Hoyga Magangalyo-Doonka

Gudaha Ireland, magangalyo-doonka waxaa loogu talagalay xarumaha hoyga tooska ah ee bixinta.

Markii hore, magangalyo-doonka waxaa la dejin doonaa xarun ku taal Dublin muddo ku dhow 14 maalmood ujeeddooyinka hanuuninta, bixinta macluumaadka, baaritaanka caafimaadka ikhtiyaariga ah, qiimeynta baahiyaha, iyo ka caawinta heerarka ugu horreeya ee codsiyada magangelyada, ka hor inta aan la kala bixin xarumaha kala duwan ee dalka iyadoo kuxiran duruufaha shaqsiyeed iyo awooda xarumaha.Xarumaha waa aasaasi waxayna kusiinayaan goob aad joogto iyo ka cunto. Waxaa laguu xaqsiin inaad codsato kaarka caafimaadka kaasoo kusiinayo helidda adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

Haddii aad haysato meelo kale aad kunoolaato gudaha Ireland sida saaxiib, lamaane ama xubin qoyska waad sameyn kartaa sidaa.

Si kastoy noqoto, haddii aadan haysan meel aad ku noolaato oo aad rabto iney ku dejiso Direct Provision waxaa lagugu hagi doonaa Adeegga Hoyga Ilaalinta Caalamiga (IPAS) marki aad sameyso codsiga magangalyada ee Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) si laguu dejiyo xarun.

Dadka dagan Direct Provision waxay gunno asbuuci uhelayaan €38.80 ama €29.80 ee ilmaha oo ka timid Waaxda Daryeelka Bulshada. Kaalmada kale ee ka imaaneyso Waaxda, sida,  nawliga baska ee looga qayb galayo balamaha, waxaa laga heli karaa hadba sida uu go’aamiyo sarkaalka daryeelka bulshada ee deegaanka. Si aad oga faa’iideysato kaalmooyinkan waa inaad hesho lanbarka adeegga dadweynaha gaarka ah (PPS). Waa inaad tagtaa xarunta kuugu dhow ee diiwaangelinta PPS (liis buuxa oo xarumo ah ayaa laga heli karaa websaydhada Waaxda Daryeelka Bulshada oo ay la socdaan dukumiintiyada lagama maarmaanka ah si loo helo Lambarka PPS).Dukumintigaan waxaa kujira baasaboor ama Shahaadada Diiwaangelinta ee Waaxda Caddaaladda iyo Sinnaanta (Kaarka Socdaalka), caddeynta cinwaankaaga iyo, haddii la heli karo, dukumintiyada taageeraya midkood dhalasho, shaqo, shaqo la’aan, deganaansho, canshuur qaadis ama taariikh waxbarasho.Sidoo kale waa inaad diyaar u ahaataa inaad faahfaahiso sababta aad u rabto lanbarka PPS tusaale si aad ugu doodo gunnada asbuuclaha ah. https://www.welfare.ie/en/Pages/Personal-Public-Service-Number-Registration-Centres-by-Count.aspx


Macluumaadka la xiriira