada. Waxay muwaadiniinta siisaa macluumaadka webseedada, kaasoo kakooban macluumaadyo faahfaahsan oo kusaabsan adeegyada dadweynaha iyo xaq ulahaanshiyaha degenaanshaha iyo taageeridda iskuxirka ikhtiyaariga ah ee Xarumaha Macluumaadka Muwaadiniinta ee wadanka dhan iyo adeegga tilifoonka ee Macluumaadka Muwaadiniinta. https://www.citizensinformation.ie/en/

Si aad u hesho xarunta macluumaadka muwaadiniinta ee kuu dhaw fadlan eeg: http://centres.citizensinformation.ie/

Kala Xiriir


Macluumaadka la xiriira